Macalin Taariikh La Sameeyay Xulka Kubada Cagta Somaliya.
Maxamuud Cali wuxuu ka qeyb qaatay mid ka mid ah guulihii taariikhiga ahaa ee ugu weynaa kubadda cagta caalamiga ah.
Macallin kasta oo dhinaca
darawalnimada ah ma sheegan karo inuu qeyb ka noqday taariikh lama illoobaan ah
oo dhinaca kubadda cagta adduunka ah.
Laakiin Maxamuud Cali, oo sidoo
kale ka tirsan kooxda Curzon Ashton ee dalka Ingiriiska waxay arrinta sidaas u
weyn qeyb ka ahayd shaqadii uu ku qabtay hal isbuuc gudihiis.
Habeen walba oo ka mid ah
isbuucii dhammaaday isku mid uma ahayn Maxamuud.
Khamiistii ma aysan u ahayn
habeen caadi ah xulka qaranka Soomaaliya, maadaama ay darajada kala horreynta
liiska kubadda cagta adduunka ee Fifa ka galeen booska 202-aad, halkii ay
markii hore ka ahaayeen booska 211-aad.
Taasi waxay timid markii ay
taariikh baal dahab ah gashay ka sameeyeen isreebreebka koobka adduunka,
heerkiisa koowaad.
Gool xamaasad weyn abuuray oo la
dhaliyay daqiiqaddii 86-aad ayaa sababay in kooxda lagu naaneyso Xiddigaha
badweynta(Ocean Stars) ay sameeyaan dabaaldag aysan noociisa waligood horay u
sameynin.
Xulka qaranka Zimbabwe oo 90
darajo uga sarreeya liista Fifa ayey ku garaaceen 1-0, ka dib markii ay la ciyaareen
lugtii hore ee isreebreebka, oo ka dhcday dalka Jabuuti.
Macallinka
Darawalnimada
Maxamuud Cali, oo ka ciyaara
tartanka National League North ee dalka Ingiriiska ayaa waxa uu leeyahay Iskuul
lagu barto wadista baabuurta oo ku yaalla magaalada Manchester.
Wuxuu difaaca dhexe ee dambe
kooxda uga ciyaarayay guud ahaan waqtigii ay socotay ciyaartaas.
Walaalkiis oo lagu magacaabo
Axmed ayaa isagana ahaa kabtanka kooxda, wuxuuna ahaa ninkii dhiibay sababtana
u ahaa kubaddii shabaqa la dhex dhigay ee goolka guusha noqotay.
Muxuu Maxamuud ku yiri ardaydii
uu barayay darawalnimada?
"Waxaan u sheegay ardaydeyda
inaan kasoo qeyb galayo ciyaar caalami ah oo ka tirsan kubadda cagta, dabcan
waxay rabeen inaan usii wado cashirrada ku saabsan darawalnimada, laakiin dhammaantood
way la dhacsanaayeen howsha aan u socdo anigana waxaan u xaqiijiyay inaan si
dhaqso ah ugu soo laaban doono", ayuu yiri Maxamuud, oo 25 jir ah.
"Taageeradu waxay ahayd
cajiib. Waxaa aad naloogu hadal hayay Twitter-ka adduunka oo dhan ka dib markii
ay ciyaartu dhammaatay. Waxay ahayd guul aad u weyn sababtoo ah Zimbabwe waa
kooxda ugu sarreysa dhinaca liiska Fifa ee ka qeyb qaadaneysa isreebreebka
heerkan ah, annaguna waxaan nahay kooxda ugu hooseysa liista kooxaha ku
hardamaya heerkan.
"Ma jirin cid fileysay inaan
guuleysan doonno, haddii aan ka gudubno guruubyadana waxay noqon doontaa guul
aan la rumeysan karin marnaba. Laakiin haddaba taariikhda waan sii
galnay".
Guul la sugayay
35 sano
Markii ay xulka Soomaaliya
garoonka galayeen maqribnimadii Khamiista, Soomaaliya ma aysan kusoo
guuleysanin ciyaar ka tirsan isreebreebka koobka adduunka muddo 35 sano ah.
Xitaa uma aysan suurta galin inay guul ka gaaraan ciyaar nooc kasta ah tan iyo
bishii Janaayo ee sanadkii 2009-kii.
Maadaama ay 27 ciyaar oo isku
xigta guul darro kala soo kulmeen tan iyo markii ay guul 1-0 ah kasoo hoyiyeen
xulka Tanzania iyo waliba guul darro 6-0 ah oo ay kala kulmeen kooxda Niger,
ciyaar ka tirsaneyd isla tartanka heerka isreebreebka Koobka Adduunka, ma jirin
wax rajo ah oo laga qabay inay taariikh noocan ah dhici doonto sanadkan
2019-ka.
Waliba waxaa taas sii dheereyd in
Zimbabwe ay ka mid tahay kooxaha aan lagu tashanin, waxayna qeyb ka ahaayeen
tartankii xiisaha badnaa ee Qaramada Afrika, oo sanadkan lagu qabtay dalka Masar.
Maxamuud Cali wuxuu sheegay in
natiijadan ay ku timid dadaal uu qof walba dhankiisa ka sameeyay.
Difaaca ayaa yiri: "Waxay
ahayd xaalad dareenka kicineysa, oo waliba aad u kicineysa, annagoo og in
malaayiin qof ay naga daawanayaan meel kasta oo ka mid ah caalamka, walaalkey
wuxuu baasay kubaddii goolka lagu dhaliyay, waxaana helnay fursad aan aniga iyo
asaga laabta isku galinno garoonka dhexdiisa".
"Waalidiinteenna waxay ku
dhasheen Soomaaliya, waxayna aad ugu farxeen inaan waddanka hooyo gaarsiinnay
heerkaas. Waxaan rabnaa inaan taariikh kale lasii sameyno xulka Qaranka".
BBC


0 





