Waxa maanta Hargeysa lagu daahfuray ololaha wacyigalinta badbaadada wadada Hargeysa Iyo Kala-Baydh .

0
Wednesday September 18, 2019 - 20:27:31 in News by
  • Visits: 1719
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxa maanta Hargeysa lagu daahfuray ololaha wacyigalinta badbaadada wadada Hargeysa Iyo Kala-Baydh .

    Waxa maanta Hargeysa lagu daahfuray ololaha wacyigalinta badbaadada wadada Hargeysa Iyo Kala-Baydh .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa maanta Hargeysa lagu daahfuray ololaha wacyigalinta badbaadada wadada Hargeysa Iyo Kala-Baydh .


Hargeysa(HWN)Munaasibad ayaa ahayd sidii bulshada loogu wacyigalin lahaa inay ka taxadiraan khataraha sababa shilalka iyada oo sidoo kale lagu baraarujinayay inay ilaaliyaan wadooyinka la dayactiray ee ay ka midka tahay wadada isku xidha Hargaysa ilaa laga gaadhayo kala baydh oo dayactir balaadhan lagu sameeyay isla markaasina lagu xidhay calaamado tilmaamaya goobaha khatarta ah.

 




Hadaba kulankan ayaa waxaa soo agaasimay Hay’ada Y-PEER oo kaashanaysa Hay’ada GIZ oo iyadu fulisay dayactirka wadada Hargeysa iyo kalabaydh isku xidha iyo Hay’ada Wadooyinka Somaliland oo ay waheliso Wasaarada gaadiidka iyo horunmarinta wadooyinka ee Somaliland, waxaana kulanka ka soo qeyb galay bulshada qeybaheeda kala duwan iyo dhamaan masuuliyiinta Hay’adahani aan ku ku soo xusnay iyo qaar ka mid madaxdhaqmeedka Somaliland oo uu horkacaayo guddomiye Ku xigeenka Gobalka Maroodi-jeex Ugu horeyn waxaa munaasibadaasi ka hadlay agaasimaha hay’ada Y-PEER Maxamed Mahad Dhamac oo sharaxay barnaamijka iyo ujeedadiisa waxaana uu yidhi:



"Mashruucani waxaa uu qaban doonaa barnaamijyo dhowr ah oo aty ka mid tahay in dad weynaha iyo madaxda iyo cid wal oo ka shaqeynaysa arimaha bulshada in layskugu yeedho sida maantaba aynu u fadhino,badbaadada aanu ka hadlaynaana maaha dadka oo kaliya ee waa dad iyo duunyoba, hadaba barnaamijkan waxaa uu iskugu jiri doonaa riwaayado iyo wacyigalino ka hadlaaya khatyaraha iyo hababka ugu haboon ee looga badbaadi karo si aynu u helno wadoooyin iyo darawalo xirfadoodu sareyso oo ku dhaqma shuruucda loo dhigo, sidoo kale waxaa barnaamijka ka mida xidhashada suunka mnarka uu qofku gaadhiga wado hadii ay safar dheer tahay iyo haday magaalada gudaheeda tahayba taasi oo qeyb weyn ka ah badbaadada waddo marista” 



Sidoo kale waxaa isna goobtaasi ka hadlay Guddomiye ku xigeenka Caaqilada Somaliland oo sheegay in loo baahanyahay barnaamij wacyigalineedkan ku saabsan sidii loo badbaadinlahaa wadooyinka iyo dhamaan dadka iyo xoolaha isticmaala waxaa uu yidhi:




"Anagu ka dhaqan ahaan waanu soo dhaweynaynaa cid kasta oo ka shaqeynaysa arimaha badbaadada iyo nabadgalyada bulshada, gaadiidka iyo dhibaatooyinkooduna waa arimaha ugu badan ee aanu ka shaqeyno markaanu ku jirno hawlahayaga, aad ayaanu idiinku mahadnaqaynaa halkaa ka sii wada hay’adana waxaan leeyahay idinkuna wacyigalinta iyo arimaha ka shaqeynta bulshada waad ku mahadsantahiine halkaa ka sii wada”.



Madaxa mashariicda wadooyinka GIZ Christoph Schmidt oo goobta ka hadlay aya isna tilmaamay muhiimada ay kulamadan oo kale u leeyahiin bulshada isaga oo sidoo kale u mahadnaqay dhamaan cid kasta oo ka qeyb qaadatay barnaamijkan wacyigalineed ee ku saabsanaa sidii loo badbaadinlahaa dadka iyo duunyada wadooyinka isticmaalaya waxana uu sheegay in dhankooda ay ka shaqeyn doonaan barnaamijyo badan oo la xidhiidha arimahaasi badbaadada iyo sidii bulshada loogu baraarujin lahaa isaga oo sidoo kale u mahadnaqay madaxdhaqmeedkii kulankaasi ka soo qeyb galay oo uu ku tilmaamay inay bulshada ka yahiin lafdhabarta isku xidha. 


