Dugsiyada gaarka ahi Deeqaha Waxbarasho Way ka Badsadaan Kuwa Dawliga ah

0
Thursday September 12, 2019 - 17:27:37 in Articles by
  • Visits: 1437
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dugsiyada gaarka ahi Deeqaha Waxbarasho Way ka Badsadaan Kuwa Dawliga ah

    Haddii aad xogogaal u tahay siday dugsiyada gaarka ahi u helaan deeqaha waxbarashada, waxa ku soo baxaya sawir muujinaaya in ay kaaf iyo kala dheeri isku yihiin kuwa dawliga ah ee wax ka suga gacanta dawladda maamusha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii aad xogogaal u tahay siday dugsiyada gaarka ahi u helaan deeqaha waxbarashada, waxa ku soo baxaya sawir muujinaaya in ay kaaf iyo kala dheeri isku yihiin kuwa dawliga ah ee wax ka suga gacanta dawladda maamusha.
Haddii aad xogogaal u tahay siday dugsiyada gaarka ahi u helaan deeqaha waxbarashada, waxa ku soo baxaya sawir muujinaaya  in ay kaaf iyo kala dheeri isku yihiin kuwa dawliga ah ee wax ka suga gacanta dawladda maamusha. Doodda dugsiyda gaarka ah ee deeqaha waxbarasho ee noo gaar ahna waanu qarsanaynaa ta dawladu soo heshana aanu ka qaybgalno, waxa ay la mid tahay xigmadii ahayd”Tuke ayaa shimiraha iyo haadka shiriyey, waxaanu ku yidhi inta aan u weynahay ha cunto hilibka, inta aan u yarahayna ha cunto midhaha. Waxa aan ahay xidhiidhiyaha labada dhinac. Markaa anigu haddaan ahay Tuke labadaba waan ku jiraa”.   Dedaalka ay dugsiyada gaarka ahi geliyeen waxbarashada ayaa ah mid mudan, inkasta oo ay qaadaan lacag adag oo u dhiganta waxa ay bixinayaan. Qormadan waxa aynu ku lafaguri doonaa siday deeqaha waxbarashada u helaan dugsiyada gaarka ahi iyo siday uga qatan yihiin kuwa dawliga ahi.
Deeqaha Ay Helaan Dugsiyada Gaarka loo leeyahay
Dugsiyada gaarka ahi waxa ay isugu jiraan kuwa ardayda wax ku bara luuqada Ingiriisiga iyo kuwa sii diciifaya oo af-carabi wax ku bara ardayda ay hayaan. Tusaale ahaan dugsiyada gaarka ah ee ay maamusho dallada Qarni Ifriiqiya oo ah kuwa ku baxa luuqada carabiga, waxa ay deeqaha waxbarashada ka heli jireen dalalka muslimka ah muddo dheer. Welina lama arag deeq waxbarasho oo ay heleen oo ay wax ka siiyeen ardayda dhigta dugsiyada dawliga ah. dallada AL-FAJRI oo ay ku jiraan 20% dugsiyada gaarka ahi,  waxa ay xidhiidh toos ah la leedahay dalladda waxbarasho ee ka jira dalka Soomaaliya oo la yidhaa FPNS (Formal private school education network in Somalia) oo  ay ka helaan deeqo waxbarasho. Inkasta oo ay dalladaasi wakhtigan hoos u dhac uu ku yimid, ka dib markii ay xoogaysatay wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya. 
Waxa ay qaybtooda qaataan deeqaha waxbarasho ee ay dawlada Soomaaliya siiso dalladaha waxbarashada Soomaaliya, iyaga oo adeegsanaya magaca WAQOOYI. AL-FAJRI waxa deeqaha waxbarasho ee Soomaaliya ka yimaado ku shaqaysta koox gaar ah oo huwan magacan. Dalladan AL-FAJRI waxa ay sheegataa inay metesho dugsiyada gaarka loo leeyahay oo dhan, hasayeeshee waa sheegasho uun aan afka barkiisa dhaafsiisanayn. Ardayda ay deeqaha waxbarashada u helaan waxa ay shahaadada Soomaaliya uga dalbaan Muqdisho oo Hargaysa ayaa loogu keenaa. Mar kasta oo ay dooddi ka dhex dhalato dugsiyada gaarka ah iyo wasaaradda waxbarashada waxa ay soo ururiyaan dugsiyada gaarka ah oo dhan si ay ula doodaan wasaaradda waxbarashada. Hasayeeshee markay deeq waxbarasho helaan koox gaar ah ayaa kala goosata. Deeqahaasi dhammaan way ka qatan yihiin dugsiyada dawliga ahi. Sidoo kale mulkiilayaasha dugsiyada gaarka loo leeyahay qaarkood waxa ay tikidho u goostaan dalalka dibada waxaanay toos ula macaamiilaan safiirada Soomaaliya u fadhiya dalalkaasi, si ay uga helaan deeqo waxbarasho oo ay bixiso dawlada ay Soomaaliya uga wakiilka yihiin.
