"Madaxweynuhu Galbeedka Aad Ayuu U Garanayaa Laakiin Bariga Xaaladaha Ka Jiraa….."Siyaasi Cabdilaahi Geeljire
Hargeysa(HWN):-Siyaasi Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geeljire ayaa ka hadlay sida uu u arko muuqaal uu madaxweynaha somaliland kaga hadlay xaalada amaan ee dalka.
Siyaasi Cabdilaahi Geeljire oo ka waramaya waxyaabaha uu muujinayo muuqaalkaasi ayaa waxa uu yidhi "Muuqaal wanaagsan ayuu ahaa oo muujinaya in madaxweynuhu kaligii lugayn karo oo miyigana u bixi karo, meesha uu tagayna waxay iila eekayd Dooxii Geed Deeble ee uu beerta ku lahaa, yeelkadiisee madaxweyne si xoriyad ah u soconaya oo caruurta xoolaha la joogta iska dhexmaraya waa wax lagu faano.”ayuu yidhi siyaasi Geeljire oo u waramay Saabtv.

Sidoo kale siyaasi Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geeljire ayaa ka waramay turjumaada laga qaadan karo muuqaalkaasi "Xaalada somaliland oo dhan kama turjumi karo madaxweynahana waxa hadalkiisa ka mid ahayd markii uu geedka hoostiisa ku waramayey hadaad laamiyada ka baydho oo aad miyiga marto ilaa Saylac ayaad lugayn karaysaa oo aanay wax mushkilad ahi jirin oo galbeedka aad ayuu u garanayaa laakiin xaaladaasi barigii kama jirto, waxaana wanaagsanaan lahayd iyada oo ilaa Ceerigaabo sidaas loo socon karayo oo geela iyo caruurta la dhexmari karayo.”
Siyaasi Cabdilaahi Geeljire ayaa soo bandhigay xaalado amaan oo ka taagan qaybo ka mid ah somaliland "waynu ognahay colaada Ceel Afweyn ka taagan waxa kale oo aynu ognahay in isku socodku aanu sidii hore ahayn, madax dhaqameedkii nabada ku maqnaa ee Ceerigaabo ka imanayey maalintii dhawayd waxaynu ognahay in tikniko lagu soo gudbinayey baqo daraadii waxaasina wax jiri jiray may ahayn.”
Siyaasi Cabdilaahi Geeljire ayaa intaas raaciyey "Xaaladaas uu madaxweynuhu a hadlayana kama wada turjumayso qaranka oo dhan waana waxan aynu la qaylinayno ee aynu leenahay nabada halkeedii halagu soo celiyo oo haloo guntado, meeshii ay wax ka dhacaana sidaas ayey u xanibmaysaa, galbeedkaas uu madaxweynuhu ka hadlayana haday waxyari ka dhacaan way iswada badalaysa markaa meel walba waxa lagaga dhawaaqayaa nabada aan ilaalino


0 





