Daadad Khasaare Baaxadleh Gaystay Oo Ku Dhuftay Maraykanka

0
Tuesday March 19, 2019 - 08:03:31 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daadad Khasaare Baaxadleh Gaystay Oo Ku Dhuftay Maraykanka

    Baraf dhalaalay iyo roobab mahiigaanno ah oo ka da'ay gobollo Maraykanka ku yaalla ayaa horseeday daadad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baraf dhalaalay iyo roobab mahiigaanno ah oo ka da'ay gobollo Maraykanka ku yaalla ayaa horseeday daadad


keenay in kumannaan daadgurayn la sameeyo.


Saddex ruux ayaa dhimatay kuwaas oo uu ka mid yahay nin ay saraakiishu sheegeen in uu isku dayayay in uu dad uusan aqoonin ka badbaadiyo qabawga daran iyo daadadka.



Daadadkan ayaa taariikh cusub ka sameeyay ugu yaraan shan gobol waxayna horseeden in xaalad degdeg ah lagaga dhawaaqo.


Bulshooyin dhawr ah ayaa go'doonsan oon caawimaad dibadda ah helin.


Arrintan ayaa daba socotay duufaan xoog badan oo ku dhufatay Maraykanka toddobaadkii hore.


Madaxweyne Trump ayaa daadadka ku tilmaamay mid "dhibaato baaxad leh gaystay" wuxuuna sheegay in Aqalka Cad uu si dhaw xiriir ula samayn doono masuuliyiinta gobollada.


Malaayiin ruux oo Maraykan ah oo ku kala nool Iowa, Nebraska, Wisconsin, Minnesota iyo South Dakota ayaa toddobaadkii hore la kulmay baraf iyo cimilo aad u qabaw.


Tony Evers oo ah gafarnatooraha Wisconsin ayaa sheegay in "cimilada kulul iyo roobabkii da'ayay maalmihii u dambeeyay ay sababeen in barafku dhalaalo arrintaasna ay horseedday in ay daadad yimaadaan, joogga biyaha wabiyaduna ay sare u kacaan.


Wabiga Missouri River ayaa gaaray jooggii ugu sarreeyay taariikhda, Iowa iyo Nebraska ayayna ku dhufteen daadadkii ugu darnaa.


BBC.

Loading...
Loading...