Markii Ugu Horeysay Oo La Sadaalinaayo In Wasiiro Mugle Loogu Biirinaayo Beelaha Darafyada.By Geedi Hargeisawi

0
Tuesday September 24, 2019 - 14:42:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markii Ugu Horeysay Oo La Sadaalinaayo In Wasiiro Mugle Loogu Biirinaayo Beelaha Darafyada.By Geedi Hargeisawi

    Rag caddaalad waayaa sidii, cawsha kala yaacye.Bismilahi raxnani raxim waxan salamaya dhaman bulshada somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rag caddaalad waayaa sidii, cawsha kala yaacye.Bismilahi raxnani raxim waxan salamaya dhaman bulshada somaliland

ee xalasha ah waxaynu ognahay oo lawada soconaa dalka waxa kadhacay doorasho doorashada soo lagu doortey madaxwyne muuse biixi taasoo laga filaayey inuu noqdo madaxwynihiii wax ka qaban lahaa tabashada gobolada galbeedka JSL ,iska dhaaf inuu wax ka qabtee,beelihii codkooda siiyey ayuu dhulka ka hoosmariyey,iskadaa wax u taree kuraastii yarayd ee sinaayo u dhiibey uu ka qaadey. Sidaasi darteed hadaba taasi May dhicin oo wayinu ognahay waxa dalka kadhacay in reer qudha lagu tuuley dhamaan kuraastii qarankani wada lahaa  sidi markii horeba uu ugu talagalay madaxweyne muuse biixi ayuunbuu sameeeyey...




Hadaba wararka laga helaayo madaxweyne Muuse biixi cabdi ayaa waxay sheegayaan in madaxweynuhu baryahan danbeba uu aad uga fikiraayey culeyskan uga yimidey gobolada Awdal,Salal & galbeedka gabiley oo aan ku qanacsaneyn awood qaybsiga JSL oo dhan.


Cabashada ugu badana waxay ka imaneysaa beelaha gadabuurssi weyne oo leh anagu kuma qanacsanin dhamaan sida wax loo qaybinaayo haday tahay,wasiirada,haday tahay shaqaalaha,haday tahay police ka JSL,haday tahay military ga JSL,haday tahay dhamaan ciidamada qaranka JSL.


Beelweynta galbeedka JSL degani waxay aad u saluugsanyihiin awood qaybsiga JSL & saamiqaybsiga JSL ,waxaanad modaa iney shiki weyn ka qabaan qarankan in lawada leeyahay iyo in reer kaliyihi leeyahay?


Hadaba su,aasha meesha talaa waxay tahay madaxweyne muuse biixi maka dhabaynkaraa inuu darafyada & dhaxda uu si isleeg ugu qaybiyo wasiirada ?mise sidii ilmaadeeradii ay samaynjireen ayuunbuu isna sameyndonaa?


Beelaha dega gobolada sool,sanaag bari & Buuhoodle iyaguna waxay aad u diidanyihiin markey arkeen Somaliland reer ah iney doorbidaan puntland oo hayb ahaan ay isku meel ka soo wadajedaan.


Aqabadahaas iyo kuwa kale oo badan markaad eegto ma is odhankartaa madaxwyne muuse biixi uu ka dabaalankaraa duruufahan ku gadaaman dalka JSL?


Waxaan ognahay in dagaal aanan ku faraxsanen uu ka socdo ceel-afweyn oo laba beelood oo walaalo ahi ay ku dagaalamayaan mudo badan, sidaasi awgeed ayaa masuuliyadeeda qadaaya dhibaatadaa aan istageyn?


Anigu Waxaan qabaa in masuuliyadeeda uu iska leeyahay wasiirka A guddaha JSL maxamed kaahin waayo?uu ku fashilmey inuu wax ka qabto arintaasi,sidaasi daradeed haddii uuna madaxweyne muuse biixi uuna la qabin maxamed kaahin muxuu uga qaadi laaayahay wasaarada A Gudaha JSL,madaxweyne waxaan ku leeyahay hadhayalsan arintaas.


Ugu dabayn wax nabad galyo layidhahado imanimayso madaxweyne ama kamajireyso hadaan dalkan iyo dadkanba aan loonixin hadii kale madaxweyne meel foog ba laga doonidonaa.sababto ah cadaaladba dadka iyo dalkaba deeqda cidkasta oo nabad galyada daneyneysana waxan usheegaynaa in cadaalada looso noqdo dalkana loo daneeyo,haddiise wax laga qabanwaayo a wixi dhaca masuuliyadeda waxaa iskale xukumada uu madaxeyne muuse biixi Gadhwadeenka ka yahay 


By geedi Hargeisawi

[email protected]

JSL  UAE

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...