Nuux Taani, Sarkaal Ka Arradan Askarinimo, Siyaasinimo iyo Wadaninimo.

0
Wednesday September 11, 2019 - 22:21:43 in Articles by
  • Visits: 2425
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuux Taani, Sarkaal Ka Arradan Askarinimo, Siyaasinimo iyo Wadaninimo.

    Nuux Taani, Sarkaal Ka Arradan Askarinimo, Siyaasinimo iyo Wadaninimo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuux Taani, Sarkaal Ka Arradan Askarinimo, Siyaasinimo iyo Wadaninimo.

Dhawaaqa kasoo yeedhaya dalkii hooyo waa mid maalinba maalinta danbaysa ka sii daraya khaasatan intii u madaxweynaha noqday Muuse Biixi Cabdi oo aan anigu u bixiyay naanaysta (Wax Ma Yaqaan) oo Maxamed Kaahinna u doortay wasiirkisa Arimaha gudaha oo aan isagana ugu wanqalay naanayste Haaheeyle; kaasi oo aan ugu magac daray gudoomiye gobol oo mar maamulkii Siyaad Barre u soo badalay gobolkii Waqooyi Galbeed oo imikana ah Maroodi-jeex. Nin kaasi oo marka uu u qudbadaynayo shacabkii ku dhaqnaa Hargaysa xilligaasi ay sacab ugu dhuftaan ku hadaaqi jiray haaheey, haaheey. Markii  danbena ay reer Hargeisa u bixiyeen haaheeyle, iyadoo eekeeyuhuna ku socdo wasiir Maxamed Kaahin oo isaguna sax iyo qaladba kadaba jiibinaya Madaxwayne Biixi, isagoo ilaashanaya dantiisa shakhsiga ah ayuu gabay kaalintiisii ahayd inuu runta sheego wixii qaladanna farta ku tilmaamo.





Aan kusoo noqdo dulucda maqaalka ee horaantii wiigii hore ayaa nin aanu saaxiib nahay oo la yidhaa Cabdilaahi oo jooga dalka Holland iga soo wacay WhatsAppka kuye: "Ma maqashay wuxuu ku hadlay ninkii Nuux taani?” "Mayee ma maqale muxuu yidhi” Ayaan ku jawaabay anigoo maskaxdayda ka idhi nuux nin hadal gaaban ayuu ahaa oo sidaas ayaa isaga iyo qarankaba dani ugu jirtee waa maxay waxan uu ku hadlay ayuu iga dhex galay saaxiibkay. Kuye  "waxa uu ka hadlay ciidankii Somaliland ee aaga barri ee maalinta dhawayd ka goostay ciidanka qaranka. Kuwaasi oo fadhiisimo ku lahaa badhan” inta aanu saaxiibkay ii dhamayn hadalkaba aad ayaan uga damqaday warkaas dhiilada leh. Cabdilaahi oo warka iisii dhamaystiraya ayaa yidhi "Nuux waxa uu ciidankii ku tilmaamay kuwo calooshooda u shaqaystayaal ahaa oo aan qaranka waxba ugu filnayn isagoo ku daray looma baahna, lacago bilaashana way iska qaadan jireen ee ha tagaan” hadalkaa deelqaaf ka ahna waxa ku tiraabay Taliye nuux.




Dadku waxay ku amaani jireen taliye Nuux inuu ka qayb qaatay nabad galyada doorashpooyinkii dalka ka dhacay ee uu sida xaragada leh u qabtay Madaxwayne riyale. Iyaadoo ay Madaxwayne Siilaanyo iyo Muuse oo ahaa ardaygiisu ay ku guuldaraysteen inay sidaa si lamada doorashooyinka u qabtaan, waxaynu ogayn in dhiig ku daatay doorashadii golayaasha deegaanka oo uu qabtay madaxwayne Siilaanyo. Iyadoo Muuse iyo Siilanyo inay kolba mucaaradaan madaxdii ka horaysay moooyee aanay wax karti ah lahayn taasi oo imika cadaatay markii ay labadooduba xukunka isku daba mareen. 


Hadaba nuux taani oo ninka sharaftaa ku dhex leh qaranka maxaa badlay ayay bulshadu iswaydiinaysaa? Hadal foolxun ayuu kula dulkufay Taani qaybo muhiima oo ka tirsanaa ciidanka uu taliyaha u yahay. Dadka reer Somaliland ee dagan cidhifka ugu bariyeeya dalku waxay ay muhiimad juqurafi iyo mid siyaasadeedba u leeyihiin dalka in sidaa uu nuux yeelo na waa mid meel ka dhac ku ah. Sida laga dhadhansan karayo hadalka nuux dad badanina ay ka dhawaajiyeen waxa ka dhex hadlayay hadalkiisa oo uu microphone u ahaa madaxwayne Biixi oo iska noocaas ay tahay siyaasadiisu laakiin waxay ahayd inuu u tudho dalka iyo dadkaba oo uu diidmo kaga falceliyo.




Waxaan dhagaystay waraysi uu bixiyay sarkaalkii ciidankaa madaxda u ahaa oo loo yaqaanoo Guray kaasoo sheegay in ay Somaliland kala kulmeen fulin la`aan baahiyihii ay qabeen ciidankaas gabdooday iyadoo ballan qaadyo badan loo sameeyay. Waxa kale oo uu sheegay inay gacan saar la yeesheen maamulka Puntland ee aanay si buuxda ugu gacan galin iyadoo  aad arkayso sida ay wali u naawilayaan inay kasoo noqdaan gadoodkaas oo ah mid lagu kalifay. Iyadoo marka aad qiyaasto labada hadal ee taliye Nuux iyo sarkaal Guray uu runta u dhawyahay hadalka Guray halka uu ka Nuuxna yahay uun fulin fariin cid kale u soo dhiibtay oo aan waliba munasib ahayn. 




Waxaan jecelahay inaan kusoo gabagabeeyo maqaalkan in aanay somaliland ka marmin ciidan ka godooda iska daaye hal qof oo qaranka ka taga. Waxaan xaal siinaya ciidankaa gadooday oo aan waliba ugu baaqayo inay kaso noqdaan gadoodkaas. Waxa kale oo aan bulshawaynta Somaliland ugu baqaaya inay raali galintaa mid la mida bixiyaan oo anay raacin fikirka qaldan ee madaweyne bixi iyo talye taani. Waxa kale oon ku baaqaya in baahiyaha ciidanka si dagdag ah wax looga qabto si ayna tanoo  kale u dhicin somalilandna ugu si socoto inay maalin uun gaadho aqoonsi buuxa oo dadka reer somliland ku nooladan cidhif ilaa cidhif, hadii kale sidii aw-gees yidhi ka dib fakhfakhdii Ina cabdille xasan meel fogbaa laga dooni Somaliland.




Cabdi Muxumed


[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...