Sidanaa Loo Rogay!. Dhacdo Maanta I Taabatay!. Qalinkii Axmed Cali kaahin.

0
Wednesday September 18, 2019 - 16:28:13 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1612
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidanaa Loo Rogay!. Dhacdo Maanta I Taabatay!. Qalinkii Axmed Cali kaahin.

    Maashaa Allaah Masaajidkii oo Lagu Xidhaayo Allaabtii Muraayadaha fooqyada oo kale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maashaa Allaah Masaajidkii oo Lagu Xidhaayo Allaabtii Muraayadaha fooqyada oo kale . Salaadii duhur ee maantan ku tukanay 17/9/2019.


Hadda Hooyooyinka Ag fadhiya kuna hoos ganacsada in la daymiyo igala fadli iyo ajar wayn cilmigayga bawsiga ah lacagtaasi. Ka bixiyay waxa laga yaabaa in mid ehel kiisu baahi badan u qabo.



Si xataa suuqa xawligiisu u dhaqaajiso nolol maal meedkana waxooda yar ubadhi taageerto.

Taasi is dhaafsiga ganacsiga hoose xawli galin marta waa inta masaajidka ku xeerane.

Halka dhalaanka iyo kurayduna u dareeri lahaayeen goobaha waxbarashada fiican ee qaaliga ah. Waa sida waalidiin badani ku riyoodaane


lahaayeen iyo ta qoysaska baahidu ka soo saartay gurigii hooyada jeeb keeduna yahay Isha qudha.

Horta dawlada waynu dhaliilnaa tana Alle ha ina tuso.


Waayo Gidaaar lacag lagu dhadhajiyay Maxay Saalad ku biirin. Banaanka iyo mawlacayadaba way kubaxdaaye. Meel kasta Salaadu.


Waata Xukuumadaba Xaqa ku dilaaciyee. Waliba Huuno Bangiyada Ribada lagu Xanto in Culimadoodana ka mid tahaye u fadeooda. Waliba dood cilmiyana diyaar u ahayn.


Ta ugu xiise badan huuno waala xidhayaa Masaajidka Ilaahay isla marka Salaada laga baxo kaliya inta dadku dareerayaan.

Sida maanta nagu dhacday Salaadaa na dhaaftoo dabaqa 3aad baan ka qaadanay. Jamac yar baanu Salaadii Duhur isku xidhanay. Markaanu ka baxnay.


Waxa kuyari bilaabay in daaqadihii dish xidho. Waan iska yar fadhiyay markaliya waxaan si sagdaga ula hadlay nin iga fogaa oo buug iyo quraal ku Ferrara kii yaraa Walaal waan xidhayaaye.


Maxaad tidhi waan xidhayaaye daaqaduhuuna ku mashquul San yahay. Intaanu ninkii hadal baan ku idhi hadda wali maanu sunaysan.


Wuu ugu soo dhawaaday waa da' ahaa dhawr iyo labbaatanka adeer anagoon sunaysan baad xidhayaa. Haa oo adeer masaajidada barigii hore masaajiintu way hadhsan jireen biyahana way iska cabbi jireen. Bal si uu nooga xishooday

Haaa!! Adeer waala xadayaa..


Oo adeer tuuga laftiisa in masaajidku saxo oo toosiyuu ahaaye.!!!!

Hawshii suu wattay Yaaab.

Anoon sunnaysan baan kabihii daydayay.


Markaanu salaaan kii u hooseeyay maraayo badi albaabadii iyo daaqadihii dhalin darban baa wadda banaday.

Halka Waysada inta ka banaan. Waxa si siman oo aad meel yar oo la maraa banaanayn waxa jiifa rag tiro badan. Oon u maleeyay xoogsatadiii Suuqa.


Nin baan ku idhi oo adeer waa sidee. Waxa uu iigu jawaabay kabaha ayaa la igaga xidhay. Malaha intuu waysada aaduu soo qoday iyadoo la banaday.


Halkaa markaan maraayay waxaan u dhaqaaqay intaan dib u noqday xaga mixraabka mise xataa mu'adin ma joogo!!

Oday kursi ku fadhiyaan ku idhi adeer imaam kii mee. Intaanu ii jawaabin baan is idhi waxba ha waraysan hadaad wayday Masuuliyiintii.


Dibadaan u soo baxay mise sakhaladaa ku teedsan masaajidkoo waxaa lagu xidhayaa Qalab hadda socda oo tujaarta Oomaar iyo Dahabshiil iyo Telesoom dhismayaashooda badi si farshanimo iyo guryahooda u gaara.


Waliba magaalada kuwa ilma Indho adeero midabka lagu xardhay baa u bil dhaan San u ee kaan shaha midabka cirkee buluuga inoogu muuqata.


