Shaqadii Dekeda Berbera Oo Maalintii Shanaad Taagan, Dooda DP World Iyo Kulan Xasaasi Ah Oo Madaxtooyada Ka Dhacaya.

0
Sunday March 17, 2019 - 15:32:58 in News by
  • Visits: 2730
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqadii Dekeda Berbera Oo Maalintii Shanaad Taagan, Dooda DP World Iyo Kulan Xasaasi Ah Oo Madaxtooyada Ka Dhacaya.

    Shaqooyinkii Dekeda Berbera Oo Istaagay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaqooyinkii Dekeda Berbera Oo Istaagay

Hargeysa(HWN):-Dekeda magaalada Berbera ayaa maalintii shanaad oo xidhiidh ah aanay ka socon wax shaqo ah ka dib cabasho ay qabto ganacsatada dalku.



Ganacsatada isticmaasha dekeda magaalada Berbera ayaa mar kale gaashaanka ku dhuftay amar ka soo baxay xukuumada oo farayey inay si deg deg ah alaabahooda ugala baxaan dekedaasi haddii kale ay mudan doonaan ganaax la duldhigo.



Ganacsatada ayaa ku doodaya inaanay bixinayn kordhin ay shirkada DP World ku samaysay qiimaha sarifka ee ay ku cashuuri jirtay alaabaha kala duwan ee ganacsatada somaliland uga soo dega dekeda magaalada Berbera.


Sidoo kale shirkada DP World ayaa iyaduna qabta in heshiiska ay la gashay xukuumadii hore ee somaliland uu dhigayo in laba sanadood ka dib ay xaq u leedahay inay kordhin karto qiimaha sarifka isla markaana ka dhigi karto qiimaha uu suuqa ka marayo.


Dhinaca kale warar rasmi ah oo soo baxay ayaa xaqiijiyey in ganacsatada dalku ay galabta kulan la qaadanayaan madaxweynaha somaliland, kaas oo ay ku hordhigi doonaan cabashada ay ka qabaan talaabada ay shirkada DP World qaaday.


Kulanka madaxweynaha iyo ganacsatada oo mar hore dib u dhac ku yimid ayaa la filayaa in xal lagaga gaadho ismarin waaga u dhaxeeya ganacsatada somaliland iyo shirkada DP World ee gacanta ku haysa maamulka dekeda Berbera.


Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...