Madaxweynaha Puntland Oo Masuul Cusub U Magacaabay Hay'adda Nabad Sugida Iyo Sirdoonka
Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha maamulka PuntlnadSiciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu magacaabay Agaasimaha cusubHay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka maamulka Puntland.
Agaasimaha guud eeHay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland ayaa loo magacaabayMukhtaar Maxamed Xasan , waxaana agaasimahan xilka kala wareegi doonaa agaasimihii hore ee Nabad sugida .
Halkan ka Akhriso Wareegtada magacaabista
Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 93 September, 23, 2019 ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Datuurka Dowladda Puntland
Markuu arkay: Aqoontiisa iyo khibraddiisa shaqo
Wuxuu xeeriyey:
1.Waxaa Mukhtaar Maxamed Xasan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.