Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Dhigiisa Wadanka Maraykanka Donald Trump
Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay dhigiisa wadanka Maraykanka Donald Trump.

Madaxweyne Farmaajo oo ay wehelinayso marwadiisu ayaa shirka guud ee qaramada midoobay kula kulmay madaxweynaha maraykanka oo ay ku lamaan tahay marwadiisa.
Madaxtooyada dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa soo bogeeda ku baahisay sawir ay si wada jir ah u galeen labada madaxweyne oo ay wehelinayaan marwooyinkoodu, balse faah faahin kamay bixin waxyaabaha ay labada hogaamiye ka wada hadleen.
Qoraal ay madaxtooyada soomaaliya soo raacisay sawirka ay baahisay ayaa u dhignaa sidan:-
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Marwada Koowaad ee dalka Marwo Zaynab Cabdi Macalin ayaa ka qeyb galay kulan soo dhaweyn ah oo uu Madaxweynaha Mareykanka Mudane Donald Trump u sameeyay madaxdii kasoo qeyb gashay Meertada 74-aad ee Golaha Qaramada Midoobay.


0 





