Iran Oo Gaashaanka U Daruurtay Eedda Uu Mareykanku U Soo Jeediyey
Mr Pompeo ayaa beeniyay sheegashada xuutiyiinta Yemen ee taageerada ka hela Iran oo ah inay fuliyeen weerarada.
Wasiirka Arimaha Dibada ee Iran Javad Zarif ayaa yiri "eedaynta Iiraan ma joojinayso musiibada" ka jirta Yemen.
Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in shaqo joojinta Sabtidii ay hakisay wax soo saarkii saliidda 5.7 milyan oo barmiil maalinkii.
Waxaa aad isha looga hayaa suuqyada markay dib u furmaan maanta oo Isniin ah, iyadoo khubaradu ay filayaan in sare u kac uu ku yimaado qiimaha shidaalka.
Tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynahii hore ee Yemen, sanadkii 2015-kii, xuutiyiinta ayaa dagaal kula jiray isbahaysiga Sacuudiga uu hogaamiyo iyo xulafada reer galbeedka.
Waxayna sheegeen iney 10 diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn ay u adeegsadeen weerarki Sabtidii lagu qaaday labada warshadood ee saliidda oo kala ah Abqaiq iyo Khurais.
Balse Mr Pompeo waxaa uu sheegay "inaysan jirin caddeyn" ah in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ka yimaadeen Yemen, taas beddelkeedana wuxuu Iran ku eedeeyay iney weerarkaasi ka dambeysay.
Mareykanka ayaa Iran ku eedeeyay weeraro kale oo sanadkan lagu qaaday xarumo shidaal oo ku yaalla deegaannadan, iyada oo ay jirto xiisad ka dhalatay go'aankii madaxweyne Donald Trump oo uu dib cunaqabateyn ugu soo rogay ganacsiga saliidda Iran, kadib markii uu ka baxay heshiiskii caalamiga ahaa oo xaddidayay mashruuca niyuklieerka Tehran.
Iraan maxay ka tiri eedda uu Mareykanka uu u soo jeediyey?
Mr Zarif, Wasiirka arrimaha dibadda ee
Iran oo hadal jees jees ah ku qoray bartiisa Twitter-ka oo uu kaga jawaabayo
eedda Mareykanka wuxuu yiri, "markii uu ku guul darreystay cadaadiski ugu
adkaa uu Iran saaray, xoghaye Pompeo wuxuu u weecday khiyaanadi ugu
weyneyd".
"Waxa maanta ka socda gobolka, oo
sidoo kale welwel aad u weyn ku abuurtay caalamka, ayaa waxaa sabab u ah
siyaasadaha qalafsan ee Mareykanka" ayuu yiri.
Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa sheegay in ka hortagga "gardarada" Mareykanka ay tahay waddada kaliya ee lagu xaqiijin karo xasiloonida gobolka.
BBC


0 





