Tirada Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumada Somaliland Oo Lagu Helay Falal Musuq Maasuq Iyo Magacyadooda Loo Gudbiyey Xafiiska Xeer Ilaalinta.

0
Monday March 18, 2019 - 01:09:18 in News by
  • Visits: 7171
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirada Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumada Somaliland Oo Lagu Helay Falal Musuq Maasuq Iyo Magacyadooda Loo Gudbiyey Xafiiska Xeer Ilaalinta.

    Masuuliyiintan oo marka xasaanada laga qaado xabsiga loo taxaabi doono

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiintan oo marka xasaanada laga qaado xabsiga loo taxaabi doono

Hargeisa(HWN):-Hanti dhawraha guud ee qaranka ayaa soo dhamaystiray warbixinta baadhitaano uu ka waday qaar ka mid ah hay’addaha kala duwan ee xukuumada madaxweyne Muuse Biixi.




Warar ay helayso shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ayaa sheegaya in tiro masuuliyiin isugu jira Wasiiro Agaasimayaal guud iyo agaasime waaxeedyo wasaarado kala duwan ah loo gudbiyey Xafiiska Xeer ilaalinta guud ee qaranka kuwaas oo lagu helay falal musuq maasuq oo ay sameeyeen.


Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in masuuliyiintan oo tiradoodu ay gaadhayso 8 uu madaxweynaha somaliland ku amray xafiiska hantidhawraha inuu waajibkiisa ka guto taas oo keentay in loo gudbiyo xeer ilaalinta guud ee qaranka oo iyagu u xilsaaran sifaha sharci ee loo marayo masuuliyiintaasi.


Walow aanu jirin war rasmi ah oo kasoo baxay Hay’ada Hantidhawrka Qaranka iyo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland midna, haddana waxa jira ilo xog-ogaal ah oo u dhuun daloola arrintan oo cadeeyey in Tirada masuuliyiintaasi gaadhay ilaa 8 qof ay hadda magacyadooda iyo cadaymaha falalka loo haystaaba horyaalaan Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Somaliland, oo laga dhursugayo maalmaha soocoda maadaama uu madaxweynahu dalka ka maqnaa markii hore in uu u gudbiyo warqada xasaanad ka qaadista masuuliyiintaasi, talaabada taa ku xigtaana noqoto in xabsiga loo taxaabo.


Qorshaha noocan ah ee xukuumadan madaxweyne muuse biixi kula dagaalamayso falalka musuqmaasuq oo labaatankii sano ee u dabeeyey dalka ragaadiyey ayaa hadii laga midho dhaliyo dadka aqoonta u leh siyaasada falanqeeyana arrimaha dawladuhu ku sifeeyeen Talaabooyin dhiirigalinay dhismaha dawladanimada iyo dariiq horseedi kara horumar iyo dawladnimo waafaqsan sharciga dalka u yaala.


Sikastaba ha ahaatee shacabka Somaliland ayaa aad ugu dhegtaagaya talaabada taa xiga ee Xafiiska xeer ilaalinta qaranku ka qaado magacyada masuuliyiintaasi loo gudbiyey wallow ay qaarkood ku xidhan tahay in madaxweynaha jsl uu marka hore ka qaado Xasaanada iyo Xilka ay bulshada u hayaan.

Loading...
Loading...