Faysal Cali Waraabe Oo Soo Bandhigay Codsi Uga Yimid Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Jawaabtiisa Oo Uu Daahir Rayaale Ugu Halqabsaday

0
Wednesday September 25, 2019 - 20:03:56 in News by
  • Visits: 4855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Cali Waraabe Oo Soo Bandhigay Codsi Uga Yimid Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Jawaabtiisa Oo Uu Daahir Rayaale Ugu Halqabsaday

    Faysal Cali Waraabe Oo Soo Bandhigay Codsi Uga Yimid Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Jawaabtiisa Oo Uu Daahir Rayaale Ugu Halqabsaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faysal Cali Waraabe Oo Soo Bandhigay Codsi Uga Yimid Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Jawaabtiisa Oo Uu Daahir Rayaale Ugu Halqabsaday


Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa u kala markhaati furay dulqaadka madaxweynihii hore ee somaliland Daahir Rayaale iyo madaxweynaha Hada Muuse Biixi.

Image result for faysal cali waraabe


Gudoomiye Faysal oo ka hadlayey munaasibad qalin jabin ah oo ka dhacday magaalada Boorama ayaa ka waramay dhibaatada ka dhalata dimuqraadiyada iyo tabashooyinka laga qabo dawladnimada somaliland.


Faysal Cali Waraabe, hogaamiyaha xisbiga Ucid oo bulshada dardaarano u jeedinaya ayaa waxa uu yidhi "Dhibaato ayey leedahay dimuqraadiyadu mar mar, waana marka qof aan meeshii ku haboonayni uu doorasho ku soo baxo marka ay taas ookale inagu dhacdo ee qawad yimaado waa inaynu qofkii badalnaa oo doonidana miyeynu qarqinaa mise qofka ayeynu ka soo saarnaa oo aynu nidhaahnaa waar na dhaaf waxma tarayahow, waxmataruhuna wuu inaga tagi doonaa insha allah, laakiin waa inaynu dadka iyo nabada ilaashanaa.”


Sidoo kale gudoomye Faysal ayaa soo bandhigay jawaabaha uu ka bixiyo codsiyo ka yimaada soomaaliya "Soomaaliya waanu wada hadalnay siyaasiyan, waxaanay yidhaahdaan walaalayaal hanaga tagina oo madaxweynaha iyo caasimada qaato waxaanan ku yidhaahdaa imika ayaanu caasimad iyo madaxweyne haysanaa ee maxaa I marti gelinaya, marti tagi maynee teena ayeynu hagaajisanaynaa.”


Gudoomiye Faysal oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Daahir Rayaale dawladi kamay dambayn ma odhan karo laakiin wax u dhaw ayaan odhan karayaa, waxa uu ahaa madaxweyne wanaagsan oo dulqaad badan wax walbana waa lagu odhan jiray.”


Sidoo kale gudoomiye Faysal ayaa soo bandhigay codsi uga yimid madaxweyne Muuse Biixi "Maalin dhawayd ayaanu murmaynay madaxweyne Muuse oo waxa uu iiga cawday nin markaas ayaan ku idhi waar miyaanad ogayn waxaad ku samayn jirteen Daahir Rayaale markaas ayuu igu yidhi anagu shakhsiyaad maanu caayi jirin ee xaalado ayaanu ka hadli jirnay, markaana dad badan oo rayaale ku kacsanaa inkasta oo aan anigu gaashaanka u dhigi jiray oo aan wax ka celin jiray laakiin marna mucaaridkaasi muu odhan jirin reer Awdalow waad na boobteen markaa kalmadaas beesha dhexe iska dhaafa oo ku eekaada canaanta maamulka.”


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland


Loading...
Loading...