 Macaamilkaasi wuxuu gaadhaa heer ay kula doodaan waxa aanu doonayn deeqihii waxbarasho ee Soomaalilaan lahayd ama Waqooyi la siin lahaa. Tana way ka qatan yihiin dugsiyada dawliga ahi. Dhinaca kale waxa jira qaar ka tirsan dugsiyada gaarka ah oo aan ku jirn dalladahaasi oo aan helin deeqo waxbarasho oo la mid ah kuwa dawliga ah. Markaa dawladu ha kala garato kuwa dibada ku xidhan ee ku jira dallada Al-FAJRI iyo dugsiyada gaarka ah ee aan ku jirin. Marka dhammaan la isku soo xooriyo dhacdooyinkaasi ku biyo shubanayaan kayga anigaa leh kaagana kula lihi, sow rag kumuu kala tegin?
Maxaa Keenay ladhka?
9/9/2019 ayey masuuliyiinta dugsiyada gaarka ahi ka hadleen shir jaraa’id, waxaanay cabasho iyo dhaliil u soo jeediyeen wasaaradda waxbarashadda. Waxa ay ugu horreyn ka cawdeen inay dawladu ka reebtay deeq waxbarasho oo dhammayd 400 oo arday oo lagu koobay dugsiyada dawladda. May ahayn inay falkan ku kacaan waayo yaa iyaga ka xisaabiya deeqaha ay helaan ee ay ka qatan yihiin ardayda ku jirta dugsiyada dawlada ee danyarta ah? Haddii la xisaabtamo iyaka ayaa daalac loo raacayaa, way se qarsoon tahay qorshaha ay ku helaan deeqaha waxbarasho. 400 ee ah deeqda waxbarasho iyo kuwa kale ee soo socda waa in aan waxba laga siinin dugsiyada gaarka loo leeyahay.
 Waayo waxa fiican inay labada arday ee reer Soomaalilaan ahi isa soo gaadhaan. Maaha caddaalada inay dawladu sinto kan deeqaha waxbarasho helayey muddo gaadhaysa 15 sanno ama ka badan ee huursanayey iyo ardaygan dawliga ah ee aanu ceelna u qodnayn cidina u maqnayn. Waxyaabaha dugsiyada dawliga ah hoos u dhigay waxa kow ka ah xayeysiisyada joogtada ah ee ay lacagta badani ku baxayso ee ay dugsiyada gaarka ahi hadh iyo habeen ka sii daayaan Tilifiishannada iyo idaacadaha. Adeegsiga warbaahintu waa mid awood badan ku dhex leh bulshooyinka caalamka. Waxa la yidhi Soomaaliya wuxuu adduunka badankiisu ku bartay sagaashamaadkii dagaalkii uu Janaraal Caydiid la galay ciidankii Maraykanka ugu tababarka fiicnaa ee la odhan jiray RANGERS iyo diyaaradii uu ka soo riday ee la odhan jiray BLACKHAWK. Dhacdoonkaasi ayey warbaahinta caalamku qaadaa dhigtay, markaasay Soomaaliya hadal-heynteedu badatay. Sidoo kale waxa qayb weyn ka ah deeqaha waxbarasho ee ay helaan oo ay u adeegsadaan xayeysiis ay arday badan ku helaan. 
Siday  Dugsiyada Dalwadu ula tartami karaan kuwa Gaarka ah?
Dugsiyada dawliga ahi qaar ka mid dugsiyada gaarka loo leeyahay way kula tartami karaan dhinaca mushaharka macalimiinta la siiyo, kuwa waaweyn se lama tartami karaan. Haddii si fiican loo maamulo shillimada yar ee laga qaado ardayda dawlada, oo lagu kabo lacagta gunnada ah ee macalinka la siiyo. Waa hubaal inay tartanka socda ee dugsiyada gaarka ahi ay ku urursadeen macalimiintii tayada lahaa inay dhinacooda ka geli lahaayeen. Ardayda dugsiyada dawliga ah ka socota ee loo diraayo dalka Itoobiya, waxa fiican in laga soo xulo kuwa dhibcaha sare keenay (A amd B). haddii kale waxa suurtagal ah inay ku adkaato waxbarashada jaamacaduhu, oo ay khasaariyeen deeqdaasi. Laakiin haddii lagu socda sida imika jirta way adkaan doontaa inay dugsiyada dawladu heer gaadhaan. 
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah. 
Hargaysa, Soomaalilaan 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...