Haddii Mishiinkii Dhaqaalaha La Handarabay, Waa In Wax Kale Lagubadalo.

0
Thursday September 26, 2019 - 09:31:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1633
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haddii Mishiinkii Dhaqaalaha La Handarabay, Waa In Wax Kale Lagubadalo.

    Dad badan ayaa ka cabanaya dhaqaalaha dalka, oo leh dhaqaalaha dalku hoos ayuu u dhacay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad badan ayaa ka cabanaya dhaqaalaha dalka, oo leh dhaqaalaha dalku hoos ayuu u dhacay.
Hadaba, Maxaa is badalay? Ma cuna qabataynta aynu ku jirnay mid aan ahayn ayaa la inagu soo rogay? Ma dadkii dalka maal gashaday ayaa hantidoodi kala baxay, oo dalka ka dhoofay? Mise dadka ayaa waxaan jirin sheegaya?


Dad badan  oon dawlada u shaqayn jirin oo Oday-Dhaqameedo ah, Af-Miishariin iyo Siyaasiyiin isku sheeg ah ayaa mushahar iska qaadan jiray. Hantida umada waxaa ay ahad qaataye adna qaado.
Haddaba, Xukumada Muuse Biixi way ku mahadsan  tahay inay joojiso hantida ummada ee sida sharci darada ah ku baxaysay. Dadka diidan HANDARAABKUNA, waa kuwa hantida ummada laga handaraabay.
Hantida ummada ee sida qaldan u baxaysanay, waxay xukuumadani ku badashay in dalka lagu maalgaliyo oo dadka wax loogu qabto. Mudooyinka danbe mashaariic ayaa dawladu dhagax dhigtaa, gudida qandaraasyaduna sharkada soo dalbada ee hirgalinaya u qaybisa. Mashruucyada dalka laga hirgalinayaa waxa ay wax wayn ku kordhiyan horumarka iyo dhaqaalaha dalka.



Dhaqaalaha mashruucyadani ay soo kodhinayaa way kooban yihiin, waayo dad kooban ayaa ka shaqeeya, faa’iida sharkadahani sameeyan way kooban tahay. Teeda kale, hantida ummada ee la boobi jiray waxay lagu isticmaali jiray ooy ku koobnayd Caasimada. Halka mashruucyada la hirgalinayaa dalka oo dhan ka socdaan, shaqaalaha ka shaqeeyan ay  ku bahsan yihiin  dalka oo dhan.


Haddaba, nasiib daradu waxay tahay, mishiinka dhaqaalaha dalka waxuu ku socday hantida qaranka ee la boobi jiray. Dadka hantidani iska qaadanayay iyaga, reerahooda, saxiibadood iyo qaraabadoodu ayaa wada isticmaali jiray. Maqaaxiyo ayay wax ka cunayeen. Marfishyada Qaad ayay QAAD ka iibsanayeen. Guryo ayay kiraysanayeen ama iibsanayaan. Isguulada gaarka loo leeyahay ayay caruurtooda tagayeen. Haddaba, markii lacagtani la joojiyay,  maqaaxiyihii macaamil badan ma helayaan. Marfishyadii iyo dumarkii ay qaadka ka iibsanayna macaamishoodu hoos ayay u dhacaysa. Sida oo kale, iskuulada gaarka loo leeyahay ardayda tagaysay way yaraanaysa.


Sida daradeed, lacagta la joojiyay waxay taabatay dhaqaalaha dalka, khasatan dhaqaalaha magaalada Hargaysa. Wax kalena laguma badalin. Waxa ay dadku dareemeena waa taasi.


Dalalka calamka ee horumaray, marka uu hoos-u-dhac dhaqaalo ku yimado ama ‘recession’. Siyaabaha ay kula dagaalaman, waxaa ka mid ah in ay lacag cashuur dhaafa dadkooda u sameeyan, si dadku u isticmaalan ooy lacagtaasi dib ugu celiyan dhaqaalaha. Tusaale ahaan, September 2008, dalka Maraykanka waxaa ka dhacday hoos-u-dhac dhaqaalo ama ‘recession’, kaasi oo calamka oo dhan sameeyay. Haddaba, bilawgii sanadkaasi dawlada Maraykanku waxay qof kasta oo cashuur bixiya siisay lacag $600/shakhsiga ilaa $1200/xaaskii.


Dhawaca dhaqaale Maraykanka gadhay oo aad u waynaa awadeed, wax badan kama tarin lacagtani. Lakiin, xukumada dalka ka talinaysay waxay siiyay wakhti dhaqaaluhu sii dhutuyo.


