War Degdeg ah:- Qaramada Midoobey oo Warbixin ka dhan ah S/Land soosaartey, Tacadiyadda Saxaafadda & Xuquuqda aadamaha.

0
Thursday September 19, 2019 - 07:35:02 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3835
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Degdeg ah:- Qaramada Midoobey oo Warbixin ka dhan ah S/Land soosaartey, Tacadiyadda Saxaafadda & Xuquuqda aadamaha.

    Hargeysa(HWN)-Warbixintan, Qaramada Midoobay, uu u Gudbiyay Khabiirka Dhinaca Xuquuqda Aadnaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(HWN)-Warbixintan, Qaramada Midoobay, uu u Gudbiyay Khabiirka Dhinaca Xuquuqda Aadnaha

u Qaabilsan, Qaramada Midoobay Bahame Tonge Adunda ee Soomaaliya iyo Somaliland, Waxa uu ku soo hadal qaadey Xaalada Somalliland ay ka taagan Tahey Xuquuqda Aadanaha iyo Xoriyada Saxaafada.

 

Khabiirkan oo Booqasho ku yimid Caasimada Somaliland ee Hargeysa intii u Dhaxaysay 17 iyo 19kii Bishii Juulay, Waxa uu kulan la qaatey, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Xeer ilaaliyaha Guud, Wasiirka Cadaalada iyo Gudida Xuquuqal Iinsaanka ee Somaliland, Wakiilo.ka Socdey Ururada Bulshada Rayidka ah .

 

Waxaanu Warbixintiisa ku Sheegay in Somaliland ay Qabsatey Sanadkii 2017kii Doorasho Madaxyooyo, haseyeeshee, aaney Qabanin Doorashada Xubnaha Baarlamaanka in ka badan Shan iyo Toban Sano, Waxaanu Warbixintiisa ku Xusey in ay Dawlada Somalliland arintaasi ku Sababaysay in aaney jirin Karti Hay,adaha Dawalada ahi maadaama aaney haysan Ictiraaf, Waxa kale oo uu Warbixintiisa kaga hadley Xaaladda Xuquuqda Xoriyadda Hadalka iyo Aragtida Waxaanu Walwal Ka muujiyay Ku Guuldareysiga in la dhawro Damaanad Qaadka Maxkamadeynta Cadaalada ee lagu Difaacayo Suxufiyiinta Kadib Dhibaataynta Booliska.

 

Waxa kale oo uu Sheegay, in Lagu Wargaliyay in Toddobaatan Xadgudubyo oo ka dhan ah Shaqaalaha Warbaahinta la Diiwaangaliyay Sanadkan Gudihiisa Islamarkaana la Xidhey 28 Wariye, Sidoo kalena la hakiyay Sadex Xarumood oo Warbaahineed Toddobada Bilood ee ugu horeysa Sanadka 2019ka haseyeeshee, kiisaskaa badan ee Saxaafada 4 Kamid ah oo kaliya loo gudbiyay Maxkamada.

 

Waxaanu Xusey Amarkii uu 2015kii Soo Saarey Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland ee madnuucayay Xadhiga Suxufiyiinta aan Xadhigooda amarka loo qaadan lama dhaqan galin, Sida Warbixinta lagu Sheegay.


Loading...
Loading...