Shaqo Dadkii Qabanayey Aan La Wanaajin Oo Aan La Daryeelin Sidee Aynu Uga Doonaa Wanaag Iyo Horumar ? !!!
Waan kala midaysanahay Mohamed Jama Abgaal in aan qofku xil dawladeed oo aan mushahar
ku filan noloshiisa oo xalaal ah lahayn aanu
isku qaban , waa runtii oo qofkii damiir leh ee cidhib xumo aduun iyo
cadaab aakhiro ka baqayaa isugu dhowaan maayo , aniguna hore ayaan uga
cudur daartayba arimahaa...
Hadaba dadka masuuliyadaha iyo shaqaalaha qaranka ahi waa laba
qaybood oo qaybi waa masaakiin dulmanayaal ah oo shaqada ay qabtaan
qaranku ku taagan yahay , saacadaha ay shaqeeyaan tahay saacado iyo wax
ka baxsan nidaamka aduunka isla markaana xuquuqda aadamahaba xadgudub ku
ah , waana dadka ugu dhaqaaalaha yar ee aad moodo in loogu talogalay
adoonsi iyada oo lagaga faaiideysanayo baahida iyo shaqo la'aanta dalka
taalla , sidaa ay umada ugu raran yihiin ayey ku dhintaan , ku laxaad
beelaan , ku gaboobaan oo lagaga maarmaa !!!
Qolada labaadna waa in aan waxba u aabo yeelin oo daliiga iyo
daldalaada xoolaha umada u badheedhay isla markaana xataa qortay dad ku
ilaaliya shaqooyinka ay joogaan oo suuqyada ka difaaca iyo qaar kale oo
waxaa umadda ee la laba gacmoodinayo lagu biiliyo oo iyaga u shaqeeya ,
dadka qaar waxa ay u yaqaanaan fariido ka faaiideystay maalmihii ay
fursada haysteen laakiin anigu waxa aan u aqaanaa falaago aan xataa u
soo faraxalan xoolaha umada .
Waxa aan marwalba sheegaa oo aan meelkasta ka sheegaa in aan
dalkeenu hagaagayn ilaa dadka adeegyada dadweynaha hayaa ay helaan wax
ku filan oo ay quutaan , daryeel caafimaad , waxbarasho , Nal , Biyo ,
Hoy iyo xaqsiin ay helaan , daacadnimada iyo shaqo wanaaga oo derejo
sare loogu dalacsiiyo , wakhtiga ay shaqeynayeen iyo waayo aragnimadooda
oo wax u goysa iyo waxii wanaagsan ee dhiirigalin u noqonaysaba loo
sameeyo.
Shaqaalaha dawlada iyo ciidamada oo kali ahi ma qabaan duruufahan ee
xataa waxa qaba dadka shaqaalaha u shaqeeya ganacsatada iyo meelo kale
oo badan marka laga reebo hay'adaha caalamiga ah intooda badan oo iyagu
ku shaqeeya nidaamka shaqo iyo shaqaale ee la isla yaqaano aduunka ,
markaa shaqo qofkii qabanayey aan la wanaajin shaqo wanaagsan dhali
mayso.
Halganada dalkani loo soo galay way badan yihiin dad baa 28 kaa
sanadood ee qarankani dib ula soo noqday dawladnimada u rarnaa oo
duruufo adag u soo dhabar adaygay dadkooda iyo dalkoodana dalcado adag
kala soo baxay , dad baa u soo dagaalamay oo u dhintay oo u laxaad
beelay , qaar baa maanta furimaha iyo dhaxamaha u taagan , qaar baa
tabaruc iyo wax aan dhaamin ugu shaqeeya , markaa hadii aan la is abaal
marin oo aan la is daryeelin intii la awoodo dal ahaan iyo dawlad ahaan
ma jirto meel aynu gaadhaynaa oo taasi waa xaqiiq , markaa waxa haboon
oo dalkani u baahi qabaa shuruucdii shaqaalaha guud ahaan , ciidamada ,
iwm ilaalinaysay ee daryeelaysay , ee derajaynaysay in waxwalba laga
horeysiiyo si shaqada iyo qofkuba qiimo u yeeshaan.
Dadka dawlada u shaqeeya waxa bahda lagaga saaray oo lagu adoonsaday
in aanay xaqooga ka hadli karin ax odhan karin oo waxaa loo isticmaalaa
odhaaho iyo hab dhaqan dawladihii kalitaliska laga dhaxlay oo ah hadii
aad xaqaaga ka hadasho waa sir qaran oo waa wax yeello , shaqadaa lagaa
eryi iyo waxyaabo noocaas , horta wax ay tahayba mooyaane dadku marka ay
dawlada u shaqo tagaanba way bahdilmaan , markaa dadka qaranka u
shaqeeya dulmi iyo cadaalad daro weyn ayaa haysata , marka taa la
hagaajiyo ayuu dalku hagaagayaa , dadkani 70% ka mid ahi waxa ay ka mid
yihiin danyarta duruufuhu la hadheen ee xaqoogu aasan yahay ( Somaliland
ta qarsoon ).
Soo qodida Somalilandta qarsoon iyo Xuquuqaha aasan
Muhamed Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...