Maamulka Jubbaland Oo Shaaciyey In Dib Loo Dhigay Caleemo Saarka Madaxweyne Axmed Madoobe
War saxaafadeed kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in dib loo dhigay xafladdii caleemo saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam taas oo la qorsheeyay inay dhacdo 26-da Sebteembar.

Qoraalka uu soo saaray maamulka Jubaland ayaa haseyeeshe aan lagu sheegin muddada cusub ee caleema saarka.
Warka kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu yiri "Dib u dhigista caleemo saarka ayaa timid kadib markii si sharci darro ah xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya uga hor -istaagtay wufuuddii iyo marti sharaftii kasoo qeyb geli laheyd munaasabadda"
Waxay sidoo kale Jubbaland ku eedeeysay Dowladda Dhexe inay cunaqabateyn kusoo rogtay shacabka maamulkaas.
Jubbaland waxaa ka dhacday doorasho muran badan uu ka dhashay, dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan aqoonsaneyn natiijada doorashada.


0 





