Madaxweyne Muuse Biixi oo qirtay taariikhda Dahabiga ah ee Madaxweynihii hore ee Somaliland iyo waxa lagu xasuusan doono
Hargeysa(HWN)-Madaxeynaha Somaliland Md Muse Bixi Cabdi ayaa mar uu u waramay dufcadii u danbeysay ee ka qalin jebisa Jaamacada Camuud ayaa waxa uu ka waramay taarikhda dahabiga ah ee aaney cidna ka qaadi Karin madaxweyne xilka uga horeeyay oo ummada sumcad weyn ku leh.
Madaxweyne Biixi ayaa khudbadiisa ku xusay in xiligii uu mucaaridka ahaa uu madaxweynihii ka horeeyay si adag u muucaridi jiray, balse uu madaxweynihii hore oo iminka dalka ku nooli uu muujiyay khibrad dulqaad oo aad u mudan in la boogaadsho
Madaxweynaha haatan ee Somaliland ayaa sheegay in Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin uu baal dahab ah ku leeyahay taariikhda Somaliland oo aaney cidi dafiri Karin.
Waxaanu si gole ka fuulnimo ah isugu deyay in uu ugu faano in joogitaankiisa xaflada qalin jebinta ay muujineyso in dalku nabdoon yahay isla markaana aanu Madaxweyne Riyaale ahyn mucaarid.
Madaxweynaha haatan ee Somaliland Muuse Biixi ayaa sheegay in taariikhdu xusi doonto in Madaxweyne Riyaale si geesinimo ku jirto u aqbalay doorashadii looga guuleystay ee ay qaar ka mida masuuliyiintii u sareeysay ee xukuumadiisa sheegeen in aaney aqbeli doonin.
Balse uu Madaxweyne Daahir Riyaale sheegay in uu isagu aqbalay natiijadii doorashooyinka.
Madaxweynihii hore ee Somaliland oo ku sugnaa madasha qalin jebinta Caamuud Ayaan isagu soo hadal qaadin doorka siyaasadeed ee madaxweynaha haatan ee Somaliland, balse ku gaabsaday uun dhiirigelinta ardeyda ka qalinjebisay jaamacada Camuud.