Beelaa Shiraayiyo, Baaq Madaxda Loo Diro, Buuqiyo Muran Abuuron, Waxinoo Biyeynayn.

0
Tuesday September 24, 2019 - 15:19:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1424
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beelaa Shiraayiyo, Baaq Madaxda Loo Diro, Buuqiyo Muran Abuuron, Waxinoo Biyeynayn.

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB). SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB). SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,

BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA

 

1-BEELAA SHIRAAYIYO,BAAQ MADAXDA LOO DIRO,

  BUUQIYO MURAN ABUURON,WAX INO BIYEYNOO,

  BARAHA MIIDIYAIYO,WARBAAHINTENA DHAAFAYN,

  DADKU BARASHO WEEYE,MIYAN LAGABA BAXAHAYN.

 

2-BEELAHA SHIRAAYAA,WELI CEEL BIYODIYO BEERO,

   AYNU QODANAA KA SOO BAXAY,MA MAQASHEEN,

   WAX INTAY ISKU BIIRSHEN,DADKA BAAHAN SIIYEN,

   BAALO XUUFTO MOOYEE,BILAAHIYE MA HAYSAAN.

 

3-RUNTAA BAAL MARTAANO,BEENUUNBA KU NOOSHIIN,

   BAADIDOON WAXAN JIRIN,WAKHTI LAGUMA BIXIYOO,

   BARYO RUUXA KALETO,BAKHTIBA KA SHARAF ROON,

   BISMILAYSO QAYBAHA,ILAAHAYBA WAXA BIXIYEE.

 

4-BOGAADI KII KU DHAAMO,ADNA BEEGSO OO GAADH,

   BAAXADEG BADANEY,SAHAL KUMAY BADHAADHINE,

   WAX KA BARO ADUNYADA,BELO INTE LA SOO MARAY,

   BISAYL BAY RABTAAYOO,SAMIRKAY KU BADISAA.

            ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...