Gudoomiyaha Golaha Guurtida Oo Ka Hadlay Khilaafka U Dhaxeeya Wasaarada Waxbarashada Iyo Dugsiyada Gaarka Ah.
Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha golaha guurtida somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya wasaarada waxbarashada iyo dugsiyada gaarka ah ee somaliland.
Gudoomiye Saleebaan oo maanta ka hadlayey fadhi ay yeesheen golaha guurtida somaliland ayaa ka warbixiyey kulamo ay la qaateen masuuliyiinta wasaarada waxbarashada iyo dugsiyada gaarka loo leeyahay isla markaana ay ka dhagaysteen sababta khilaafkooda keentay.
Gudoomiye Saleebaan oo ka hadlay khilaafka labada dhinac iyo natiijada kulamadii ay la qaateen ayaa waxa uu yidhi "Wasiirka waxbarashada iyo madarasadihii oo is haya ayaa jirta, wasiirkana waanu u yeedhnay dugsiyadana gaarka ahna waanu u yeedhnay si aanu xogta u helnana marar kala duwan ayaanu u yeedhnay, labadiiba way yimaadeen oo dugsiyada gaarka ahi waxay ka cabanayeen deeqihii waxbarasho oo ay leeyihiin waxba nalagama siiy, wasiirkuna wuxuu la yimid in deeqaha waxbarasho ay yihiin kuwo sahlan oo aan laysku qaban Karin, deeqaha waxbarashana dugsiyada gaarka ah ayaa ka badan oo mid waliba waxa uu ku xidhan yahay meelo dalal kale ku yaala iyaga ayaana naga badan deeqaha waxbarashada, markaa anaguna intii soo hadhay inaanu danyartii naga tagi wayday qayb siino ka fursan mayno.”
Gudoomiye Saleebaan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Waxaanu wasiirku yidhi dugsiyada gaarka ah waxaanu isku haynaa manhajkii iyo maamulidii aanu ku lahayn, manhajkana ay u fuliyaan sida wasaarada waxbarashadu u keento kuna maamulmo oo ay raacaan siyaasada guud ee waxbarashada, hadaad na dhex dhexaadinaysaana deeqaha waxbarasho aanu iskaga nimaadno oo qolo waliba wixii ay hayso in la waydiiyo diyaar ayaanu u nahay, xeer nidaamiyahana inay raacaan dugsiyada gaarka ahi balse wasiirku waxa uu sheegay inaanay kaasna doonaynba.”
Gudoomiye Saleebaan ayaa sidoo kale sheegay in kulamo kala duwan ay la qaadan doonaan masuuliyiinta labada dhinac "inaanu kulamo kale la qaadano ayaa noogu hadhsan oo wasaaradii waxbarashada iyo dugsiyadii gaarka ahaa ayaa Is haya wax quman maaha, iyagana aanu u yeedhno aakhirkana aanu isqaabilsiino taasna insha allah waanu fulin doonaa.”