Leo Messi Oo Markii Lixaad Ku Guulaystay Abaal Marinta Fifa Ee Laacibka Aduunka

0
Tuesday September 24, 2019 - 11:02:33 in News by
  • Visits: 2019
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Leo Messi Oo Markii Lixaad Ku Guulaystay Abaal Marinta Fifa Ee Laacibka Aduunka

    Leo Messi Oo Markii Lixaad Ku Guulaystay Abaal Marinta Fifa Ee Laacibka Aduunka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Leo Messi Oo Markii Lixaad Ku Guulaystay Abaal Marinta Fifa Ee Laacibka Aduunka


ciyaartoyga Barcelona ee Lionel Messi ayaa ku guulaystay, ciyaartoyga ugu fiican ee billadda ay bixiso Fifa, taas oo lagu guddoonsiiyey Milan.Wuxuu ka qaaday ciyaartoyga reer Juventus ee Cristiano Ronaldo iyo ka Liverpool ee Virgil van Dijk.

Image result for leo messi 2019 win the best


Waa markii lixaad ee Messi loogu codeeyo ciyaartoyga u fiican dunida.


Tabbabaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa isna ku guulaystay tababaraha ugu fiican sanadka.


kooxda Liverpool ayaa ku garaacday koobka Horyaallada Yurub ee Champions League, ciyaartii kama dambaysta ahayd ee June qabsoontay. Iyagoo sida kalena kaalinta labaad ka galay horyaalka ingiriiska xilli ciyaareedkii 2018-2019.


Kooxda Liverpool ayaa sidoo kale ku guulaystay lix ciyaarood xilli ciyaaredkan bilawga ah ee 2019-2020.


"Waxa ay ahayd sarrayn, qofna ma uusa fileyn labaatan sano, toban sano, shan sano, afar sano ka hor inaannu halkan soo istaagi doonno" ayuu Klopp.


Waan kuu ognahay, shaqadii wanaagsanayd ee qabatay adigu [Mauricio Pochettino] iyo weliba Pep. Waa inaan idin idhaahdaa Mahadsanidiin naadigaygii Liverpool' ayuu kusii daray.


goolhayaha kooxda Liverpool Allison ayaa isna ku guulaystay oo qaatay billadda la siiyo goolhayaha ugu fiican. Isagoo billaddan kaga guulaystay goolhayaayaasha kooxaha Manchester City Ederson iyo goolhayaha kooxda Barcelona Marc-andre ter Stegen

 

 

Loading...
Loading...