Waa Maxey Shaqada Bangiga Dhexe, Sidee ayuu Baqdaadi u Qeexey Shaqda Bangiga. Qormadii 3aad.
Waa 26-kii April 2018 iyo Xarunta Shaqaalaha ee Hargeysa, waxa uu Gudomiyha cusub ee Bangiga Dhexe ee SL, Mudane Ali Ibrahim Jaamac (Baqdaadi), guud marey shaqada .Waa 26-kii April 2018 iyo Xarunta Shaqaalaha ee Hargeysa, waxa uu Gudomiyha cusub ee Bangiga Dhexe ee SL, Mudane Ali Ibrahim Jaamac (Baqdaadi), guud marey shaqada
......waa 26-kii April 2018 iyo Xarunta Shaqaalaha ee Hargeysa, waxa uu Gudomiyha cusub ee Bangiga Dhexe ee SL, Mudane Ali Ibrahim Jaamac (Baqdaadi), guud marey shaqada uu ku dhaqaaqi doono iyo garbaha uu ka haadi doono. daawo youtubka link-gan
Hadaba aynu ku horeyno dariiqii Baqdaadi jeexdey maalintii la caleemo saarey:
1)In uu SL shillings uu ka dhigi doono mid la dhigma lacagaha Dollar-ka, Euro-da!!(Raboow Run ka Yeel) Iyo in uu Sixir bararka dalka naafeeyey hoos u dajin-doono.
2)In ay lama huraan tahay, Dahabshiil, Telsom iyo Rugta ganacsiga SL ay yihiin kuwa uu sharciga dhaqaalaha uu ka codsan doono in ay ka taageeraan, iyadoo madaxweynuhu kalsooni buuxda siiyey.
3)In Axamed Hassan Carwo, agaasimaha guud ee bangiyada ee cusub, isna yahay, saaxiibkii oo isku miis iyo shaqo ka dhaxeysay ilaa 1975-kii Xamar, oo aaney isku cusbeyn.
Hadii aynu sadexdaa kor-xaadino, oo aan ku horeeyo ka Koowaad. Baqdaadi waxa iskaga qasmey laba erey oo isku macno iyo isku shaqo ah, sida lug iyo adin isku midka u tahay. Marka lacagtu kalsooni hesho waa marka ay leeday keyd, dahab, hanta maguurto ah oo bangigu leeyey, bangiguna yahay ka jaangooya dhamaan dhaq-dhaqaaqa ganacsi dibada, iyo noocyada dalka gudihiisa kasocda, sida qiimeyta iibka guryaha, qiimeynta dhulka, amah-siinta dadka, ilaalinta hantida muwaadinka marka, hay’ado ganacsi gabood-fal ku sameeyaan. iwm
Markaasey noqoneysaa marka sicir-bararku ha jiree, noqdo mid sumcad iyo qiimaba tiri Karin lacagta(cumladda) dalku leeyey. Hadaba bangiga dhexe intaas midna malagu qabaa?!!!
Layaab Baqdaadi malaheyn, maalintaas, oo xataa, farxadii waxey ka hoosaasisay in uu Eebe weyne umahad noqo, markii Bisinka akhriyey, iyo waliba markii uu rabey in uu wasaxbihi ajmaciin odhan lahaa, ku badaley wal mursaliina ajmaciin. Ileyn hankii uurabey buu 80 jir ku gaadhee.
Dahabshiil iyo Telisom waa ganacsi gaar loo leeyey, oo macaash doon ah, waliba qiimaha ugu sareeya ay ku iibin karaan, ku raacdeynaya, sida ganacsi kasta gaarka loo leeyahay aduunkuba yeelaan.
Laakiin, yaabka yaabkii waxa uu yahay, markaad kuwaas iyo Rugta ganacsiga oo ah goob dhowr nin ku sheekeystaan ah, taladii dhaqaale ee dalka lagu dhaqi lahaa la weydiiyo, sow maaha in cidii lagu seexdey inamay gabin, oo dhaartii ay dhaarteena, may daba- marin. Mase tahey, Waraabe hilbo ku raro.
Ugu dambeyntii, Baqdaadi waxa uu oogta ka cadeeyay, in agaasimaha ay wada shaqeyn jireen 1975 kii, haa, waxaa halkaas kasoo mudh baxdey, in Baqdaadi iyo Carwo ay ku heshiis ahaayeen, guulwadeyn aad u heer sareysa, bacdamaa xiligaas Baqdaadi Aabow Siyaada ku hadaaqi jirey, dee Carwo-na fashiliyoo waa la jiibin jirey. Si kale hadii aan u dhigo waxay isku ahaayeen Careys Ciise iyo Islaantii kadaba jiibin jirtey ee Runtaa kadaba odhan jirtey.
Lasoco qeybta dambe iyo Shaqada Bangiga dhexe
Maxamuud Biixi
Loading...
Loading...


0 