Markaa dee Maalinkasta xaqa waa la sheegaa waliba malinta Dawladu khalad samayso si mugleh oo waajib diiniyaa minbarada cod dheer lala fuulaa iyadoo TV yadan inagu Cusubi kamarada u rakibtaa. Kaliya warka lagu soo doodaayo inta Xukuumadan dhallilaha badan ku waajahan.


Hadaba haddii aan gafay Hala isaxo haddii kale fadwada banaynaysa in waxaaas oo lacaga lagu NAB, NABO. GIDAAR AAN U BAAHNAYN hala soo sheego ama qanciyo. SAX iyo khalad daliil leh. Iyadoo bulsho badan oo baahan buuxaan.


Waxaan Xasuustaa Maalin maayarku Xaflad Culimo kala qayb galay dhaliishiisa oon laqabo Culimadaas waa la iska nasiyay. Maxaad haddaba tan iyadana wax uun uga sixi wayday.


Haddii kale Xukuumada iyo Xarunta dhaqanka iyo Canjeera xabashida hala daayo iyo meelaha lagu caweeyo. Ee khaladkoodu batay sidaXarunta Dhaqanka


2014 kii baan maqaal ka qoray Xaruntaa. Hadaan ogaadayba meeshay nooga soo dhacday tahay madaajidada qaar kamida. kuwo dahabaa buuxa sida mid in yar iga durugsan ood moodo jaamacad waxa Cilmi ardaydu hoorsanayso.


Waayo Markaad bangi islaamiya iyo madarasad doolar iyo ganacsi bilaa dabara barakayno. Toosintuna koobnato iyadoo dhibkoodu halistiisa dad badan dhibane u yihiin. Maanu Wacdigaadi laan gadhe ahayn.

Takale hal baa iska keen dhex galay kala saarida waddaadka iyo Risaalada ama dhambaalka Rabbi swt. Waa diinteena Furqaan.


Haddaad waddaadka la doodo Ama sidaa maaha tidhaa badwayn ruux galaaba tahay.oo dadkeena wanaagoodu heer Diin jacayl in aad hadalba lagu celin. Waa dhaqan shariifa oo gobanimo.


Haddana Diinta furqaan Rukumadeeda kuwa ugu Culus ee gaalo ka qanacday in ay li'lijiyaan waa Xadiis kaa Abtirsiintiisa nala wadaag.


Xattaa Culimada Rabaaniyiintu waxay yaqaanan inta xadiis ee samayska ah. Hadda haddaad mid adigu jeebkaaga kala soo baxdo waxa laguu sheegayaa iska daa wax kalee in liisku kaa buuxo. Oo uu kaagani qaadanayo magaca la yidhaa been abuurad.


Been abuurad xaddiiska ka haddla waxa Rasuulka Naxariis iyo amman xaga sare dushiisa ha ahaa tee waa 72 saxaabi ayaa mid kastaa gaarkiisa uga maqlay ama 72 dariiqoo kala gaara midkasta u sheegay.


Sidaa dareedeed ma jiro xadiis kale darajadaasi leh. Taa waxa laga dhaxlay dhaxal aad u wayn oo dhaabad iyo dhufays qalcadiisa cidi ka dusi Karin. Si aan qof kastaa kana waa xadiis inoo odhan.


Sidaa daraadeed waxa halkaasi abuurtay Doodaha iyo is qancinta shareecada oo kolba halka guusha daliilku raaco lagu daba faylo. Meeshana uga baxdo sheekhayga iyo dariiqadayda dariiqa saxdi waa daliilka.


Inaga waxaaba caana Sheekh hebal baa yidhi haye sax waan qaatay ee walaal daliilka ma waa faqsantahay mise ma waa faqsana. Su'aashaa dadkeenu uma bisla. Mana oga dadka qaar waxa dhex mari jiray 4 ta Madhabood ee caan ka ah Culimadoodii Rabaaniyiinta ahayd. Kaliya iga qanci su'aalahan.


Waxaan daawaday dood dhex martay nin mahdi hassan la yidhaa iyo oday taariikh yahana waxa odaygii ku yidhi 400 sano ka hor aqoon oo dhan muslimiintaa hormood u ahaa dhan walba. Balse markii Naqdiga wax dhisa laga haajiray. Ayuu Caqliga muslimiinta ee wax curin jiray curyaamay iyo u guul waddayntii boqoradii waagaas.


Ka aamusida Ganacsatada ee waddaadada qaar dood baan ka qabaaa. Tusaale Bangiyada hadda jira Islaamku muxuu ka qabaa wali waan tabayaa kaliya codod hoose oo diidan oo badana waan ogahay.


Halka Cashuurtu waa Xaaraan dad badan qabaanhaa. Okay Meeday Sakadiii Tujaarta iyo inta ay ku waajibtay taasaa inaga badane.

