Proff Cabdi Cali Jaamac Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Xayiraada Hadhwanaag Iyo Xadhiga Horyaaltv24tv, Garsoorkana Fariin U Diray

0
Sunday September 08, 2019 - 17:16:45 in News by
  • Visits: 2015
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Proff Cabdi Cali Jaamac Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Xayiraada Hadhwanaag Iyo Xadhiga Horyaaltv24tv, Garsoorkana Fariin U Diray

    Proff Cabdi Cali Jaamac Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Xayiraada Hadhwanaag Iyo Xadhiga Horyaaltv24tv

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Proff Cabdi Cali Jaamac Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Xayiraada Hadhwanaag Iyo Xadhiga Horyaaltv24tv


Hargeysa(HWN):-Proff Cabdi Cali Jaamac ayaa sharci daro ku tilmaamay xayiraada ay xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ku soo rogtay shabakada Hadhwanaagnews iyo xadhiga telefishanka Horyaal24tv xaruntiisa Hargeysa.

Image may contain: 1 person


Proff Cabdi Cali Jaamac ayaa hay’addaha garoorka ugu baaqay inay wax ka qabtaan talaabooyinka ay xukuumadu ku xidhayso hay’addaha warbaahina iyada oo aan wax dacwad ah ku soo oogin ama ay ganaax duldhigaan dawlada.


Proff Cabdi Cali Jaamac ayaa qoraal uu ka soo saaray Hargeysa oo soo gaadhay Hadhwanaagnews waxa uu u dhignaa sidan "


Laba isku heli maysaan; xidhid xukun hortii iyo magdhaw la'aan; Alla waa maalintii Garsoorka!!!
Lama diidana in warbaahintu qalad geli karto; laakiin, sida caadiga ah, marka la eegayo xeerka saxaafadda waa in xukuumaddu dacwad ku furto Wargeyska ama TVga ay u aragto in uu qalad sharci galay iyadoo aan la xidhin meheradda ama mulkiilayaasha; haddiise ay sidan ku waddo, waa in garsoorku cashar siiyo xukuumadda oo uu ku dallaco magdhaw dheguhu xanuunaan, taasoo keenaysa in aanay xukuumaddu iyadoo dhubuq dhubuq leh iska xidhin meherad muwaadin leeyahay.


Waa in Hadhwanaaga iyo horyaal TV ba loo maraa dariiqa sharciga ah, haddii kale awrku dan ba wuu u dheeliyi. ogowna cirka iyo dhulku waxay ku taagan yihiin miisaanka caddaaladda ee Alle ku fadhiisiyay.!!!!



Cabdo; Maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.

Loading...
Loading...