Dawlada Soomaaliya Oo War Cusub Ka Soo Saartay Xayiraado Lagu Soo Rogay Garoonka Kismaayo.

0
Tuesday September 24, 2019 - 11:11:03 in News by
  • Visits: 3357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo War Cusub Ka Soo Saartay Xayiraado Lagu Soo Rogay Garoonka Kismaayo.

    Dawlada Soomaaliya Oo War Cusub Ka Soo Saartay Xayiraado Lagu Soo Rogay Garoonka Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo War Cusub Ka Soo Saartay Xayiraado Lagu Soo Rogay Garoonka Kismaayo.


Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa ka hadashay warar soo shaac baxay oo sheegayey in xayiraado lagu soo rogay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.


Saraakiil ka tirsan dawlada soomaaliya ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin qaar aanay waxba ka jirin isla markaana aanay ahayn war rasmi ah oo ka soo baxay dawlada federaalka ah ee soomaaliya, islamarkaana diyaaraduhu aadi karaan magaalada Kismayo sida ku cad qoraalka ay duuliyayaasha isku fahmaan ee loo yaqaano NOTAM (Notices to Airman) kaas sheegay in ay dayuuradaha u duuliya magaalada Kismayo soo codsadaan 24 saac ka hor duulimaadkooda.

Related image


Wararka ayaa waxaa ay intaa ku darayaan in ay hay’adda duulista Raydka ah ay siisay ruqsado dhowr dayaaradood oo sharuudaas buuxiyey.


Dhinaca kale saraakiisha hay'adda Duulista Rayidka ayaa Hiiraan Online u sheegay in uusan jirin is hortaag lagu sameeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo qorshihiisu ahaa in uu tago magaalada Kismaayo, laakiin taa badalkeeda diyaarada uu raaci lahaa Shariif Sheekh Axmed aysan soo buuxin sharuudihii laga rabay ee ah in 24saac ka hor soo gudbiso codsigeeda duulimaadka.

Loading...
Loading...