Madaxweynaha Djibouti Oo Furay Dhisme Cusub Oo Ay U Guurayso Safaarada Dalkiisa Ee Muqdisho+Sawiro

0
Sunday March 17, 2019 - 15:29:32 in News by
  • Visits: 2175
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Djibouti Oo Furay Dhisme Cusub Oo Ay U Guurayso Safaarada Dalkiisa Ee Muqdisho+Sawiro

    Madaxweynaha Djibouti Oo Furay Dhisme Cusub Oo Ay U Guurayso Safaarada Dalkiisa Ee Muqdisho+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Djibouti Oo Furay Dhisme Cusub Oo Ay U Guurayso Safaarada Dalkiisa Ee Muqdisho+Sawiro

Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha dawlada Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si rasmi ah u furay xarun cusub oo ay yeelanayso safaarada uu dalkiisu ku leeyahay magaalada Muqdisho ee dalka soomaaliya.




Munaasibad lagu furayey dhismaha cusub ee safaarada dalka Djibouti ku leeyahay soomaaliya ayaa waxa ka soo qayb galay madaxweyne Farmaajo, Madaxweyne Geelle, wasiiro ka socday labada dal, dublamaasiyiin iyo marti sharaf kale.



Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay inay muhiimad gaar ah u leedahay in dhigiisa dalka Djibouti uu si rasmi ah u furo dhismaha cusub ee safaaradu u guuri doonto, isaga oo tilmaamay in dedaal badan ay galiyeen sidii loo hirgelin lahaa xarunta cusub ee safaarada Djibouti.


Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee safaarada dalkiisu ku leeyahay soomaaliya ayaa u mahad celiyey dawlada madaxweyne Farmaajo, isaga oo taageeray qorshaha loogu hirgeliyey safaarada dalkiisa dhismahan cusub.



Safaaradda Jabuuti ayaa deganeyd dhismo ku yaalla gudaha Madaxtooyada oo ay ku shaqeyneysay muddo sanado ah, waxaana haatan safaaradda ay banaanka uga soo baxday xeyndaabka Madaxtooyada.

Loading...
Loading...