Daawooyin La Xaqiijiyey in ay Kansar Sababaan oo Somaliland Si'baahsan Loogu iibiyo.

0
Monday September 23, 2019 - 14:34:32 in Articles by
  • Visits: 1991
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawooyin La Xaqiijiyey in ay Kansar Sababaan oo Somaliland Si'baahsan Loogu iibiyo.

    Losartan, waa dawo loo adeegsado yaraynta dhiigkarka. Waa kiniini si' baahsan looga isticmaalo dunida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Losartan, waa dawo loo adeegsado yaraynta dhiigkarka. Waa kiniini si' baahsan looga isticmaalo dunida.
Losartan, waa dawo loo adeegsado yaraynta dhiigkarka. Waa kiniini si' baahsan looga isticmaalo dunida. Haay'adda Cuntada iyo la socodka daawooyinka ee maraykan, FDA. Waxay si' sharciya u ogolaatay daawadan in loo isticmaalo dhiigkarka, 1995. Daawadani waxay kordhisaa muga dhiig ee soo maraaya xididada halbawlayaasha, iyada oo u ogolaata in xididadu xajmi ahaan kale baxaan si' ay dhiig badan u qaadaan. Haayadda caafimaadka adduunka, WHO, daawadan waxay u aqoonsantahay daawooyinka muhiimka u ah Dhiigkarka. Hadaba, maalmahan waxaa soo if baxay ceebaha caafimaad ee daawadani ku keeni karto bukaanka la il-daran dhiigkarka. Daawadan waxaa lagu daaweeyaa dhiigkarka iyo xanuunka nephropathy ee asiiba qofka uu halelay macaanka, nooca labaad. 


Cilmi baadhis la daabacay, 2010, waxaa lagu eegay 15 sano oo la soo adeegsanayey daawadan, Losartan. Cilmibaadhistu waxay caddaysay in daawadani leedahay faa'iidooyinkan; xakamaynta dhiigkarka, hoos-u-dhigidda faaliga, yaraynta maadooyinka porotiinada ee ku bata dhiiga. Waxay sidoo kale caawisaa habka xinjirawga dhiiga ee qofka.

Hasayeeshee, shirkadda soo saarta daawadan, Torrent Pharmaceutical, waxay daahfurtay dhibaatooyin caafimaad darro oo ay daawadani ku keento bukaanka dhiigkarka laga ga daawaynayo. Shirkaddani waxay sheegtay in daawadan, Losartan, ay ku jirto nooca isku-dhiska-kiimikaad ee sababa kansarka "N-Methylnitrosobutyric acid". 
Ugu danbayn, daawadan Losartan, waxay si baahsan u taa laa suuqyada daawooyinka ee Somaliland. Waxaa la keenaa noocyo badan oo daawadani ku jirta. Tayadooda iyo isku-dhiska-kiimikaad midna la ma yaqaano, taasina waxay halis ku noqonaysaa caafimaadka qof loo qorayo. Daawadan waxa laga keenaa China, Bangaladesh iyo Masar iyada oo aan tayadeeda iyo xajmi ahaan waxay ka samaysantahay la aqoon. Dhammaan daawada dhakhaatiirtu qortaana ma soo marto shaybaadh hubiya "Quality and chemical contents-ka". 

Sadam Osman Kaabash
Biomedical Scientist.
Hargeisa, Somaliland.
Tell: 0636994999
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...