Wasiirka Shaqo Gelinta oo Burco Ka Furtay Barnaamijka Shaqo Abuurka Dhalinyaradda
ayaa shalay magaalada Burco ka daah-furtay barnaamijka shaqo abuurka dhalinyarta Somaliland.
Barmaajikan shaqo abuurka dhalinyaradda oo ah mid sanad leh ayaa
munaasibadii lagu furayay waxaa ka soo qayb galay wasiirka shaqo galinta Hinda
Jaamac Gaani, maayarka magaaladda Burco Maxamed Yusuf Muraad, Guddoomiyaha
gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi iyo masuuliyiin kale.
Hinda Jaamac Gaani, oo furitaankii barnaaamijkaasi hadal ka jeedisay ayaa
sheegatay in u jeedada shirkaasi loo qabtay tahay kor qaadista shaqo abuurka
dhalinyarta dalka.
Waxaanay tilmaantay in u jeedadda shirkan laga leeyahay ay tahay kor u
qaadista shaqo abuurka dhalinyarada reer Somaliland gabdho iyo wiilalba.
Waxaanay tidhi "Shirkan maanta (shalay) aynu furaynaa, waa shir sannadkii-ba
mar ay qabato wasaarada shaqo galinta Arrimaha bulshadda iyoQoyska.
Waxaanan aad ugu mahad celinayaa hay’ada Save the Children oo gacan ka
gaystay shirkan, oo markasta gacan nala bar-bar taagan.
Ujeedadda shirkan loo qabtay waxa weeye, kor u qaadista shaqo abuurka
dhalinyarada reer Somaliland gabdho iyo wiilalba. Waxaanu maanta (shalay) ku
qabanay shirka sannad laha ah ee sannadkan 2019-ka magaaladda Burco”.
Hinda Jaamac Gaani, waxa kaloo ay sheegtay in ay diyaar u yihiin in ay
bulshadda gaadhsiiyaan baahi kasta oo ay qabaan, sida uu farayo
xeer-nidaamiyaha wasaaradu.
"Markasta waxaanu diyaar u nahay in aanu gaadhsiino baahiyaad kastoo
bulshadu qabto iyo wax kasta oo ay nafarayso masuuliyadda na saarani iyo
awaamiirta waajibaadka dastuuriga ah. Anagoo fulinayna awaamiirta madaxweynaha.
Run ahaan sida uu jideeyay xeer-nidaamiyaha, waxa uu jideeyay in ay ka
masuul noqoto ilaaliso iyo sidii lagu heli lahaa shaqo abuur dalka ka hana
qaada”ayay tidhi wasiir Hinda Gaani.
Geesta kale wasiirku waxay sheegay in ay Burco ay ka furi doonaan
xafiiska shaqo-doon, kaasoo ka qayb qaadan doona sidii dhalinyaradda
jaamacadaha dalka dhamaystay ay shaqooyin u heli lahaayeen.
Wasiirka oo arrimahaas ka hadlaysayna waxay tidhi "Waxaanu magaaladan
Burco ka furi doonaa xafiiskii labaad ee shaqo-doon ka.Waxaananu ka furi doonaa
xarunta wasaarada shaqo galinta iyo Arrimaha bulshadda ee magaaladda Burco.
Waxaanu sahlayaa xafiiskaasi shaqo-doon, sidii ay shaqo u heli la haayeen
dhalinyarta dhamaysatay Jaamacadaha dalka.
Wasaaradda shaqo galintu waxay diyaarisay siyaasadihii qaranku yeelan
lahaa, kuwaasoo sahlaya sidii shaqo loo abuuri lahaa. Waxaananu ka wasaarad
ahaan xil iska saarnay in ay barto xirfad ay ku shaqo tagaan dhalinyaradu”.


0 





