Maamul Wanaagu Waa Waxa Difaaca Hogaamiyaha Iyo Xukuumadiisa. Q: Abdishakur Gande.

0
Wednesday September 25, 2019 - 17:32:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1368
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamul Wanaagu Waa Waxa Difaaca Hogaamiyaha Iyo Xukuumadiisa. Q: Abdishakur Gande.

    Abdishakur Gande Abdishakur M. Hassan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abdishakur Gande Abdishakur M. Hassan


 

FB_IMG_1548544545448.jpg

Abdishakur Gande

Abdishakur M. Hassan

[email protected]

Telephone Number: 0634200882

Hargaysa, Maroodijeex Somaliland

 

-  Aduun Maagac Baa Ka Hadha -

Xigmad baa ahayd ’Dhaqanka Wanaagsan Waa Waxa Difaaca Qofka Markuu Maqan Yahay’’. Dadka nolashaada ku xeeran hadaad kula nooshahay dhaqan wanaagsan, sharafta aad ku leedahay ayaa ah isla gaashaanka ku difaaca xiliga aad maqan tahay. Micno ma samayso in aad dadka ka dhaadhiciso ama barto wanaagaaga iyo waxtarkaaga balse waxa qiimahaaga muujiya ama qofnimadaada marag u noqda wanaagaaga iyo waxtarkaaga.

 

Hogaamintu waa inay yeelataa hiigsi. Kaasoo hilinka loo marayo iyo hanaanka loo hirgalinayaa uu cad yahay. In uu heegada gaadhaana ay hareeraha hayaan halyayyo u heelan halgankaa kadhabayntiisa awoodna u leh hinjinta culayska himilada qaranka ay masuuliyada u hayaan ama hawlaha loo igmaday ku hagi karaan.

 

Hogaamiyahu ma aha mid isagu isku yaqaana in uu kaligii hagi karo ama awood iyo aqoon kaligii u leeyahay arimaha caafimaadka, Dhaqaalaha, Biyaha, Waxbarasahada, Amniga, Garsoorka Iyo wax lamida oo umadiisu u baahan tahay in ay arimahaa horumar ka gaadho. Balse, Hogaamiyaha wanaagsani waa midka leh:

1.      Deeqsinimo uu ugu hebeeyo hawl walba cida ku haboon ee misana uu u igmado.

2.      Maamul daadejin ama awoodsiin buuxda iyo laxisaabtan waajibaad

3.      Daacadnimo iyo deddaal dhab ah oo uu galinayo hawsha uu hayo,

4.      Barnaamij uu ku hagayo, sahayna u ah geediga uu hogaaminayo

5.      Baalal uu ku duuli karo oo uu kaga gudbi karo caqabadaha soo wajaha.

6.      Garbo ka cabin kara culayska uu sido iyo caddaadisyada kaga imanaya banaanka.

FG: Lixdan sifo oo kali ahi astaan uma aha hogaaminta balse waa lix kamid ah nooca hogaanka xiligan loo baahanyahay ama mawduuca ah: Maamul wanaagu Waa Waxa Difaaca Hogaamiyaha Iyo Xiligiisa.

 

1.      Maqan-haybiye: Aragti fog.

2.      Hagid-yaqaan:    Maamul wanaag.

3.      Hellaa-dhaqe:     Iskuhayn/mideeye

Hogaamiyuhu hadaanu ahayn ama lahayn sadexdaa sifood ee kor ku xusan ma aha hogaamiyaha wanaagan oo qaran hagi kara. Sidookale, haduu mid ahaan sadexdaa sifood uu leeyahay waxa lagama maarmaan u ah in uu a labada kale ka dhigto garbaha culayska saran sida ama gacmaha hawsha wada. Waanu ahayn!!! Waxa cad in qofkaasi ahayn hogaamiye fiican balse uu yahay madaxwayne ama horjooge.

 

Sikaste ha ahaatee hadii hadii dareenka ama falcelinta bulshada laga waayo mahadnaq iyo bogaadin kusocota hogaanka talada haya waxa cad in aanay jirin.

1.      Hogaamiye wanaagasan oo diyaar u ah ka dhabaynta hiigsiga qaranka

2.      Fulinta ama rumayn balamo iyo barnaamij siyaasadeed horumarin ku dhisan.

3.      Garab ama Baalal lagaga gudbo ama la iskaga caabiyo culayska iyo caqabadaha.

 

Dhanka kale Hogaamiyaha leh:

1.      Wax-qabad cad iyo barnaamij siyaasadeed cad oo muuqda. 

2.      Hanaan iyo habsami uu ku hagayo hayaanka geediga (Hawlaha qaranka)

3.      Hawl wadeeno (Masuuliyiin) ku haboon oo aanan ahayn heeryo cun ahayn

4.      Jiho cad oo loo maro Heegada sare ee hiigsiga geedigu u hayaanka uu u yahay.

5.      Iyo wax lamida oo ay ka muuqdaan danaha iyo horumarka umadan geediga ahi.

Hogaamiyaha intaasi lihi wuxu helaa gaashaan wanaagsan oo ka difaaca culaysyada cadaw iyo mucaaridad ee gude iyo dibadba kaga yimaa xiliga uu talada hayo. Sidoo kale wuxuu ka tagaa marag iyo astaamo muuqda oo cadeeya ama difaaca muda xileedkiisa kuwaasoo taariikhda ugu xardha in uu ahaa hogaamiye wanaagsan oo dadkiisa iyo dalkiisaba samata bixiyay kaasoo gaadhsiiyay horumr wanaagsan. Aduun Magac Baa Ka Hadha.

 

Abdishakur Gande

Abdishakur M. Hassan

[email protected]

Telephone Number: 0634200882

Hargaysa, Maroodijeex Somaliland
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...