Waddani Miyaa Laga Badiyey ?.
Haddal iyo hilbo ba kala qalinee, xisbigaygii Waddani miyaa laga badiyey mise cidlaan ka caadifooday?
Aan cadeeyo. Go'aanka Waddani wuxuu
ku sallaysanaa laba qodob: kala dirista KDQ, iyo saamiga xubnaha KDQ.
21 January ee sannadkan ayey Golaha Guurtidu u kordhisay Golaha
Wakiilada mudo ka badan inta u hadhay mudo-xilleedkii Gudigga
Doorashooyinka.
Taas macnaheedu yahay, in isla maalintaas uu meesha ka baxay qodobkii
koowaad ee la isku hayey, mar haddii ay cadaatay in aanay gudigani
doorasho qabaneyn.
Maalintaas 21 January laga bilaabo, Waddani wuxuu ka dagaalamaayey
arrinta saamiga..Lix billood ka dib oo ku beegan 29 July, ayuu Waddani
hishiis madaxtooyada ku saxeexay, kana tanaasulay go'aankiisii; taasi
waxay ahayd guuldaradii koowaad. 18 August ayuu Waddani mar labaad
shaaciyey innuu ka baxay hishiiskii xisbiyada; isla 27 August ayuu
xisbigu soo saaray war-saxaafaddeed uu ku sii adkaynaayo go'aankiisa
18kii bisha. Maanta (8 September) ayuu mar labaad ka tanaasulay
go'aankii uu 18 Aug qaatay; taasi na waa guuldaradii labaad.
Waxaas oo dhan sheeko ka sii xiiso badan ayaan idiin hayaa. Waddani
wuxuu maanta ku calaacalay in : xisbiga Kulmiye oo kaashanaaya labadiisa
garab ee SONSAF iyo APD ay beesha caalamku ka dhaadhiciyey, in Waddani
kaligii diidanyahay doorashada. Halkaas far baa ii taagan. Doorashadii
2017kii hor ayuu Waddani kalsoonida kala laabtay labada urur ee Kulmiye
ka tirsan, waa Sonsaf iyo APD'ee—haddana isla maalmahii ayuu kalsoonidii
u celiyey. Isla doorashadii ayey labadii urur taageereen Kulmiye, kuna
markhaati fureen Waddani. Haye, Waddani mar labaad ayuu kalsoonidii kala
noqday labadii urur, haddana maalmo ka dib ayuu wada shaqayn la
bilaabay; dee maantana waa kuwaa mar labaad ku markhaati furay!!.
Kollay waad yaabteenee, aan idinka qosliyo; Waddani haddana wuxuu diyaar u yahay innuu la shaqeeyo labadii urur!!!.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...