Illawsho Dhawaa Ma Ummulbaa !

0
Sunday September 15, 2019 - 13:11:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Illawsho Dhawaa Ma Ummulbaa !

    Dhammaan waxa sanka lala raacayaa neecawda iyo qeyroodka udgoon ee roobka,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhammaan waxa sanka lala raacayaa neecawda iyo qeyroodka udgoon ee roobka,
waxay hirarku soo celinayaa guuxa weyn iyo onkodka isdaba jooga ee da'aaga, sidoo kale  waxaa meel dheer laga arkayaa biriqa iyo hillaaca weyn ee sida balaadhan dhulka u siraadaya.

Kani waa jawi roob, waa xaalad barwaaqo iyo miley qurxoon, mii iyo magaalaba waxaa dul heehaabaya daruuro irmaan oo sedkoodii dhamaaday foolna ku dhow.



Kob kasta waxa tuman xoollaha oo kasoo reysanaya abaartii ba,naydee dhawaan haragooda iyo lafaha isku toshay, hadii ay ahaayeen kuwo ayna indhuhu qaban Karin waa kuwaasoo hadeerba is bedele, cayilbaa ka muuqda, idil ahaantoodba shilisbay noqdeen oo weydu waa faro ku tiris, adhigii kuwiiyoo tiro tiro usocda ayay daaqayaan cawska iyo gargoorka lugahoodii qariyay, lodiina halkan ayay banaaxiyaysaa oo ay marba balayga ku noqnoqonaysaa, geeliinii halkanuu ololayaa oo daaqsin dhex jibaaxayaa, gamaanka laftarkooga ayaana ayagna barwaaqadan ka maqnayn oo dhankooda ka darsanaya.

Alle mahadii weeyee kob kasta waxa ka jeexmay jidhaamo biyo fadhiisin ah oo isku bedelay harooyin loo soo foofsho xoolaha, Muddo laga joogo sided caano maal halkan aynu imika dul joogno dhowr roob oo isku xigxiga dabadeed waxay isku bedeshay kob iyo meel aysan biyuhu ka dhamaanin, hadeer buu qaaday misana soo daruuree oo cirku waa qurxoon yahay.

Ma waxaad wax iga weydiin bandarada iyo xaalada ay magaalooyinku ku sugan yhiin, si lamida sidaynu miiga kusoo aragnay ayagna kama qaado oo daadadku waxay kuyuu ugu jiraan dooxyada waaweyn kuwaasoo dhankaa iyo badda u galbiya biyaha, waxyeelo iyo waxtarna laga arag oo la sheegsheeg.

Qorshe la,aanta balaadhan iyo ku talagalka yare e laga qabo roobab waaweyn oo dheeftood iyo dhibtoodba wata  ayaa waxay horseedeen burbur balaadhan iyo qasaare maal iyo nafeedba, waxaa dhaawac weyn soo gaadhay jidadkii yaraa ee awalba gawaadhigu isku hirdiyi jireen, waxaa si kama ah wadooyinka kusoo hoobtay boodhadhkii iyo dhigaaladii iidhahda looga dan lahaa, geedadka waaweyn ee ayaguna guryaha horteeda kusoo qab yidhi Ayaan tiro lahayn, aqalada sajafkoodii ay la tagtay dabayshii roobku ayaa sidii u haawanaya, waxa aradan meheradihii boodhadhkii ku dhagsanaa uu dhuftay, inta daabbadood ee uu qaatay waa uunkugu sheeko sidoo kale waxa fasaxyo galay goobihii waxbarashada laydh la,aan iyo mugdi habeenimo awgeed, qofkastaaba wuxuu niyada ka leeyahay "illaahayoow hareeraha ”!

Akhriste waxyar xasuustaada dib u celi, dhowr tallaabo gadaal u qaad, maya saas hawsii fogaan kaliya dhacdooyinkii dhowr billood ka hor dhacay milicso, haah hadeer baad xasuusatay, waxaad muuqaal baahiyayaasha ka fiirsan jirtay tiiyoo laga dayrinayo nolosha miiga, tiiyoo roob la,aan baahsan awgeed goror biyo ahla lalaayahay, waxaad idaacada ama raadiha ka maqashay iney nolosha nimcoolaydii qirinqiir ku jirto, in tirooyin adhi ah iyo kumanyaal lo,ah abaartii is marisay,oo waa yaabe caloosheedu qaad weynaa! Ma intaas ayay ku joogsatay, xaasha ma joogsanine waxay weerar ba,an kusoo qaaday bini aadamkii oo waa tii hooyo iyo dhallaankeedna murjuq ka siisay!

Waatii subaxdii dambe wadaadu roob doon safaf dheer u galleen, waatii bari iyo galbeedba laga tukaday ee hirarka ducadu is qabsadeen, waatii wadaadba wadaadkuu ka cod macanaa na tuji oo noo alle bari la dhahay, waatii bulshadu ayagoo dharkoodii hunka ahaa ku taagan aalle gacmaha hoorsadeen ayagoo ku dhawaaqaya  Roob, roob, roob eeboow roob nasii!

Alle waa raxmaan oo waa samiice ducadeenii waa ajiibay oo roobkan iyo barwaaqadan aynu ku naaloonano ayaa ka dhalatay, wax se isweydiin  mudan abaartii ma dhimatay mise wey dhuumatay ?
Durba waxa muuq baahiyayashaa laga soo sheegayaa iney cuno la,aan iyo roob waa ka dhici doono waqooyiga iyo badhtamaha iyo gabi ahaanba  Somalia dhawaan ! saw wax lala yaabo maaha!
Hadaba ma waynaan fikirayn oo nimcadaa alle ayaynaan ka faaiidaysan Karin ? Mise caqli wax keydsada ina dhaha Ayaan inagu jirin ?

Nimankaa nimcada alle ka faidaystay ayaynu hambadooda ka sugnaa, waxaynu laabanay gacmihii, waxaynu isku qabanay indhihii, dhagaheenana siyaasad iyo qabyaalad mooyee horumar kale ma maqlaan, waxaynu halhays iyo caado ka dhiganay sheeko iyo shaah ay weheliso sheeko aan buurnayni, kama tashano aayaheena waxna iskama weydiino mustaqbalka dhow, haa ma shaqaysano se waxaynu rabnaa horumar iyo qaninimo fadhi inoogu timaada, aniguna manta waxaan halhays u haysan doonaah Barwaaqooy bellaa xigi!

Qalinkii: Jaalle Cabdicasiis Maxamed meegaar.

            Mahadsanidin.
  252634859724
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...