Somaliland Way Damqanaysaa, Wayna Taahaysaa Ee Inta Aanay Naftu Ka Bixin Ha Loo Dhago Nuglaado Dhawaaqeeda. Waa Digniin!

0
Tuesday September 10, 2019 - 09:18:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1823
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Way Damqanaysaa, Wayna Taahaysaa Ee Inta Aanay Naftu Ka Bixin Ha Loo Dhago Nuglaado Dhawaaqeeda. Waa Digniin!

    Sheeko gaaban ayaa odhanaysa: Bari baa nin ay ehelkiisii ku tuhmeen in uu xanuun hayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheeko gaaban ayaa odhanaysa: Bari baa nin ay ehelkiisii ku tuhmeen in uu xanuun hayo.

Dadkii ehelka u ahaa ninka, oo dawo doon ah ayaa waxay la kulmeen nin loogu sheegay in uu jinka dadka ka saaro.  Ninkii jin saarka ahaa wuxuu ku qanciyey dadkii in ninka ay u keeneen jin galay, isaguna ka saari karo jinka.  Wuxuu jin saarkii soo qaaday maro qaro wayn oo balaadhan. Maradii ayuu dusha ka saaray ninkii, wuxuuna ku shiday geedo tiro badan oo qiiq culus abuuray, ninka ehelkiisiina wuxuu ku amray in ay marada ku hayaan.  Ninkii naftii ayaa qabatay, wuxuu si dhawaaq dheer ah ugu sheegay in aanu neefsan karin.  Ninkii jin saarka ahaa ayaa yidhi, qayladaa aad maqlaysaan, waa jinkii oo ka baxaya eh, ku adkeeya marada, ilaa uu ninkii bartii ku qudh baxay.



Umadda reer somaliland waxaa lagu tilmaami karaa, dad tiro badan oo doon badwaynta ku jabtay, wada saaran.  Doonta guudkeeda waa lagu dhan yahay, nooc walba oo bulshada ka mid ah way saran tahay. Doontaasi socod xoogani kuma jiro. Hase yeeshee, iyadoo dhibaatooyin laxaad leh ka hor imnayaan sida, mowjaddo waawayn, dabaylo xoogan iyo dhagaxaanba, oo ay ka weecinayaan dariiqeedii kolba, ayaa hadana marba marka ka sii danbaysa waxay ku sii siqaysaa halkii ay u socotay. Waxaa doonta saran umad Ilaahay wax la doonayo. Koley walaaca iyo hadalku waa badan yahay doonta dusheeda, madaama safarku daba dheeraaday oo ay xaaladan lagu soo jiray muddo sided iyo labaatan sano kor u dhaaftay. Dadka qaar waaba soo daalayaan, oo niyad jab ayey qarka u saran yihiin. Habaar qabe ujeedo lehna laga dhex waayi maayo.

  Hadalkii badnaa doonta dusheeda, nidaam yar oo ay ku heshiiyeen baa uga soo baxay.Waxaa la isla qaatay in marba koox doonta kaxyso, daacadna u ahaadaan rabitaanka umadda. Inta badana in ay dariiqii saxda ahaa ku wadaan doonta, maba hubiyaan ee waa iska aaminaan. Waana khalad wayn. Ogow hadalku ma yara, waana la is dhex fadhiyaa. Ma kas (wax ma garad) iyo waxgard intuba. Qof walbana waxa uu xaq u leeyahay in uu wax ku darsado hadalka, lana qadiriyo fikirkiisa. Iyadoo, sidaa la isu dhex fadhiyo ayaa hadana intaa waxaa la falanqeynayaa oo laga faaloonayaa sida loo bad baadi lahaa. Waxa intaa u dheer umaddan Alle aaminka ah ee waxaas oo rafaad ah ka dabaalaynaysa, in aduunka intoodii badnayd u muujiyeen cadawnimo, oo ay go’aansadeen in laga duudsiyo rabitaankooda. Hagardaamooyinka iyo aafooyinka loo maleegayo umaddan waa faro ban yihiin. Cadowgoodu meel walba waa ka xigaa oo ilaa qaar gudaha jooga ayaaba loo samaystay.


