"Dalka Waxbarashadiisa, Malcaamad Illaa Jaamacad Waxaa Uga Masuul Ah Wasaaradda Waxbarashada"
, ayaa sheegay in waxbarashada Somaliland oo heerar kala duwan soo martay in ay hadda marayso halkii ugu wanaagsanayd, marka loo eego duruufaha ay ka soo gudubtay.
Waxaa kale oo uu ka hadlay sida ay waxbarashada ardayda iyo macalimiinta
wax baraysaba ay horumarkooda wax barid iyo barashaba ay qayb wayn uga qaadatay
buugaagta manhakja qaranka ee Madaxweynaha Somaliland ugu deeqay dhammaan
ardayda dugsiyada iyo madaclimiintaba, taas oo meesha ka saartay in ardaygu uu
dhigto cashar aanu buuggiisa haysan.
Waxaa kale oo uu ka hadlay sida Imtixaanaadka qaranku ay u yihiin ammaan
ee aanay Somaliland uga dhicin fashilaad badan oo ku dhacday Imtixaanada dalal
badan oo aynu deris nahay oo imtixaankoodu intuu suuqa galo dib loo baabiiyay,
isla markaana mid kale oo deg deg ah la soo jaaba jaabeeyay.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Cismaan Jaamac
Aaden, waxa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu Xafiiskiisa ku siiyay
wargeyska Dawan.
Ugu horrayn wasiir Cismaan oo ka hadlayay heerka waxbarashada Somaliland
ay marayso, ayaa yidhi. "Heerar kala duwan ayay waxbarashada Somaliland soo
martay. Dalka markii aynu dib ula soo noqonay waxaynu waxbarashada ka bilawnay
meel aan waxba jirin, tusaale ahaan maanta Jaamacadda Hargeysa waxaa ka qalin
jabiyay oo loo debbaal geday 800 oo ayday iyo dheeraad, halka markii la
bilaabay ay ka qalin jabiyeen boqol iyo wax la mid ah, markaa waxaad arkaysaa
siday waxbarashadeenu u korayso.
Dugsiyada sare, kuwa sdhexe iyo hoose ee dawliga ah iyo kuwa madaxa
bannaan ayaa iyaguna dedaal badan ku jira, maanta waxaa dalkeena wax u baranaya
oo arday ah dad gaadhaya rubuc malyuun oo maanta dalka wax u barata.
Sideedabana waxbarasho horumarkeedu wuxuu ku xidhan yahay macalimiinta dhigaysa
iyo heerkooda aqooneed, muddooyinkii hore aad ayay u yaraayeen macalimiin
tababaran oo ubadka wax u dhiga, laakiin imika waxaa la furay kuliyaddii
tababarka macalimiinta oo ay innooga soo baxayaan macalimiin aqoon leh oo u
tababaran waxbarsita ardayda iyo barbaarintoodaba, waxaanay noqon doonaan
macalimiin u tababaran waxbarashada dugsiyada sare iyo dugsiyada hoose, taasina
waxay qayb wayn ka qaadanaysaa in waxbarashadeenu horumar ballaadhan ay
samayso. Marka aanu soo saarno macalinkii loo baahnaa ee ardaygu u baahnaa in
uu wax ka barto.
Waxaa kale oo Somaliland guul u ah mudadaa ay jirtay xafiiska
Imtixaanaadka qaranku wuxuu muujiyay dedaal iyo karti uu kaga hor maray dalalka
deriska oo dhan, hal mar Somaliland kamay dhicin in Imtixaan intuu fashilmo in
uu suuqa qalo, innagoo ogsoon in dalalka deriska ah in ay arrintaasi marar
badan ka dhacday. Waana masuuliyad qaran oo la gutay xilna la iska saaray.
Waxaa kale oo dalku uu helaa deeqo waxbarasho oo heerka koobaad iyo
heerka labaad ee jaamacadda ah, waxaana ugu badan dalalka Ina siiya deeqahaas
waxbarasho dalka Itoobiya oo aan aad ugaga mahad naqayno, sannadkan deeqdii
waxbarasho ee ay noo soo direenna imika ayaan qaybinteedii wadnaa.”
Wasiirka oo la waydiiyay waxa uga qorshaysan ka wasaarad ahaan dugsiyadii
farsamada gacanta, ayaa ku jawaabay. "Waddan hore uma maro illaa uu dadkiisa
farsamada gacanta la baro, waxaana naga go’an in dalka ay u soo baxaan arday ka
soo baxda dugsiyada Farsamada Gacanta, waxaa la dhammaystirayaa dugsiga
Farsamada gacanta ee Hargeysa iyo kii Burco, waxaana naga go’an in horta lixda
gobol ee waawayn in laga hirgeliyo dugsiyo farsamada gacanta ah, maanta aqoonta
illaa heer jaamacadeed ayaynu samaysanay, laakiin waxaa innaga maqan ee innaga dhimani
waa dugsiyadii farsamda gacanta oo laf dhabar u ah horumarka umadi ku
tallaabsato, waxaanay ka mid tahay oo ay kow ka tahay tallaabooyinka ka
wasaarad ahaan iyo ka xukuumad ahaan ba noo qorshaysan.”
Wasiirka oo la waydiiyay madaariista diiniga ahi in ay hoos yimaadaan
wasaaradda waxbarashada iyo in kale, ayaa yidhi. "Dalka waxbarashadiisa,
malcaamad illaa jaamacad waxaa uga masuul ah wasaaradda waxbarashada iyo
sayniska, waxaana lagu dhaqayaa xeerka waxbarashada qaranka, laakiin cidi way
naga gacansiin kartaa ama naga caawin kartaa sidaanu u gudan lahayn shaqadayada
waxbarasho, laakiin hadday madaariis tahay, hadday malcaamado tahay iyo hadday
isguul iyo jaamacd tahay ba waxbarashada qaranka wasaaraddan ayaa uga masuul ah
oo ay shaqadeedii tahay.”
Wasiir Cismaan oo la waydiiyay maaddo waddaniyadda lagu baranayo oo lagu
soo kordhiyay manhajka qaranka, ayaa yidhi. "Way jirtaa oo waxaa qorshe wayn
wada wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka, kaas oo ah in
dadka oo dhan lagu baro dastuurka Somaliland, markaa ka wasaarad ahaan way nagu
casuumeen waxaanan isla garanay in fasalada 7-illaa 8-aad lagu bilaabo
barashada dastuurka ka dibna dugsiyada sare loo gudbo oo lagu qaato afartiisa
fasalba dastuurka qaranka.”
Waxaa kale oo uu wasiirka waxbarashada iyo Sayniska Somaliland uu ammaanay doorka waalidku kaga jiro dhiiri gelinta waxbarashada Somaliland iyo kaalinta muuqata ee qurba joogga reer Somaliland ay ku leeyihiin horumarka waxbarashada waxaanu ku dardaaray waalidiinta in ay markasta ku xidhnaadaan dugsiyada waxbarashada ee ubadku u dhugto.


0 





