Amaro ka Soo baxay madaxwaynaha somaliland oo lagu xidhay wariyayaashii hadhwanaagnews
Amaro ka Soo baxay madaxwaynaha somaliland oo lagu xidhay wariyayaashii hadhwanaagnews
Hargaysa(HWN)Ciidanka Amaanka somaliland ayaa xabsiga u taxaabay agaasimihii iyo tifatirihii Hadhwanaagnews kuwaas oo ciidanka boolisku ugu daateen guryahooda.
Ciidanka ayaa ku xidhay wariyayaasha carunta dambi baadhista waxaana xadhiga ka dambeeyay sida ay ila xogogaal ahi sheegayaan madaxwaynaha somaliland mudane muuse biixi cabdi.
Talaabadda ay qaadeen ciidanku ayaa sharciga dalka u yaala ka baxsan waxaana lagu soo waramayaa in tifatiraha hadhwanaagnews cabdi qani asparo loo diiday in lasiiyo kiniinka macaanka taasi oo hadda xaaladiisa caafimaad aad u liidato.
Xukunkan adag ee xukuumadu u adeegsanayso hadhwanaagnews ayaa ah mid cadaawadi ka muuqato taasi oo keeni karta in shacabku ka dhiidhiyaan cadaaladda daradda xukuumadu wado.
Loading...
Loading...


0 