Sakada siday u bixiaan, ciday siiyaan, wakhtigay bixiyaan waa sanduuq ka muqdi badan ka cashuurta ee hadhka cad dawladu qaado, haba cunaane. Maxaa tujaarta culays ka la saaray Shiicada tusaale ahaan loo saar waayay. Waa dood.


Hada Sakadu Maalkaaga ka mid maaha oo 8 kooxood buu Rabbi swt. U waajibiyay isaga oo cid kalena ku halayn. Hadda tolow ma salaaan waa dood. In xoolihiisii maahee dadkii lahaa magaadhaa dawlad iyo culimo hawl u taal weeyi. waa xoolo marti kuguh ah. Waa dood


Shacraawi hal hayskiisi caan baxay wuxuu ahaa haddaad arragto Tujaaar badan iyo foqoro iyagu tiro batay ogow waa la is dhacaye. Jzkhayr Sheekh.


Haddaba Fatwada shacabka iyo dawlada ku kooban ama wacdiga aad moodo in yoolkiisu badi ka baydho meel gaara sidala inta faraha dufanka leh. guuli inaga dheer. Waa dood.


Reer banii israaiil xarfaan bay ahaayeen marka faqiirku sharciga jabiyo sharcigay Marin jireen marka Mid magac ama mansab leh jabiyo waa loo qaloocin jiray.


inta wa xoogaa aduuuna laga qaato. Waata Rabbi Suuratul baqara ku ceebayay. In aayadihii Rabbi Maal yar dhaafsadeen.

Markaa warkaygu waa waddaadaw Macsuum ma tihide na qanci oo waliba dood gole buuxo

Waa dood.


Haddii kale xayndaabkii inagu celi awalba adaa diinta miideeda iyo milgaheeda iyo maamuus keeda ummada malabkaa u labba gacmoodin jiraye.


Shalay adaa u mudnaa markaad hurid iyo hayaan loo aayay ummadan usoo jiray.una guntay inta yar ee sii biligbilig leh iyo dhaxalkii gore


Maanta ma tanaan kaa gunudnaa. Mahadsanid uztaadii jzkhayr.


Maadaama Sunihii la iga soo caydhiyay Sumad u samaysanaayo. Carabtu waxay yidhaa Saraaxadu waa raaxo ama in aad wadhaada ridataa waa laba in lagu Saxo iyo in lagaaba faaiidaysto.

Anooon sunaysan baan kabaha soo qaatay.


Balse sawirkaasaan kasoo qaaday. Si aaan sunahaygii Sumad ugu yeelo nin reer Barbaraa

Laga hayay. HASHU YAANAY HADAL LA'AAN TAGIN. kaayar wuu na kalifay balse intan baan ku ilaabi.


Rajo hadday jirto Nololina way jirtaa masaajidad kuwaa ku xasuusinaaya waayadii Shuclada baraarugu cirkaa ku shareernayd iyo xalqadihii oo sidii iyo si lamida Barida iyo barashaduna xili kasta ka socota masaajidadaa tiro ahaan ahaan halaga badnaadeebee.


Mid ka mida oo mar aan inyar ku hakaday waxa aad uga helay nidaamka ixtiraamka sheekha loo haya aamusnaanta iyo ku koobnaanta arday kastaa kitaabkiisa ku fooraro ama laba hoos kitaab u wadda dul fadhiya wax cod dheer na kusoo gaadhay.

Waliba waxa ugu muhiimsanaa masaajidkaa in Sheekhu markasta Salaadkasta dhamaan 5 Salaadood cid kaloo tukinaysa la kulmin waxa ka sii cajiibsan in Xalqada Quraanka ee Xifiga Sheekhaasi dhiga,


Tafsiirka Mariyo, fiqiga galabtii mariyo casarkii iyo maqrib iyo cishaa'iga kitaab aanan hubin ka baxo jimcihii khudbada inta badan isagaad la kulmaysaa waa masaajid isku filan oo xaafad ku dhexyaala. Alxamduliah jzkhayr. Iyo kuwa badan oo ka muftigu kawo ka yahay.


Marmar waala liicaa laakiin waa in la darwwmaa in is badal bulshada taabtay ha dhaqankoodii la aqbalaa oo xanuunka loo dafirin ixtiraamka iyo gobanimada diinta iyo Culimada loo hayo oo xataa taasi liicday sababo awgood.


Doodani xayn daabka dooda cidii darjiidhaa iyadaa leh masuuliyadeeda. Huunayaal dooda wax dhisaysaa waa inoo dhex. Haddii Culimadu jirin dadku xoolaha waxba ma dhaameen dhaxalkii gacantooduu ku jiraa in haddiii ka gaabiyaan Laaxinka la tilmaamo si asluubaysan waa ina daanwayne.


NB.

Laaxin haduu ku jiro ha ii nixine itoosi huuno. Insaan daciifaan ahaye.

Ha hilmaamin Xuska Rabbi.

Qalinkii Ahmed Kaahin

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...