Sababaha Xisbiga Waddani U Aqbalay Inuu Xubin Kaliya Ku Yeesho Guddida Doorashada...W/Q Cali Cabdiraxmaan

0
Sunday September 08, 2019 - 17:28:46 in Articles by
  • Visits: 2200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sababaha Xisbiga Waddani U Aqbalay Inuu Xubin Kaliya Ku Yeesho Guddida Doorashada...W/Q Cali Cabdiraxmaan

    Sababaha Xisbiga Waddani U Aqbalay Inuu Xubin Kaliya Ku Yeesho Guddida Doorashada...W/Q Cali Cabdiraxmaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sababaha Xisbiga Waddani U Aqbalay Inuu Xubin Kaliya Ku Yeesho Guddida Doorashada...W/Q Cali Cabdiraxmaan


1. Xisbiga Kulmiye iyo Muuse waxa ay rabaan in muranka xubnaha doorashooyinku sii dheeraado, ma na rabaan in heshiis arrintaa laga gaadho, haddii aannu Waddani yeelinna doorasho dhacaysaa ma jirto.

Image may contain: Cali Cabdiraxmaan, sitting


2. Xisbiga Waddani waxa laga haystaa dhamaan shir-guddoonka wakiillada iyo maayarrada magaalooyinka badankooda, sidaa daraaddeed haddii doorasho dhacdo waxa lagula dagaallami karaa Kulmiye kuraastaas.


3. Kulmiye waxa ay beesha caalamka ku yidhaahdeen heshiiskii saddexda xisbi iyo madaxweynaha waxa ka hor yimi goloha wakiillada oo doonaaya in aanay doorasho dhicin. Waxa aynnu ognahay doorka beesha caalamku ku leedahay doorashooyinka Somalliland.


4. Kulmiye waxa kale oo ay u sheegeen beesha caalamka in Somaliland nidaamka qabyaaladdu awood ku leeyahay, labada guddoomiye xisbi mucaarad ay isku beel yihiin, taasina ay keenayso in 4 xubnood oo isku beel ahi yimaaddaan, Somaliland-tii kale oo dhamina noqonayso 5 xubnood. Waana been ay mala-awaaleen ee guddoomiyana xubin wax ka badan ma siiyeen beeshiisa.
5. Beesha caalamku waxa ay ku tidhi xisbiga Waddani: waxa aad tihiin xisbiga kaliya ee mucaarad ah ee Afrikaan ah ee doorasho diiddan ee aannu aragnay. Sababtuna wax kale ma aha ee Kulmiye ayaa beeno badan ku dhura.


6. Beesha caalamku marka ay dalka timaaddo, waxa ay la kulantaa madaxweynaha, dabadeedna xisbiyada mucaaradka, dabadeedna ururada bulshada rayidka ah ee aan dawliga ahayn. Gaar ahaan waxa ay la kulmaan: Akaddamiyadda nabadda iyo horumarinta, dallada SONSAF iyo xarunta dhaqanka. Intuba isku af bay ku hadlaan, marka laga tago Waddani. Taas baa keentay in Waddani iyo dadkii kale oo dhan ay noqoto, beesha caalamkuna eedda waxa ay saaraan Waddani.


7. Waxaa lagu canaanan karaa Waddani in aannu door muhiima ku lahayn ururada bulshada iyo in aanay isaga iyo xisbiga kale ee mucaaradka ahi isku dhinac u socon.


8. Xisbiga Waddani waxa uu markii hore cabasho ka qabay in aan komishankani doorasho u qaban, tiina waa ay ku guulaysteen, xataa iyada oo labada xisbi ee kale sheegeen in ay galayaan doorasho kaligood oo komishankani u qabanaayo doorasho. Mar dambe ayay Waddani soo kordhiyeen cabashada ku saabsan xubnaha cusube sida loo qaybsanaayo.


Sababuhu intan waa ay ka sii badan karaan, balse waa intaan ogaa ee maskaxdayda ku soo dhacday hadda. Waddanni waxa uu kala doortay in doorasho dhacdo iyo in ay xubin komishan ku dhagganaadaan, oo doorashana dhici waydo. Muuse waxa lagula taliyay in aannu doorasho qaban, oo aannu khaladkii Rayaale galay oo kale galin, si aannu ula kulmin gole wakiillo oo mucaarad ah, dabadeed ay u dhibaan sidii ay Rayaale u dhibeen.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...