Muxuu Yahay Ujeedka Shirka Maalgashiga Puntland Ee Garoowe Ka Furmay?
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo waraysi siiyey laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa ujeedka kulankan ku sheegay inuu salka ku hayo wax-qabadkii uu ballan-qaaday si gaar ahna uu diiradda u saarayo kobcinta dhaqaalaha iyo soo bandhigidda fursadaha maalgashi.
"
Ujeedada ugu weyn ee aan leenahay waa inaan soo bandhigno fursadaha maalgashi
ee Puntland ka jira ee kala duwan iyadoo Puntland ay tahay saddex meelood meel
Soomaaliya, xeebta 50% ama kala bar-na ay tahay ,khayraad fara badan iyo
fursado badanna ay ka jiraan haddana sidaa oo ay tahay ay ka jiraan duruufo
dhaqaale oo dadkeeda haysta" ayuu yiri Siciid Deni oo qeexayey sababaha
kulankan ay u qabanayaan.
Isbeddellada
dhanka ganacsiga iyo awoodda baayac mushtarka Soomaalida oo horumar dhaqaale
sameeyey ayaa sida uu madaxweynuhu sheegay dadka Puntland Waxaa looga fadhiyaa
in ay maal-qabeenada Soomaalida iyo kuwa shisheeyaha ahba fahansiiyaan
fursadaha maalgashi eek a jira Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in hadafka tallabaadani uu yahay maal gelin miisaan leh, shaqo abuur, koboc dhaqaale si loo helo degannaansho amni iyo mid siyaasadeed.
Mar ay BBC-du madaxweynaha Puntland waydiisay hirgellinta barnaamijkan iyo rajada uu ka qabo inuusan guuldarraysan doonin ayuu sheegay " Waxaan ku faraxsannahay dadka aan casunnay oo qaybtood ay timid, aragtida aan ka leenahay inay nala qaateen oo ay ku qanceen sharaxaadayada" ayuu yiri Siciid Deni
Soomaalida oo soddonkii sano ee u danbeeyey si weyn uga dhex muuqatay ganacsiga dalalka Bariga Africa ayuu sheegay inay kaalin weyn ku leeyihiin dadka kulankan ay ku marti qadeen.
Dhanka ammaanka iyo saamaynta Alshabaab iyo ISIS oo Bariga Puntland saldhigyo ku leh ayuu tilmaamay inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan isagoo qiray in nabad gelyada iyo horumar maalgashiga laga gaaro inay isku xiran yihiin.
Khilaafka arrimaha qaybtood ee u dhexeeya Dowladda dhexe Federaalka iyo Puntland ayuu sheegay inaysan saamayn ku yeelan karin arrintan gaar ahaan iskaashiga shirkadaha ajaanibta ah oo carrabka uu ku adkeeyey in dastuurka dalka aysan ka hor imaanayn.
Madaxweynaha Puntland oo aan waydiinnay
caqabadaha haysta hirgellinta hishiiskii dekedda Boosaso ee DPWorld horey loola
galay ayaa ku jawaabay " Dilkii loo gaystay maariyihii Dekedda wuxuu noo
gaystay dhaawac waxaana ka shaqeeyey dad horumarka Puntland neceb."
Deni ayaa sheegay in inkastoo uusan waqti cayimin in mashruucaas sannadkan gudihiisa ay toos shaqadiisu u bilaaban doonto.
BBC


0 





