Wallee Xoriyooy Xaq Baa Iman, Oo Xalaal Meher-kaagu Wuu Noqon

0
Friday September 13, 2019 - 16:54:01 in Articles by
  • Visits: 1818
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wallee Xoriyooy Xaq Baa Iman, Oo Xalaal Meher-kaagu Wuu Noqon

    Murti hore baa ahayd " Gaajadda ka bax baan ku doodaayee, ma hadaan galay geeresh-keeddii" Wixii aan dhib iyo aafaad u soo maray, Malaayiini ugu soo bas-beeleen, dul-cad iyo daroor, ee kaneecadu ku laysay, sababtii igu keliftay in aan awgee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Murti hore baa ahayd " Gaajadda ka bax baan ku doodaayee, ma hadaan galay geeresh-keeddii" Wixii aan dhib iyo aafaad u soo maray, Malaayiini ugu soo bas-beeleen, dul-cad iyo daroor, ee kaneecadu ku laysay, sababtii igu keliftay in aan awgeed qoriga qaato, maanta bay ka sii daran tahay,
Murti hore baa ahayd " Gaajadda ka bax baan ku doodaayee, ma hadaan galay geeresh-keeddii" Wixii aan dhib iyo aafaad u soo maray, Malaayiini ugu soo bas-beeleen, dul-cad iyo daroor, ee kaneecadu ku laysay, sababtii igu keliftay in aan awgeed qoriga qaato, maanta bay ka sii daran tahay, oo laba askari oo gaajo qal-dhebaayey, meela aan uga soo dagaalamin, laxoox-dda ku cuni jirey Xarshin iyo Habuura, oo ay islaamuhu ugu dubi jireen, marka ay higtu yeedho, ay sare kor ugu kaajayaan kibir awgeed. waase nasiib-darro haysta, dadkan aan xumaanta iska qabanayn, ee mid kaste oo duli iyo nacayb beeleed googooyey ( sidda Raggii ma adigaa ka hadhay) reer hebel cadaadi sacabka loogu tumaayo, iyaka oo dana gaar ah ku eeganaaya iyo waan is xignaa oo keliya, hadana ku meeraysa-naayo wax aan ka soconayn, oo ujeedad-doodda aan isla garanayno, taas oo ah Somaliland baa wax la yeelayaa, iyka oo abeeso abo-guri ah hoosta ku haysta ( Waa qabyaaladda). ku darsoo weliba ah kuwa iyaku gacan-toodda ku duminyaaya, ee cadaalad darradda, sinaan la'aanta, kala sooca bulshadda, eexdda, iyo kala firdhinta ummada-ba ay aabo u yihiin. iyaka oo cayn-kaas ah, bay misna meel kale farta ku fiiqayaan, weliba caqli xumaan-yoodda ay is leeyihiin la idinku garamaayo, oo wax baad ku khaldi kartaan.


 Waa nin iyo garash-diiye, qof-ba wax is leh, mid been ku ceesh ah, mid reernimo sacab ku garaaca, oo mansuuliyad ummadu leedahay lagu mahoobiyey, wax uu ka garanayaana aanay jirin haba-yaraatee,Sidda Af-dulaaqa wasaaradda "Doqon ma waydo" lagu candad-dawlay. qof-ba ka ka sii liita buu ku shaqaystaaye, isticmaalaaya  Ka bandhiga dhexe, oo oo lagu siiyey shaqadda in uu iska hor keeno Mataanaha, Kaas oo hadeer ah ka-ka dambeeya Xadhiga Hadhwanaag, , Amarna lagu siiyey reer-hebelnimo, ciddii runta naga sheegta ka xidh war-baahinta, iyadda oo loo adeeg-sado  ka ay uGu yeedhaan " Fadal ee Booliiska", kaas oo ahaan jirey 3-Alifle, oo imika la daalaa-dhacaaya Derejo aanu filayn, qaadina Karin, oo ah Janaraal-nimo waashay, maskana aan ku darayn, waayo'aragnimo-na aan u lahayn, ilayn wuxu ahaa Subeehi meelahiisaa iska xagaf-sadda'e. Meesha dad xun oo dhan baa isugu qayshaday, tuug iyo malaal reer hebel xil lagu siiyey aanu geyin, meela u soo mareen haddii aqoon iyo xil-kasnimo iyo daacadnimo lagu bixinaayo, mid isku halayn siddii dameeraha, uu naas nuuji-naayo mid kursi isku ruxayaa waa "Sidda af-dulaaq darayo@e", Gaafaadhi, geenyo Shaaximan, Maxamuud beenaale ( Waxa u taqaanaan maxamuud xaashiye).

 Wallee Xoriyooy Xaq Baa iman, oo xalaal meher-kaagu wuu noqon. Horaa-se loo yidhi "Durbaan adigu garaaco ama nin ku xigaa ha kuu garaaco'e"  Intee bay ku sii Jiri sidaas kuwa isku halay-naaya Askarta " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo Shaaximan" kuwaas oo ah dameertii yarayd ee la yidhi, isku halayn iyo kalsooni awgeed bay hooya-deed dabadda uga nuugtaa " Waxan ku soo duubay maqaalkan, Meeshan gabal-keeddii wuu dhacy, oo dabadda bay rogatay, waana loo dhameeyey, xaalk ay hadda ku jirtaana waa ku sii fara adayga inta aad sii hayn kartaan, laakiin-se way arkaan in ay kala yaaday, nin-ba reer-kiisii iyo gobol-kiisii noqday, hayeeshee macaan-jeceshii tidhi siddii doqonkii gabadh aanu filan loo meheriye " Caashay Macanaa" Markuu habeenki la seexay, kuwa aqalka " Xaafad-tooyadda" kabotorinaya waa qaab-kaas, oo iyaka oo aan malasa-nayn, rajona ka qabin bay qurba-siraad ku mehersa-deen, inkasta o ay tahay ruux-ba raganimaddii, aqoon-tiisa garasho, dadnima-diisa, misana wax is dhaamaa ma jiraan, waa qudhaanjo-daas sonkorta ku dareertay ee maxaa laga soo gaadhi doonaa.
* N.B Dibiradu Dadka Way Uga Dartaa.
Qore:- Abdi-shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...