Faysal Hooraaye Culimaddii Iyo Diintii Ka Doorbiday Siyaasaddiisoomaalida Ee Bulaacadda Ahayd.

0
Tuesday September 24, 2019 - 15:14:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1579
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Hooraaye Culimaddii Iyo Diintii Ka Doorbiday Siyaasaddiisoomaalida Ee Bulaacadda Ahayd.

    Faysal waxaa cad in uu afhayeenka cid u yahay ee saaniga ah ee loo diro kolba ciddii la caayaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faysal waxaa cad in uu afhayeenka cid u yahay ee saaniga ah ee loo diro kolba ciddii la caayaayo.
Noloshu cidii  aad diido inaad aflagaado  iyo ku afragto cay maaha. Sheekh muxaadarooyin waa laga joojin karaa iyadoo siyaasad ahaan lagu Duranyo laakiin marna sheekh a culimada soomaalida ee ummadda Somalida Diinta barta ee aynu wada naqaan in Shayaadiin lagu sheegaa waa arin khatara Faysal Hooraayena iyo ciddii soo dirtay  ee tidhi sheekh Shaydaan ku sheegna manta inkaartii weligii sugaysay ayaa ku dhacday. Somalidu waxay yidhaa geela soco soco weligaaba maalintaad CIIN daaqdaa laguu yaabaa. Sheekh Mohamed Idris boqolaalkun oo Somaliya ayaa diinta Islaamka ka bartay kana barta, in million qof ah oo Somali ah ayaa  sheekha sida sheekh yada iyo culimada kale ku yaqaan Allah ka cabsi oo wada naxay  markii kelmadda waa Shaydaan sheekh Idris afaka Faysal Hooraaye ka soo baxday Wayne wada habaareen Faysal iyo cidii hadalada Shaydaaniga ah kula socotayba. Hadaba waxaa cad kuwan Siyaasiyiinta isku sheegaa inaanay Diinta Islaamka waxba ka aqoon cidda giisa iyo cidda barata iyo Muslinimaduba wax qiima ah la lahayn. Berri waxaynu afkooda la dhawrnaaba waa Sheekh yada reer SOMALILAND inay  shaydaano yihiin  hubaal Siyaasiyiinta Faysal Hooraaye ugu horeba ayaa shayaadiin ah waxay sameeyeen ee ay ku coogan yihiin oo dhan weynu of nahay laakiin Maantaa Faysal Inkaari ku dhacday Dina u naasnaasin maayo.

 

Qofku  hadduu madaxyahay hadalkiisu aad buu uga duwanyey  qofka caadiga ah waayo meel fog buu gaadhayaa waa la duubaayaa, qofka madaxda ah waa la qiimdynayaa. Qofka madaxda ah hadalkiisu hadduu wanaagsanyey bulshaduu u dawo yey ama hadduu xunyey  waa cudur  .somalidu xagga diinta xuduud iyo maamulgobdleed ma leh ninkastoo madaxa hadduu diinta iyo culimada ka horyimaaddo waa la nacayaa. Diinta Islaamka Anbiyada ka dib Culimo islaamaa wada cid aan culimo ahayni ma wadi karto markaa haddii culimada sababla'aan iyo dembi la'aan shayaadiin lagu sheego oo siyaasad yar oo bulaacada oo aynu wada ognahay waxa laga dheefaana xaaraan tay haddaynu Diinta ka sarraysiino waa lagu rogmanayaa. Faysal  hooraaye waa inuu xaal iyo raalli gelin ka bixiyaa shaydaanimadaa uu sheekh Mohamed Idris ku sheegay shaydaanka.

 

M Bashe 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...