Madaxweyne Ku Xayirmay Tareen Uu Shacab La Soo Fuulay

0
Tuesday March 19, 2019 - 08:13:48 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1935
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku Xayirmay Tareen Uu Shacab La Soo Fuulay

    Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa laga yaaba inuu qabay rajo ah inuu ku guulaysto quluubta shacabkiisa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa laga yaaba inuu qabay rajo ah inuu ku guulaysto quluubta shacabkiisa,

isaga qaadaytallaabo aan looga baranin siyaasiyiinta, taasoo ah inuu raacay gaadiidka dadweynaha si uu ku soo dhawaysto shacabka, xilli ay doorashada dalka ku aadan tahay bisha May.


Qorshahan ayaa laga yaaba in uusan shaqaynin ama uuba shaqeeyo, iyada oo ay taasi ku xirantahay sida ay dadka u qaatan.



Madaxweynaha iyo rakaab kale ayaa muddo afar saacadood ah ku xayirnaa tareen horay u qaadan jiray 45 daqiiqo oo kaliya.

"Ma aha wax la aqbali karo," ayuu yiri madaxweyne Ramaphosa ka dib markii uu gaaray halkii uu u socday.


Waxa uu sheegay in waaxda tareenka ee dalka Koonfur Afrika looga baahanyahay inay si deg deg ah wax uga qabato xaaladdan, haddii aysan sidaas sameyninna wuxuu ugu gooddiyay in , "dad ay booskooda shaqo weyn doono."


Dhibaatooyinka dhanka tareennada ayaa waxaa wajaha malaayiin qof oo maalin walba isticmaala, waxaana jira dad shaqooyinkoodii u waayey sababo lala xiriira inay shaqooyinka ka soo daahaan, sida uu sheegay wariyaha BBC-da ee magaalada Johannesburg.


Waxaa sidoo kale la sheegay in horay ay dad caraysan dab ugu shideen tareen.


Tareenka uu madaxweynaha saarnaa ayaa waxaa hakiyey tareen kale oo istaagay ka dib markii darawalkii waday lagu dhuftay dhagax.


Markii ugu horreysay ee uu safarka billaabayay tareenka, waxaa la arkayay madaxweynaha oo shacabkii saarnaa tareenka la qoslaya.


Wariyayaal wehlinayay madaxweynaha ayaa shaaciyey muuqaallo iyo sawiiro muujinaya isagoo la sheekaysanayo dadweynihii saarnaa tareenka.



BBC

Loading...
Loading...