Dawlada Imaaraadka Carabta Oo Balaadhinaysa Garoonka Diyaaradaha Boosaaso
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa shaacisay inay ballaadhinayso garoonka diyaaradaha magaalada
Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaddib markii ay halkaa booqasho ku tageen
wafdi ka socda Imaaraadka.
Wafdiga ayaa booqday garoonka diyaaradaha ee Boosaaso, iyaga oo kormeer ku sameeyay qeybaha garoonka.
Mas'uuliyada xukuumadda Abu Dubai, ayaa sheegay in sida dhaqso ah loo billaabi doono dhismaha lagu doonayo in lagu ballaadhiyo garoonka ku yaalla magaalada xeebeedka Boosaaso.
Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomadda Puntland, Xuseen Cismaan Lugatoor ayaa suxufiyiinta u sheegay in garoonka ay u diyaarinayaan inuu ka mid noqdo garoomada ugu wanagsan gobolka, bixiyana adeeg iyo shaqo waafi ah.
Lama sheegin xilliga rasmiga ah ee la billaabayo qorshaha lagu ballaadhinayo garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.
Loading...
Loading...


0 