Axmed Yuusuf Maxamed Maareyaha Guud ee hay’ada wadooyinka Somaliland ayaa waxaa uu isna dhankiisa tilmaamay muhiimada kulankan ay maanta qabteen isag oo sidoo kalena ka waramay dhibaatooyinka ay geystaan shilalku waxaana uu yidhi:






"Waxaan dhamaan bulshada kula talinayaa aynu nafaheena,gadiidkeena iyo wadooyinkeena aynu ilaashano, dhibaatooyinka ay sababaan shilalka waxaa ka mida qoys dhan oo dhamaystiran inuu meel ku baaba’o oo aanu hal qof ka hadhin, sidoo kalena in la wada dalxiiso oo meelahaas quruxda badan la wada aado waa wax qurux badan in la wada dhintaana waa dhibteeda markaa aynu taxadarno uun waxbaynu iska hag-hagaajisan badbaadaynu ilahayna ka filanaynaa, markaa aad Ayaan ugu mahadnaqaynaa cid wal oo nagala shaqeysay oo ay ka midyahiin Hay’ada GIZ iyo hay’ada maxaliga ah ee Y-PEER oo aan leeyahay halkaa ka wada oo ha ka daalina inaad umada wax u qabataan” 





Cadbiwaaxid Cabdiqaadir lataliyaha madaxweynaha ee arimaha bulshada Somaliland oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay muhiimada ay leedahay kulan wacyigalineedkan bulshada loogu baraarujinaayo sidii ay wadooyinkooda u dhawran lahaayeen iyaga oo ka taxadaraaya dhibaatooyinka ay shilalku keenaan, waxaanu yidhi:




"Gadiidku marka uu burburo dhaqaalahu saameynayaa, nafahii bin’aadamka ayaa ku go’aya oo ku dhaawacmaya, markaa inta ay arintaasi taagantahay waa dhibaato wayn oo u baahan mar walba inaynu ka wada hadalno waxna iska waydiino, sanadahan danbe intuu madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi xilka qabtay, wasaarada horunmarinta jidadka iyo waaxaheeduna ay gaarka noqdeen runtii aad ayaa looga hadlaa waxna layskaga waydiiyaa macnaha masuuliyadaa wasaarada gaarka looga dhigay waxay keentay inay masuuliyad gaara iska saarto arimaha ay u abuurantahay” 





Khadar Baaruud guddomiye ku xigeenka gobalka Maroodi-jeex ayaa waxaa uu tilmaamay khataraha ka dhasha wadista gawaadhida iyo shilalku inay caqabad ku hayaan bulshada danyarta ah oo inta badan bixisa waxyeelada soo gaadha cida gawaadhidaasi wax ku noqota dad iyo duunyaba.


"Arintan khataraha wadooyinku bulshadeenana runtii dhibaato weyn ayay ku haysaa oo dad aan awoodeen ayaa qaadhaan laga qaadayaa maalin kasta culaysbayna bulshada laftigeeda ku tahay madama oo ay bulshadeenu u badantahay danyar, markaa gaadiidka taxadirkiisa in laga shaqeeya runtii aad iyo aad ayay muhiim u tahay”ayuu yidhi Agaasimaha Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Maaxmed Siciid Khaawi oo goobta ku sugnaa ayaa waxaa uu ka warbixiyay qaabka ay badbaadada dhalinyarada ee arimaha wadooyinka ay uga shaqeeyaan ka wasaarad ahaan iyo waxyaabaha loo baahanyahay in laga hortago "Ubaxa soo koraaya ee dhalinyarada inaynu badbaadinaa waa sababta aanu masuuliyada dhalinyarada u qaadney ee ay wasaarada dhalinyarada iyo ciyaarahuna u taagantahay in caqli ahaan iyo cuduud ahaan la dhiso dhibaatooyinkasta oo ku imankarana laga hortago, dadkuna intiisa badan way ka mooganyahiin shilalka sida dhibta yar u galaafan kara dadka, runti anigu inta badan markay dadku safar galayaan waxaan kula taliyaa baal inaanay is raacin qoysku si aanay dhibaato u soo gaadhi oo qoysasy dhami halkaa ugu burburin, dhalinyarada runtii waanu ku ilaalinaa sidii ay markay gobalada ku soo ciyaarayaan iyo markay dalxiisyo u baxayaanba u soo mari lahaayeen oo iyaga oo warqad ka sita wasaarada mooyaane aanay bixi Karin si aanu uga eegno tayada xataa gaadiidka ay raacayaan oo sababa dhibaatooyinka, waayo gaadhi bas ah oo mudo aan magaalada ka bixin oo aan kala baydh gaadhin ayaa ay iska soo kiraysanayaan iyada oo aan la soo marin baadhis badan oo lagu eegaayo badqabkiisa” 

Agaasimaha guud ee wasaarada Gadiidka iyo Horunmarinta jidadka oo xafladaasi soo afmeeray ayaa waxaa uu darawalada kula dardaarmay in ay marka ay gadiidka wadaan sameeyaan taxadir farabadan madama oo gawaadhida oo kaliya aanay isticmaalin wadooyinka 

"waxaa jirta xiliyo adiga oo wadada maraya ay xoolo badan soo galayaan oo laga yaabo hadaad jiidho in khatar farabadan kaa soo gaadho, markaa waxaan darawaliinta kula talinaynaa inay aad iyo aad u taxadaraan oo marka ay baabuurta wadaan dadka iyo xoolahaba u tudhaan”Cumar sayid ku Munaasibada ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Riwaayad iyo heeso ka turjamaaya sidii loo badbaadinlahaa bulshada, wadooyinka., xoolaha wadada isticmaalaba
Loading...
Loading...