Madaxtooyada Oo Guurtida Dib Ugu Soo Celisay Mid Ka Mid Ah 2 Xubnood Ee Ay U Xuleen Ka Mid Noqoshada Guddiga Cusub Ee Doorashooyinka

0
Sunday September 15, 2019 - 11:27:35 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2917
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxtooyada Oo Guurtida Dib Ugu Soo Celisay Mid Ka Mid Ah 2 Xubnood Ee Ay U Xuleen Ka Mid Noqoshada Guddiga Cusub Ee Doorashooyinka

    Hargeysa(HWN)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa shirgudoonka golaha guurtida dib ugu soo celiyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(HWN)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa shirgudoonka golaha guurtida dib ugu soo celiyay
mid ka mid ah laba xubnood oo uu guddoomiyaha golahaasi Saleban Maxamuud Aadan u gudbiyay si ay uga mid noqdaan guddiga cusub ee doorashada.


Warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Mr. Foosi Maxamed Faarax oo ka mid ahaa labada xubnood ee uu guddoomiye Saleban xulay ay madaxtooyadu soo celisay. Lama sheegin sababta ay madaxtooyadu u soo celisay xubintaas.



Guddoomiye Saleban ayaa toddobaadkii hore Madaxweyne Biixi u gudbiyay labada xubnood ee uu u xulay ka mid noqoshada guddiga cusub ee doorashooyinka. Marka laga tago Mr. Foosi oo la soo celiyay xubinta labaad ee uu guddoomiye Saleban gudbiyay ayaa ah Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood).


Guddoomiye Saleban ayaan weli madaxtooyada dib ugu celin xubinta uu ku bedelay xubinta la soo celiyay, waxase la filayaa inuu maalmahan xulo xubin kale oo buuxisa jagada xubinta la soo celiyay.


Geesta kale Madaxweyne Biixi ayaan weli xulin saddexda xubnood ee uu sharcigu awooda u siiyay inuu soo xulo, sidoo kalena labada xisbi mucaarad UCID iyo Waddani ayaan iyaguna gudbin labadooda xubnood.


Laakiin xubnaha Madaxweyne Biixi iyo labada xubnood ee labada xisbi mucaarad waxa ka taagan loolan adag oo u dhexeeya shakhsiyaad kala duwan oo baratan ugu jira inay buuxiyaan xubinimada.


Loading...
Loading...