Madaxweynaheenu Waxa Uu Dhowr Iyo Toban Sano Ka Hor Ka Mudaharaadayey Oo Uu Diidanaa Waa Mudo Kordhin Doorasho
, Maantana Isagiibaa Mudo Kordhintii Labaad Soo Wata Intii Uu Madaxweynaha Ahaa !!!
Dalka jamhuuriyadda Somaliland waa dal dimuqaraadi ah oo qaatay
nidaamka axsaabta badan iyo doorashooyinka xorta ah , sida ay shuruucda
dalku dhigayaan dadka hanka leh ee rajaynaya in ay noqdaan
madaxwayneyaal , xildhibaano gole guurti , xildhibaano gole wakiilada
iyo xildhibaanada goleyaasha deegaanka somaliland wadada ay u marayaan
waa wado uu sharciga dalku baneeyay oo ah in qofku doorasho dadwayne ku
soo baxo , isla markaana mudada la doortay ay tagay 5 sanadood .
Somaliland nidaamka ay qaadatay ee dimuqaradiga ahi waa mid
wanaagsan oo diinta iyo dhaqanka iyo duraafaha dalkaba ku fadhiya marka
aan aragtideyda ku qiyaaso laakiin waxa uu waayey hiil iyo cid ugu
dhiirata oo u ilaalisa umada reer somaliland waxaa ay shuruucdu
sheegayaan iyo wadadaa siyaasadeed ee muwaadiniinta loo jeexay in ay ku
iman karaan talada qaranka kagana qayb qaadan karaan hogaaminta dalkooga
.
Faaiidooyinka ay leedahay in nidaamka sharci ee doorashooyinka iyo wakhtigooda umada loo ilaaliyaa waxaa ka mid ah ;
1- Dalka oo hela deganaansho siyaasadeed , hadii deganaansho
siyaasadeed la helo oo ah is aamin waxwalba wadadaa sharciga aanu ka
baydhayn ah , waxa imanaya horumar iyo hore u socod .
2- Muwaadiniinta oo rajadooda iyo mooraalkoogu aanu marna hoos u
dhaceen , waa marka ay og yihiin in qofku mudadaa la doortay kursiga
fadhiyayo .
3- Nidaam hagaagsan iyo dariiqaa doorashada oo qodxaha laga guraa
waxa ay keenaysaa in maalin ay noqotaba maalin uun uu umadan u soo bixi
doono hogaamiye inaga saara marxalado badan iyo duruufaha adag ee
dalkeena gadaaman .
Hadii aan dib idiin xasuusiyo doorashooyinkii somaliland soo gashay intii ay guurtay nidaamka dimuqaradiga ah
1- 31 - May - 2001 dadweynaha somaliland waxa ay u dareereen cod
bixintii aftida dastuurka jamhuuriyada somaliland oo ay ogolaadeen 97%
dadweynihii codkooda dhiibtay .
2- sanadkii 2002 dhamaadkiisii waxa la qabtay doorashadii
dawladaha hoose iyo goleyaasha deegaanada somaliland ee ugu horaysay oo
dadweyne codkooda ku soo dooranayaan dadkii maamulka iyo masuulka uga
noqonayey dawladaha hoose ee dalka , waxaana ay mudo xileedkoodu ku
eekayd dabayaaqadii sanadkii 2007 .
3- Sanadkii 2003 horaantiisii bishii 4aad waxa la qabtay
doorashadii madaxwayne ee somaliland ugu horeysay ee dadweynuhu codkooda
ku soo doortaan madaxweynaha ay rabaan , waxaana uu mudo xileedkiisu ku
ekaa horaantii sanadkii 2008 .
4- Sanadkii 2005 dhamaadkiisii waxa la dooratay xildhibaanadii
goleyaasha wakiilada somaliland u metalayey muwaadiniinta oo dadweynuhu
markii ugu horaysay codkooda si toos ah ugu soo doortaan , waxaana ay
nudo xileedkoodu ku eekayd dabayaaqadii sanadkii 2010 kii .
5- sanadkii 2010 badhtankiisii bishii 6 aad waxa la doortay
madaxweynihii labaad ee jamhuuriyada Somaliland ee dadweynuhu si xor ah
codkooda toos ugu soo doortaan , waxaana ay mudo xileedkiisu ku eekayd
badhtamihii sanadkii 2015 kii .
6- Sanadkii 2012 dhamaadkiisii waxa la doortay dawladihii hoose iyo
goleyaashii deegaanka ee labaad oo dadweynuhu codkooda si toos ah
markii labaad ugu soo doortaan , iyada oo mudo xileedkoodu ku ekaa
dhamaadkii sanadkii 2017 kii .
7- Sanadkii 2017 kii dhamaadkiisii waxa la doortay madaxweynihii 3
aad ee somaliland dadweynuhu codkooda si toos ah ugu soo doortaan iyada
oo mudo xileedkiisu kaga eeg yahay dabayaaqada sanadka 2022 ga .
Waxa aan somaliland wali ka suuragalin in Golaha Guurtida la doorto
oo ay dadweynuhu codkooda si toos ah ugula soo baxaan xildhibaanada u
metalaya golaha guyrtida jamhuuriyada somalilabd .
Intaa kale ee aan ka soo waramay marka muwaadin iyo akhriste aad
dhuuxdo ee aad xisaabiso mid waliba inta uu fadhiyo ee la doortay waxa
aad si dhib yar u ogaanaysaa in mudo kordhini dalkan naafaysay oo aan la
ixtiraamin shuruucdii dalka iyo xuquuqdii muwaadiniinta reer somaliland
.
