Joogso Diidaye Jab-keeday Garan

Saturday September 21, 2019 - 07:02:14 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1461
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Joogso Diidaye Jab-keeday Garan

    Qof kaste oo ah lax dhukani abaar moog, oo siddii nirgo gu' jooga, oo caanihii hooyadoo iyo naqii baxay, markay isku darsadeen, kibir ka qaaday, oo inta ay kolba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qof kaste oo ah lax dhukani abaar moog, oo siddii nirgo gu' jooga, oo caanihii hooyadoo iyo naqii baxay, markay isku darsadeen, kibir ka qaaday, oo inta ay kolba
Qof kaste oo ah lax dhukani abaar moog, oo siddii nirgo gu' jooga, oo caanihii hooyadoo iyo naqii baxay, markay isku darsadeen, kibir ka qaaday, oo inta ay kolba birin-birqeeyaan, xeraddii loogu taag waayey iyo edeggii, af-dhuub-yaalaysi gafuurka waxy taagan-ba, waxa soo gala xagaa dhahartay, oo ilayn naq bay ku ababeene, oo hore umay arag caws cad ee doog bay cunayeene, marka ay is yidhaahaan goosta-ba carrabka dhiiga shuba. Tusaale kale aan ku siiyo'e, n eefka marka la gawraco, ee midiyi aanay ku kala tagin, lama qaban karo, markase loo laba diblaysto eekurta la hor dhigo wuu raftaa, siddii uu dib u soo noolaanaayo, oo rafadku naf u soo celinaayo. Waxa akhristaw caynkaas ka dhigan Askarta Hargeisa ka booli-xooftaysa guriggii Morgan ee " Xaafad-Tooyadda", haday soo cago dhigatay xumaantiiye, oo waa tii qun yar socdda laga waayeye, ha dhadhamiso haamo naar ah. Wuxu yidhi (Ihun) Qaasim " Ragu iga tag kaagama tagee, xumaha taabsiiya", imika baa diyaar loo yahay waxay askartu rabtay, oo lala gudhina-yaaye, haka soo maaleen.  Mudo badan ayaan maslaxo raadinaynay, meel kaste-ba, aduun-yadda, macfaladda ka sheegnay, waxana ka markhaatiya caalamka oo dhan, marse haddii la qaadan waayey, ceesaantii mas iyo good, madax shabeel leeftaa, malageedi baa galaye, ha isku bogsato, haddii nabadda ceel-kaan ku riday, cidi ka soo saarto, ninkii ciil qabiyo iyo askari ay cuqdadi waashay, mid curyaan ah, caaql iyo mudane, caqli midan lahayn baa rogay, oo calan lulaayuune, ka carceertay nabaddii, oo ciirsi waa qori, caaradhuub ayaa dhici, aan cid reebayne, hadaba muwaasdin waa nin iyo hhooyaddii siday u dhashay, ninkii cirka roob ku ogina isagaa is keeni, oo joogso diidaye, jabkeeday garan.


Wixii aan hore u eeday haw laaban miyey i seegtay, waa xikmad soo jireen ah, oo micna-heedu yahay, inta aanay wax kugu dhicin, ka sii feejignaw, waa murti aad u qiimo badan oo loo daliilsan karo, amuuro fara-badan oo leh ujeedooyin kala gedisan, waliba loo isticmaalo mararka yaalaa-ba ay wax si noqdaan, ee uu khalad dhaco, cida markaas samaysay-na ay isku canaanato,  iyaka oo raba in ay dib u saxaan, farsamooyinkii ay ku galeen waxa ay ka dhaxleen, talaabaddii ay ku dhaqaaqeen ee  dhalisey khaladka. Marka dhibaataddii soo baxdo, ka abuurantay khaladkii ay ku ay galaan farsama xumaanta, cuqdadda iyi beelo gaar ah naycaybkii loo qabay, siddii ay falaw-geed u qaban lahaayeen maarayn-teedda, waxa ka qabash-dda waxa ay diidan yihiin, oo ah tallo xumaan, siyaasad khariban,  Cadaalad la'aan iyo bulsho iyadu dan guud aqoon mid qabiil mooyee, oo khasaare maal iyo duunyo ahba ay qoobka ku dhuftaan, waxa waajib ah, oo khasab ku ah ciddii  samaysay, dib uga tabaabul-shaysiga ka taxa-dirka wixii soo gaadhay, oo uu u tafa-xaytaa in uu ka soo kabto, hadaba aan isku soo xooriyo'e, gun dhiga cinwaanku waxa uu tilmaamayaa, marka ay kaa murkacato xaajadu, waxa lagama maarmaan ah, in uu qofku guntiga dhiisha iskaga dhigo, una  maleegto siddii uu ugu soo noqon lahaa caadi, isaga oo maskaxdda ku haya, in aanay dhicin wixii uu markii hore, ka artata-baysan waayey, ee halkaas uu jooga dhigay,  soona yareeyey rajaddii uu lahaa ee ka kala daadiyey.
 