Tilmaantaa kolka aan intaa kaga nimaadno, waxaa maanta umaddii Somaliland lagu guulaystay in laga dhaadhiciyo, In Somaliland jin galay, sida looga saari karaana, waa in laga cuudiyo.  Somlailand, marka ay damqataba ee taaheeda la maqlaba, waxaa umadda laga dhaadhicinayaa in ay ku sii hayaan marada, Ilayn qayladu waa jinkii baa ka baxaya eh. Waxaa Ayaan daro ah, wax laga naxona ah in dadka la gashan karo fikirkaa liita ee noocaas oo kale ah.  Cajiib. Waxaa taa ka sii daran, in intii qarankan ehelka u ahyd, ay qaateen in ay Somaliland dhegaha ka furaystaan inta jinku ka baxayo. Cabsi ayaa muuqata ah in dadkii qarankan ehelka u ahaa manta, iyaga gacantooda lagu dilo qarannimadoodii.


Walaalayaan Somaliland jin ma galin, way caafimaad qabtaa ee arimaheeda hoos ha loo eego, iyadoo mid la yahay. Hadii umaddu ogalaato in sida xoolaha, inba meel lagu oodo, waxay cadowga u fududaynayaan inuu qudha ka jaro Somaliand.  Waa in umadu iyadoo isku dhan ay si muthakarnimo ah uga wada hadli karto hadba wixii miiska u saran.  Cadowga umaddani wuxuu leeyahay ujeedo qudha, oo ah in uu burburiyo hamiga umadda Somaliland. Ka tashada cadowga idinkoo mid ah.  Waa sida kaliya ee aad iskaga caabiyi kartaan gardarada cadowga.

 

Waxaa umadda la gudboon in ay toosaan, oo ugu yaraan hubiyaan in doontu aanay darqii ka leexan.  Xukuumadda maanta joogta, iyadoo ay muuqato in ay ku hafanayso hawlihii loo igmaday, ayey hadan ku darsatay in aanay afkeeda iyo ficilkeedu islahyn. iydoo aynu wada dareemi karno, sida ay xukuumadani u maareynayso arimhii gudaha dalka, oo walaac badan bulshadu ka muujinayso, ayey hadana mugdi wayn galisay qadiyadii umaddu wada lahayd ee gooni isu taaga. Mar kasta oo ay umaadu maqasho madaxdeeda iyo madax kale ayaa shir albaabadu u xidhan yihiin wada galay, waa in garaadku shaqeeyo, oo reernimada laga tago, si wax la iskaga waydiin karo umadda masiirkeedii halka lala maray. Waa danbi qaran. Waayo dadka la doortay in ay matalaan qaranka, uma banaana, waana ka xaaraan in ay soo galaan wax aan lala ogayn, waliba wiixii tabanaya gooni isu-taaga somaliland. Maanta wxaa muuqata in cadowga Somaliland, kuwii gudaha iyo kuwii dibaduba ay wada shaqayn xoogan oo la taaban karo leeyihiin.  Waxaa wax laga naxo ah in meelaha qaarkood bulshada inteedii ugu waayeelsanayd maanta ay isku waydiiyaan,  beel heblaayo iyo beel heblaayo iyamaa itaal roon. Garaad laawoow, adba umadda uun baad kala siman tahay su’aashaada in laguu tixgalyo eh, reer Somaliya taa wax ka waydii, ma garan weyday!.  Qadiyadda Somaliland waa mid aynu wada leenahay oo aan la kala xigi karin. Umadda oo ul iyo diirkeed ah, xil culus ayaa ka saran ilaalinteeda. Cidii hagar-daamo iyo khiyaamo ku wada, waxaan Ilaahay uga baryayaa in uu ifka ku ciqaabo si ay inta la dareenka ahi ugu cibro qaadato.


Alahayoow umadan dulman ee samirka badan u hiilay. Alahayow muraadkooda u sahal. Aamiin dhaha.

Somaliland ha noolaato cidii necebna waa yeelkadood.

C/risaq Amed Jama

[email protected]

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...