Raysal Wasaare Kheyre Oo Ka Hadlay Cabasho Musha'har La'aan Ah Oo Ay Soo Jeediyeen Ciidamada Dalkiisu.

0
Tuesday March 19, 2019 - 10:23:28 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1883
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaare Kheyre Oo Ka Hadlay Cabasho Musha'har La'aan Ah Oo Ay Soo Jeediyeen Ciidamada Dalkiisu.

    Ra'iisal wasaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo xalay khudbad ka jeedinayay kulan looga hadlayay dardargalinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal wasaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo xalay khudbad ka jeedinayay kulan looga hadlayay dardargalinta

is dhaxgalka bulshada iyo laamaha Amniga ayaa yaa ka hadlay cabashada maalmihii ugu danbeeyay ay jeedinayaan qaar ka mid ah ciidamada dowladda Somaliya.

Ra’iisal wasaaraha ayaa wax ba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in ay jiraan ciidamo aan mishaar qaaday ku dhawaad Afar bilood.



Laakiin waxaa uu soo hadal qaaday in jiraan ciidamo wali aan diiwaangashneyn, kuwaa oo hadda la rabo in tirakoob lagu sameeyay kaddibna la diiwaangaliyo


Raysal wasaaraha oo arinkaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi ‘’Ma jiro askari ka tirsan ciidamada dowladda oo diiwaan-gashay oo aan mishaarkiisa la siin, inta ay ka maqan tahayna waa inta aan la diiwaangalin, fadlan geeya goobaha loogu tala-galay, ku diiwaangaliya ku koontaroola, xuquuqdoodana aniga iga soo doona’’.


Raysal wasaaraha ayaa intaasi ku daray ‘’Waxaan rabnaa in lacagta loo qoodeeyay wiilashaa ciidamda ah in ay si toos ah u gaarto oo aan dhaxda laga bixin, kuwa gaaradaha waaweyn heysta waxaa laga rabaa in ay shaqadooda ahaato in shilinkii lagu aaminay dadkii loogu talagalay la gaarsiiyo’’ .


Dhawaan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa isaga soo baxay fariisimo ay ku lahaayeen gobolka Shabeellaha hoose iyaga oo ka cabanaya mishaar la’aan.

Loading...
Loading...