Warbixin ku saabsan kor ukaca biyaha badda.
Kor u kacabiyaha badduwaa mushkilad xaqiiq ah oo soo waajahday meeraha dhulka, kor u kacan oo keeni kara in ay qarqoomaan tirobadan oo ah magaalooyin ku yaala badaha dhexdooda
Kor u kaca biyaha Badda:
Kor u kacabiyaha badduwaa mushkilad xaqiiq ah oo soo waajahday meeraha dhulka, kor u kacan oo keeni kara in ay qarqoomaan tirobadan oo ah magaalooyin ku yaala badaha dhexdooda, sababta ay biyaha badu kor ugu kacaanayay ku sheegeen saynisyahanadu in ay tahay heer kulka badda oo kor usii kacaya, taasi oo keenaysa in uu dhalaalo barafka ku yaal agoobaha baraflayda ah ee badda dhexdeeda.
Diraasado la sameeyay ayaa muujinaya in cabirka kor u kaca biyaha baddu uu kordho 20 cm Qarnikasta, oo ah 2 mm sannadkiiba. Saynisyahanadu waxay diiwaangaliyeen in celcelisahaan biyaha baddu kor ay u kacaan 1.8 mm Sannad kasta, taasi oo sannadkii dhawayd gaadhay boqolkiiba boqol.
Sanadihii u dhexeeyay 1993 – 2003 waxa la diiwaangaliyay in ay baddu kor u soo kacday tiro dhan 3.1 mm sannadwalba, taasi oo saynisyahanadu ay kufasireen in ay sababeen dhaqdhaqaaqyada bani aadamku uu ka fulinayo dhulka guud kiisa oo ay ka mid tahay baabuurta, warshadaha, kaymaha la gubayo, iwm. Natiijooyinka ka dhalanaya dhaqdhaqaaqaas ayay culimadu sheegtay inay kor usoo qaadi doonaan korodhka cabirka badaha aduunka.
Saynisyahanadu waxay filanayaan in kor u kaca biyaha baddu uu gaadhi doono 1.3 m Qarniga soo socda, halka ay qayb ka mida sheegayaan in kor u kacani uu hoos u dhici doono 80 cm hadii bani aadamku dhaqdhaqaaqiisa xakameeyo.
Khasaaraha Duufaanada ayaa ah dhibaatooyinka kor u kaca baddu ay keentay, tusaale ahaan xeebaha maraykanka koonfureed iyo waqooyi waxa ka dhacay duufaan la magac baxday Andro oo dhexreerkeedu ahaa 290 km, ka dibna duufaantii Katrina oo ka weyneyd, kadibna Ayrin, iyo Sandi oo loo bixiyay "Hooyada Duufaanada oo dhan”; dhexroorkeedu waxa uu ahaa 1,600 km, iyo duufaantii Dorian ee dhacday bishii hore oo lagu gudo jiro warbixinadeedii.
Tusaale ahaan Sandi waxay soo qaaday tiriliyoono biyo ah, waxay gaysatay khasaare nafeed oo dhan 200 oo qof iyo wax ka badan, iyo mid maal oo lagu qiyaasay balaayiin doolar ah, kooxaha gurmadku waxay diiwaangaliyeen 20,000 oo telefoon gurmad ah saacadiiba, taas oo macnaheedu yahay 300 oo telefoon daqiiqadiiba ama 5 telefoon ilbidhiqsigiiba. Lambarada gurmadka oo cidhiidhi noqday awgeed, waxay dadku fariimo ugu direen Twitterka laamaha gurmadka, maamulaha social media ha gurmadku waxay sheegtay in ay argagax kala kulantay fariimaha naxdinta leh ee loo soo dirayo iyo xawaaraha ay dadku ku qorayaan fariimahaas, waxay la kulantay 900 oo fariimood saacadiiba, oo ah 15 fariimood daqiiqadii ama 4tii ilbidhiqsiba hal fariin.
Dayaxa ayaa qeyb weyn ka ciyaara khasaaraha Duufaanada, dayaxu marka uu buuxsamo waxa awood badata jaadibiyada uu usoo jiidanayo biyaha bada xagiisa, taasi oo keenta in habeen walba ay mawjadaha biyaha baddu kor u kacaan 4 miter badda dhexdeeda, qoraxdu markay soo baxdo waxa ay sheegeen in ay midoobaan jaadibiyada qoraxda iyo dayaxu ka dibna ay dhashaan mawjado 6 miter gaadhaya, hadaba duufaanta Sandi waxay dhacday markuu dayaxu buuxay qoraxduna taagnayd.
Gabobadii, biyaha badda oo beriga ka hooseeya waxaan ku aragnaa warbixintan in cabirka kor u kaca biyaha baddu uu kordhayo sannad kasta, duufaanta kor aynu ku xusnayna waxay marag u tahay in khasaaraha duufaanadu sanad walba ay kordhi karaan.
W/Q: CabdishakuurMaxamed.
Tell: +252 63 4708686
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...