Wasiir Faratoon Oo Ka Gaabsaday Shaacinta Wakhtiga Iyo Wadanka Marti Gelinaya Wada Hadalada Hargeysa Iyo Muqdisho

0
Sunday March 17, 2019 - 22:11:48 in News by
  • Visits: 2687
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Faratoon Oo Ka Gaabsaday Shaacinta Wakhtiga Iyo Wadanka Marti Gelinaya Wada Hadalada Hargeysa Iyo Muqdisho

    Wasiir Faratoon Oo Ka Hadlay Wada Hadalka Labada Dhinac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Faratoon Oo Ka Hadlay Wada Hadalka Labada Dhinac

Hargeysa(HWN):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, oo ilaa hadda wakhti rasmiya loo cayimin.


Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ooWargeyska Geeska Afrikaweydiiyey Wadamada Turkiga iyo Gaana Wadanka lagu qaban doono, ayaa ka gaabsaday inuu si rasmiya u sheego Wadanka lagu qabanayo, iyo wakhtiga rasmiya ah ee la qabanayo waxaanu ku jawaabay " Way jiraan dedaalo lagu doonayo in labada dal ku wada hadlaan,laakiin ilaa hadda wakhti cayiman oo loo qorsheeyey in la wada hadlaa lama qorsheyn, lamana cayimin, Madaxweynahana Qarankuna Mudane Muuse Bixi Cabdi, wuu ka hadlay wada hadalada,wada hadaladana meeshii la doonaba ha lagu qabto ee wax tafaasiil ah oo cusub aanu ka bixinayaa ma jirto,”


Loading...
Loading...