Xukuumada Somaliland oo warrant u jartay suxufiyiinta Hadhwanaag news ee Arab oo qura

0
Thursday September 12, 2019 - 05:19:02 in News by Abdikadir Guled
  • Visits: 3874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland oo warrant u jartay suxufiyiinta Hadhwanaag news ee Arab oo qura

    Hargeysa(HWN)-Xukuumada Somaliland ayaa intii ay ka kaaftoontay dhabaha sharciga ah ee lagu maareeyo eedeynaha saxaafada loo soo jeediyo ayaa waxa soo baxaya in ay si gaar ah u bartilmaansaneyso weriyeyaasha u dhashay beel ka mid ah hawlwadeenada ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(HWN)-Xukuumada Somaliland ayaa intii ay ka kaaftoontay dhabaha sharciga ah ee lagu maareeyo eedeynaha saxaafada loo soo jeediyo ayaa waxa soo baxaya in ay si gaar ah u bartilmaansaneyso weriyeyaasha u dhashay beel ka mid ah hawlwadeenada ka shaqeeya Hahdwanaag News.

 

Waxa soo baxaya warar iyo cadeymo muujinaya in xukuumadu ay gacanta u gelisay xoogaga RRU-da magacyada suxuufiyiinta u dhashay reer ka mida beelaha Somaliland.

Shabekada Hadhwanaag news oo ay ka hawlgalaan suxuufiyiin ka soo kale jeeda beelaha Somaliland ayaa isweydiintu tahay sababta qaarna xabsiyada loogu guray halka qaar kalena ay weli wataan hawshoodii suxufinimo.

Waxa lala socdaa in saxaafadu habeenadii u danbeeyay ay xabsiga dhigtay Tafatirihii guud ee Hadhwanaag news Cabdiqani Axmed Aspro iyo Agaasimihii shabekada Cabdirisaaq Good Nuur oo labaduba ka soo jeeda beelweynta Arab.

Sidoo kale waxa jira liiska ciidamada RRU-da loo gudbiyay in ay ku jiraan suxuufiyiin kale oo iyaguna ka soo jeeda beesha Arab.

Hadaba isweydiintu waxa ay tahay sababta ay Xukuumada Somaliland ay dabada uga riixeyso Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee loogu bartilmaansanayo

suxuufiyiinta qaar, halka qaar kalena weli ugu sugan yihiin xafiiska Hadhwanaag ee Hargeysa iyaga oo hawshoodii weli wata?

Waa tusaale kale oo muujinaya fool xumada ay Xukuumada Somaliland u bareertay ee ay saxaafada iyo beelaha qaar kula kaceyso, isla markaana direysa fariinta ah in hadii aad reerha qaar ka soo jeedo in xoriyadaadu sugan tahay, hadiise kalena aadan dalka wax xuquuq ah ku laheyn.

Waxa ay dhowrnaa waa sida bulshadu uga gilgilito khaladaadkan is dulsaaran ee ay xukuumadu kula kaceyso saxaafada madaxa banana ee dalka.

Hadhwanaagnews

Hargeysa,

 

 


Loading...
Loading...