Guddoomiyaha UCID Oo Xubintii Uu Ku Lahaa Guddiga Doorashooyinka Cusub U Gudbiyay Madaxweynaha Somaliland

0
Friday September 20, 2019 - 13:05:40 in News by
  • Visits: 4018
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha UCID Oo Xubintii Uu Ku Lahaa Guddiga Doorashooyinka Cusub U Gudbiyay Madaxweynaha Somaliland

    Geesta kale xisbiga Waddani ayaan weli gudbin xubintiisa, waxaana socda tartan loogu jiro buuxinta xubinta xisbiga Waddani. Sidoo kale Madaxweyne Biixi ayaan weli isna diyaarin saddexda xubnood ee uu soo xulay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Geesta kale xisbiga Waddani ayaan weli gudbin xubintiisa, waxaana socda tartan loogu jiro buuxinta xubinta xisbiga Waddani. Sidoo kale Madaxweyne Biixi ayaan weli isna diyaarin saddexda xubnood ee uu soo xulay

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa shalay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u gudbiyay xubinta uu u xulay inuu xisbiga UCID u metelo guddiga cusub ee doorashada.

Ma jiro war rasmi ah oo uu xisbiga UCID ku xaqiijiyay xubinta uu gudbiyay, laakiin warar xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in xubinta uu guddoomiye Faysal gudbiyay yahay Xasan Yuusuf Ducaale.

Geesta kale xisbiga Waddani ayaan weli gudbin xubintiisa, waxaana socda tartan loogu jiro buuxinta xubinta xisbiga Waddani. Sidoo kale Madaxweyne Biixi ayaan weli isna diyaarin saddexda xubnood ee uu soo xulayo, waxaana iyaga laftooda loogu jiraa baratan.

Guddoomiyaha guurtida ayaa isaguna gudbiyay laba xubnood oo kala ah -Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood) iyo Foosi Maxamed Faarax, balse madaxtooyada ayaa dib u soo celisay Mr. Foosi.

Geeska Afrika

Loading...
Loading...