Haddaba, dawlada Somaliland ma hayso lacag ay ku kaabto dhaqaalaha dalka. Lakiin waxay u bahan tahay in ay fikir cusub ooy dhaqaalaha dalka ku kobciso la timado. Talo ahaana waxaan u soo jeedin lahaa:

1)    Kordhinta Mushaharka shaqaalaha dawlada.

Inkasta oo dhaqaalaha xukuumada heshaa uu kooban yahay, haddana waa in xukuumada ay isku dheeli tirto hirgalinta mashruucyada dalka ka wado iyo kordhinta mushaharka shaqalaha dawlada.


Musharka shaqaalaha loo kordhiyaa waxuu markiiba dib ugu noqonaya dalka, waayo lacagta shaqaalaha loo kordhiyaa wax bay ku iibsanayaan, dhaqaalaha dalka way badhi taraysaa. Teeda kale, waxay soo celinaysaa kalsoonida dadka.  Sharkada ama qofka doonaya inuu maal gashadana wuxuu ku dhiiranya inuu maal gashi sameeyo, oo shaqooyin abuuro. Qurbo joogta  waxay ku dhiiranayaan inay dalka yimadan, ooy huteelo iyo baabuur kiraysan. Ehelkooda lacag siiyan. Dhaqaalaha dalkuna wuu kobcayaa.


2)    Hirgalinta mashruucyada dalku u baahan yahay een shaqsi ama sharkadu ayna hirglin karin.

a)    Cuntada aynu cuno ooynu beerano.

Cuntada aynu cuno badankeedu dibada ayay inooga timada. Lacagta adag ee dalka soo gasha, oo markeeda horeba iska koobani, dib ayaynu dibada ugu dirnaa. Wax ayna ku soo iibsana rashinka aynu cuno iyo maandooriyaha QAADka, oo ah masiibo qaran oo ummadeena lagu falay.


Tusaale ahaan,  waxaa QAADka Itoobiya aynu kaga soo iibsanaa lacag ugu yaraan dhan $500,000 (Half Billion dollars). Lacagta rashinka aynu cunana ku soo iibsanaa waxaa lagu qiyaasi karaa in ay tahay, ugu yaraan saddex lab (Three times) inta qaadka aynu ku soo iibsano oo u dhiganta $1,500,000 (One Billion and half dollars).


Haddaba, si DHIIG BAXA DHAQAALE aynu u joojino waa in aynu cunta aynu cuno beerano.


Beeraha cuntada ee aynu u baahanay waa beero waawayn oo dhaqaalo badan u bahan.
Beerahani waxay u bahan yihiin in biyo xidheeno loo qabto ama ceelal riiga loo qodo. Waxay u baahan yihiin cagafyo iyo qalabka beeraha. Waxay u bahan yihiin shaqalo aqoon iyo wayo aragnimo u leh beeraha. Intaasina oo dhana waxay u bahan tahay dhaqaale iyo maal galin. Sida daraadeed, waa in xukuumad hormoor u noqoto siddii dalka shirkado cuntada soo saara looga hirgalin lahaa. Teeda kale, ma ah in dawlada Somaliland sida beerihii INJI-da ee dawladii Kacanka ee Siyad Bare wax u beeri jirtay oo kale samayso. Waayo cuntada aynu u baahanahay habka noocaasi oo kale ahi inama anfacayo.


Haddaba, si loo hirgaliyo mashruuyadani Beeraha waa in daraasada (ama feasibility study) lagu sameeyo mashruucyada Beeraha ee dalka laga hirgalin karo.

Sida daraadeed, waa in xukuumada hirgaliso Bangiga Horumarinta Somaliland (Somaliland Development Bank). Bangigani waa inuu darasad (ama feasibility study) ku sameeyo mashruucyada Beeraha ee dalka laga hirgalin karo. Kadibna samiyo (shares) dadku iibsan karan u qaybiso. Dadka maal gashaday mashruucani ay wada yeeshan. Haddii dawladu ay sami ku yeelatana waa inuu yarado, haddii cashuur laga qaadana waa in ay aad u yarato.


b)    Laydh (energy) Jaban

Somaliland waa meelaha caalamka laydhku ugu qaalisan yahay. Horumarna inag dheer haddii aynaa helin laydh jaban. Sida daradeed, waa in aynu samayno sharkad wayn oo aynu ku wada shuraakawno haddii ay tahay; Dawlada, Sharkada Laydhka, maal qabeenada, qurba joog iyo cid ala iyo cida doonaysa in ay maal gashato.


Laydhka aynu isticmaalno waxa aynu ka dhalinaa Jeneraytaro ku shaqeeya Nafto (Diesel Generators). Haddaba, haddii aynu doonayno laydh jaban, waa in aynu isticmaalno Dhuxul Dhagax, waayo Dhuxul dhagaxdu waa walaxda ugu jaban ee laydh laga sameeyo. Dalkeena waxaa ku jirta dhuxul dhagax badan. Dhuxul Dhagax dalkeena ku jirta haddii aynaan iminka la soo bixi karin, macnaheedu ma ah in aynaan warshada Dhuxul Dhagax dalkeena ka hirgalin karin. Waayo sida aynu Naftada u soo iibsan ayaynu Dhuxul Dhagaxda u soo iibsan karnaa.