 Waxa la yidhi, nin ku sigay wax kuu sheegye" Halkii Qorigu Kaa Muday, Mar Labaad Lug-Taadiyo Cagtu Yaanay Kula Marin", Markaan hoos u dhaadhaco, ee aan ka dego aaraarta, ee u gudda galo halka I manakh leh, ee ay cididu igaga mudan tahay, waxa weeye, qof wuu khaldamaa mar iyo lababa, laakiin maaha in uu weliggii iyo allahii dhex dabaasho, wixii aabahii dilay, ee waa in uu ogaadaa halka ay "Salaadu ka xidhmi la'dahay" markuu wax isku dayo-ba ay bog-cadka iskaga rogaysaa,  waxan wixii uu taabto-ba, qulaan-qulshaha ka gawacaya, ee uu dhuub dun ugu geli la'yahay? qofku waa in uu u xisaab-tamaa, si rasmi ahna u dhuuxaa, cidhibta ay ku danbayn doonto, waxa uu doonaayo in uu qabto ama uu ku kaco, oo uu cawaaqibka uu ka dhaxli doono ka  sii fiirsadaa, haddii kale waxay tahay in uu ku tallo galo, in fari  tog-dheer la xuli doonto, oo uu mar kale dhabarka ka jabi, sidii hore ugu dhacday. Waxan rabaa in aan bal idiin soo ban-dhigo, oo aan tusaale ku qoro halkan, taas oo ah, dhibta maanta inagu habsatay, ee inaga haysata maamulka Askarta dhegaha xidhan, in ay ahayd ka fiirsasho la'aan iyo inaka oo isku maqanayn. Ta inala durugtay oo aynaan ka fekrin, maxaa inoo dan ah? yaa inoo wacan? qofkee baa ina wadi kara?  Xusbigee aan denbi hore soo gelin? yaad isku aamini kartaa? iyo wax yaabo kale oo muhiim ah, wixii aynu kala kulana-na waa taas aan ka nuuxsan la'nahay, ee ilaa imika inagu jiifta masaa'iib ka daran, oo kun jeer ka sii xun tii aynu ka halganay, welina aan la hinqan la'nahay, waxa misana ii sii cad in aynaan uba jeedin, ee aan ku socono wadaddii indhaha la'ayd iyo qabiil-kayaga baa gar iyo gar-darro-ba ku raacayaa, is mood-siis aan inoo dan ahayn, waxa wacan markaas, ilayn hore baa loo yidhi qof nool iyo ummad jiidhku kuugu yaalo, oo tabaalaysan mid-na lagama indho qarsado'e, in aan maantana idiin soo gudbiyo dareen-kayga, oo i siiyey in aan guriggii madoobaa ee madhnaa, aan ku sii hungoobayno mar kale, kana miisayno maskax la'aan ka xun tii hore, ee aan ku jabnay, oo ay durbaan idiin garaaca-yaan kuwii aan eednay, cid  is waydiisay-na aanay jirin.

* N.B Ka Shib Dhaha Islaamaw, Naftii Kii Ladnaa Gadaye!
 Qore:- Abdi-shotaly

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...