Maxay Tahay Dacwadda Ka Dhanka Ah Sharukh Khan Ee Loo Gudbiyay Maxkamadda Sare?
Garsoore Debangshu Basak oo ka
tirsan maxkamadda ayaa dhageysanaya dacwad ay gudbiyeen labo arday oo wax ka
tirsanaa machadkaas, oo horay u xiray qaar ka mid ah laamaha uu ku lahaa
waddanka.
Ardayda ayaa sheegay inay
xaruntan waxbarasho uga khasaartay lacag dhan Rs 20 lakh(oo u dhiganta
qiyaastii $28,000 oo doolar), qofkiiba, taasoo ay bixiyeen markii ay iska
diiwaan galinayeen mac-hadka IIPM.
Qareenka u doodaya ardaydan, oo
lagu magacaabo Debanjan Dutta ayaa Khamiistii maxkamadda sare u sheegay in madaxa
caddaaladda ee ku sugan maxkamadda sare ee fadhigeedu yahay magaalada Delhi uu
sanadkii 2017-kii ku dhawaaqay in mac-hadka IIPM uu yahay mid been abuur ah oo
aan wax tayo ah lahayn.
Dutta ayaa sidoo kale dalbaday
inay mac-hadkaas baaritaanno ku sameyso waaxda dambi barista dalka Hindiya ee
magaceeda loo soo gaabiyo CBI.
Wuxuu qareenku intaas ku daray in
labada arday ay bishii Maarso ee sanadkii 2018-kii dacwad geeyeen saldhigga
booliska ee magaalada Salt Lake, laakiin aan wax baaritaan ah la sameynin.
Bishii Nofember ee isla sanadkii
2018-kii, tallaabo kale oo ay qaadeen ayey maxkaadda sare ee Calcutta ugu
gudbiyeen kiis si wadajir ah musuqmaasuq loogu eedeynayo Shah Rukh Khan,
mac-hadka IIPM, ninka maalgalinta u sameeya machadkan oo lagu magacaabo Arindam
Choudhuri iyo shirkadahooda kaleba.
Waxay sheegeen inay dhammaantood
galeen fal-dambiyeed meel looga dhacay aaminaadda shacabka isla markaana lagu
taageeray dambiileyaal.
Maadaama uu Atooraha ahaa
wakiilka dhinaca ganacsiga ee mac-hadka IIPM, waxay ardaydu taliska hay'adda
dambi baarista ee CBI ka dalbadeen inay baaritaan ku sameeyaan Shah Rukh Khan
qudhiisa.
Hase yeeshee, Jilaaga ayaa ku
gacan seyray dhammaan eedeymahaas, wuxuuna ku tilmaamay inay yihiin kuwo been
abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.
Qareenka jilaaga ayaa maxkamadda
u sheegay in Khan uu qaab ganacsi uun uga soo muuqday xayeysiimo uu leeyahay
mac-hadka, laakiin wax sharci darro ah uusan sameynin.
Balse garsoorka ayaa hadda
doonaya in Khan uu sameeyo dhaar uu ku caddeynayo inuusan wax xiriir ah la
lahayn mac-hadkaas.
Dhaarta ayaa waxaa sidoo kale
laga doonayaa inuu sameeyo milkiilaha IIPM, si uu u caddeeyo xiriirka kala
dhaxeeya Shah Rukh Khan.
Warqadaha dhaarta ah ayaa Jilaaga
Bollywood-ka iyo milkiilaha IIPM laga rabaa inay maxkamadda ugu gudbiyaan muddo
2 isbuuc gudahood ah.
BBC


0 