 Haddaba, waxaa loo bahan yahay in Bangiga Horumarintu Somaliland uu darasad (ama feasibility study) ku sameeyo warshad laydh oo dhuxul dhagax ku shaqaysa. Kadibna, samiyo (shares) dadku iibsan karan u qaybiyaan. Dawladuna cashuur aad u yar ku yeelato.


c)    Warshada Sibidhka

Warshada kaliya ee macno leh ee dalkeena laga hirgaliyay waxay ahayd warshadii sibidhka. 28-kii sanno ee aynu xoriyadeena la soo noqonay waynu ku fashilan in aynu kicino warshadani. Dadkii la siiyay in ay hirgaliyan warshadani way ku guul daraysteen. Sida daraadeed, waa in uu Bangiga Horumarinta Somaliland uu daraasad ku sameeyo. Kadibna, samiyo (shares) dadku iibsan karan u qaybiyo. Haddii dawladu sami ku yeelatana waa inuu yarado, lakiin waa in ay cashuur ku yeelato.


Haddaba, haddii la doonayo in warshda sibidhka la kiciyo waa in marka hore la hirgaliyo warshda laydh, oo qiimaha laydh-keedu hooseeyo. Sida daradeed, waa in warshada Laydhka iyo Sibidhka isku mar la hir galiyo, haddii kale, warshada sibidhku ma noqon doonta mid laga faa’iido. Sibidhka dibada ka imanaya ayaa ka jabnaanaya.


Teeda kale, mashruucyadani waa in aan Sharkad/Sharkado, ama Shakhsi/Shakhsiyaad loo xidhin, lakiin, waa in Mashruucyadani ama Sharkadahani noqdaan kuwa ummada Somaliland wada leeyihiin, ayna wada illaashadan. Sida daradeed, waa in qofkasta oo Somaliland ahi uu samiyo (shares) ka iibsan karo. Maalgashiga ugu yar e qof iibsan karaana waa inuu aad u yaraado. Tusaale ahaan, waa in maalgashiga ugu yari noqdo $1000. Haddab, haddii sharkad/sharkado ama shakhsi/shakhsiyaad ajaaniba maal gashi ku sameeynayaan, waa in dadka iyo xukumada Somaliland aqlibiyada yeeshan ama ugu yaraan 51%.


Gaba gabadii, dadka Somaliland waxaa mudo dheer naawilayaan in dhaqaalaha dalku is badal ku yimado. Si dadka, khasatan dhalin yarada shaqada la’ ay shaqooyin u helaan. Haddaba, xukumada Somaliland waxa laga rabaa in ay la timado fikrado cub oo dhaqaalaha dalka lagu kobcin karo.


Wakhtigan aynu joogno, waa wakhti dadka Somaliland ugu lacagta badan yihiin, ugu cilmi iyo aqoon badan yihiin, ugu wayo aragnimo badan yihiin. Waxayse u bahan yihiin hogaan la jaan qada, oo ka faa’iidaysta aqoontada, wayoaragnimadooda, iyo hantidooda.
 
Haddaba, haddii dhaqaalo xumadan sii jiidanto, waxaa hubaala in ay dawladnimo khal khal gali doonto. Dawlada badan ooy ugu danbaysan dawladii dalka Sudan ee muda 30ka sano uu hogaaminayay  Omar Al-Bashir, waxay la radiya markii ay shacabku roodhidii ay cunayeen iibsan kari waayeen. Marka, Xukumada Somaliland waa in ay hurda ka kacdo ooy kobcinta dhaqaalaha ku dadaasho.

Xukuumada dalka ka talisa waxan kula talin lahaa in ay wada tashiga dadka aqoonta leh badsato. Talooyinka dhaqaalaha wax ka taraya qaadato, ayna hir galiso oo ayna iska dhaga tirin.

Sideedaba, marka dhaqaaluhu dalka kobco, dadku shaqooyin ayay helaan, maal qabeenada iyo dadka dalka maal gashadana macaash ayay sameeyan, dawladuna cashuur ay dalka ku horumariso ayay heshaa. Teeda kale, dadka dawlada ku mashquulsani waxay helayaan shaqooyin ay ku mashquulan.

SOMALILAND HA NOOLATO!!!!!!!!!!!!
OMAR ABDI YOUSUF
OAKLAND, CALIFONIA
WWW.SOMALILANDFIRST.COM
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...