Sideed Dhallaan Oo Ku Geeriyooday Dab Ka Kacay Isbital

0
Tuesday September 24, 2019 - 15:35:09 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1764
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sideed Dhallaan Oo Ku Geeriyooday Dab Ka Kacay Isbital

    Sideed dhallaan ayaa ku geeriyooday dab aroornimadii talaadada burburiyey isbital dhalmo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sideed dhallaan ayaa ku geeriyooday dab aroornimadii talaadada burburiyey isbital dhalmo oo ku yaalla bariga dalka Algeria, sida ay sheegeen kooxaha gurmadka deg degga ah.

 

"Waxaan ku guuleysanay inaan soo badbaadino 11 dhallaan, 107 haween iyo 28 shaqaale” Waxaa sidaas AFP u sheegay afhayeenka adeegga gurmadkka deg degga ah, Kabtan Nassim Bernaoui told AFP.

 

"Nasiib darro, waxaana ka xunnahay dhimashada sideed dhallaan, oo qaarkood ay sababtay gubasho, qaarka kalena hawada qiiqa oo ay qaateen” ayuu yiri Nassim.

 

Isbitalka uu dabka ka kacay ayaa ku yaalla magaalada Oued Souf oo 500 km koonfur bari ka xigta magaalada caasimadda ah Algiers.

 

Tobaneeyo dab-damis ah ayaa la geeyey isbitalka si ay holaca u damiyaan.

 

Weli ma cadda waxa sababay dabka, sida uu sheegay Nissam.

 

Ra’iisul wasaaraha Algeria Noureddine Bedoui ayaa amray baaritaan, wuxuuna wasiirka caafimaadka Mohamed Miraoui u diray goobta uu dabka ka kacay.

 

Waa dabkii labaad oo muddo 18 bilood gudahood ah ka kaca isbitalka dhalmada ee Oued Souf. Dab kacay bishii May 2018 ayaa sababay waxyeello badan, hase yeeshee kama dhalan khasaare nafeed.

 

Isbitalkan ayaa ah mid ka mid ah 5 isbital oo ku yaalla magaalada, waxaana ku jirta qeyb takhasus indhaha ah oo ay ka howl-galaan dhaqaatiir u dhashay dalka Cuba.

 

VOA


Loading...
Loading...