Mudo kordhin ama xiliga uu madaxweynaha ama xildhibaanku kursiga
fadhiyayaa marka aad shuruucda dhuuxdo waxa kuu soo baxaysa duruufihii
loogu kordhiyey mudooyinkaa hore oo dhami in ay ahaayeen mashaakil dad
samee ah oo cimri dherer iyo kursiga oo lagu negaado looga dan lahaa
marka laga reebo mudo kordhintii doorashadii madaxweynaha ee ugu
dambaysay oo ay somaliland ka dhacday abaar baahsani .
Mudo xileedka madaxweynaha iyo ku xigeenka waxa si cad u qeexaya qodobka 88naad ee dastuurka somaliland farqadiisa 1aad .
Mudo xileedka xildhibaanka Golaha Wakiiladana waxa si cad u qeexaya
Qod 42aad ee dastuurka jamhuuriyada somaliland Farqadiisa 1aad .
Sidaasi oo kale xuquuqaha doorashada ee muwaadiniinta reer
somaliland waxa si cad u qeexaya Qodobka 22aad ee dastuurka jamhuuriyada
Somaliland Farqadihiisa 1aad iyo 2aad .
Waxa aad isweydiinaysaa baa laga yaabaa muxuu madaxweynaha ugu
eedaynayaa doorashooyinka oo ah masuuliyad mararka qaar la wadaago ama
leh daneeyeyaal doorasho iyo hay'ado kale oo saameyn ku leh
doorashooyinka ?
Jawaabta su'aashaasi waxa ay noqoneysaa madaxweynuhu waa masuulka
ugu sareeya qaranka jamhuuriyada somaliland , waa cida koowaad ee umadu
dooratay ee ku amaanan ama ku magac waayeysa mudadaa uu kursiga joogo ,
waxa uu maamulaa qaranka oo dhan waxaana uu si gaar ah u hayaa awooda
fulineed ee dawladnimo oo ah masuuliyada ugu culus , waxa intaa dheer
Xukuumada iyo waaxda fulinta ee madaxweynuhu ugu horeeyaa waa cida
kaliya ee mudadii dadweynuhu dooorteen ku guda jirta ee aan mudo kordhin
ku fadhiyin ilaa hadda.
Waxa waajib ah in aan xasuusino in uu noqdo masaxweyne umadiisa
dariiq wanaagsan oo bilaa qodxo ah u jeexa , in uu noqdo hogaamiye soo
saara hogaamiyeyaal umadan dabadii sii hogaamiya , in uu iska ilaaliyo
waxii shalay la qaldanaa in ay la qumanaadaan oo uu maanta dhex dabaasho
waxii uu diidanaa oo dhan , iyo in aynu ku boorino maanta ayuu fursad
haystaaye in uu qabto waxkasta oo dadka u wanaagsan oo isagana u noqota
taariikh lagu xasuusto.
Waxa kale oo aan jecelahay in aan xasuusiyo madaxweynaha in aan
dawladnimadu aheyn daaro iyo dariiqyo la dhiso ee ay tahay dad la dhiso
iyo dariiq wanaagsan oo loo jeexo , hadii intaa la helo daar iyo
dariiqyo maahee waxa aynu gaadhi karnaa waxkasta oo aadame qabsaday
aduunka oo horumar iyo wanaag ah .
Ujeedada koowaad iyo nuxurka aan qoraalkayga uga jeedaa waxa weeye
in muwaadiniinta reer somaliland madaxdooda kula xisaabtamaan waxa ay
xaq u leeyihiin sidii loogu ilaalin lahaa , isla markaana dalkeenu u
yeelan lahaa dariiq siyaasadeed nadiif ah oo doirashooyinku wakhtigooda
ku dhacaan , qofkii mar labaad han ku jiro uu wadada sharciga ah ee
doorashada uu soo maro oo hadii uu u qalmo loogu celiyo oo dib loo
doorto hadii kalena uu umada ka hor dhaqaaqo.
Iyo ujeedada labaad oo ah in aan muwaadiniinta ku baraarujiyo in
waxa lagu murmayo ee la isku dul haysto marwalba in uu yahay
mustaqbalkoogii iyo kii ubadkooga oo aanay fudeydsan muranada
siyaasadeed iyo xadhig-jiidadka siyaasiyiinta ee ku fadhiya danahooga
gaarka ah .
Ujeedadayda sadexaad oo iyaduna ah in aan muwaadiniinta reer
somaliland xasuusiyo kuna baraarujiyo cidii aan ku qanacsanayn 3 sadexda
xisbi qaran ee maanta somaliland ka jira in ay haystaan fursad kale oo
sharcigu siiyey oo ah furashada ururada siyaasadeed , iyada oo waliba
aan rabo in aan xasuusiyo xiliga ugu haboon ee la furi karaa waa
doorashada golaha deegaanka ee soo socota oo la raaciyo , si aanu u
lumin ama dib ugu dhicin xaq iyo xuquuq muwaadiniinta reer somaluland
leeyihiin .
Fiirogaara: qoraalka halkani ku lifaaqani waa mudo kordhintii hore
ee madaxwayne biixi sameeyay inta uu kursiga joogay , sansaanta marka
aynu eegnana tii labaad baa diyaar ah .
Rayiga iyo Aragtida
Mohamed Abdi Jama
Facebook : Muhamed Dhimbiil
Twitter : @dhimbiil
Mob : +252634241005
Muhamed Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...